Tallaabadii C/llaahi Yuusuf ee December 14, 2008 iyo midda Farmaajo ee maanta

1
Thursday September 16, 2021 - 20:18:27 in Wararka by
  • Visits: 843
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tallaabadii C/llaahi Yuusuf ee December 14, 2008 iyo midda Farmaajo ee maanta

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Wax lala yaabay ayuu madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf (AUN) ku dhaqaaqay December 8, 2008. Wuxuu ku dhawaaqay in uu wareegto xilka uga qaaday RW Nuur Cadde (AUN) oo ku howlanaa nabaddoonimada shirkii Jabuuti iyo soo af jarridda colaad siyaasadeed oo ay dad badani ku naf waayeen. Waxay ahayd arrin sharci darro ah maaddaama RW xilka looga qaadi karo oo keliya mooshin baarlamaan.

Aragtida nabadeynta Nuur Cadde ee shirka Jabuuti ee lagu heshiisiiyay mucaaradkii Asmara fadhiyay waxaa taageeranaa beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed intooda badan.

Sharci darradii ayuu madaxweyne Cabdullaayi Yuusuf ku adkeystay, wuxuuna Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere) u mahacaabay RW.

Dec 24, 2008, Gacmadheere oo ma laha dareemay in aysan sheekadaas soconeyn, ayaa shaaciyay in uu iska casilay xilkii loo magacaabay.

Col.kii tan iyo dhallinyaronimadiisa ku taamayay in uu mar uun Soomaaliya hoggaamiyo, una soo galay halgan dheer oo nabad, colaad iyo xabsiba leh, ayaa garwaaqsaday in uu iska daaye uu dalka sii heysto, aysan suura gal ahayn inuu dhamaysto muddo xileydkiisii oo ay ka dhineyd muddo sanad ah!

December 29, madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa Baarlamaankii Baydhabo fadhiyay u sheegay in uu xilka iska casilay!

Waxaa laga bartay dhowr cashar: in aan Soomaaliya xoog lagu heysan karin; in qofka nabadeynta wada ay Soomaali ka jecel yihiin kan colaadda wada; iyo in qofka wax garadka ah uu yahay kan fahma marka ay dabeyshu dhankiisa u socoto iyo marka kale.

Waddadii…..

Tallaabadii C/llaahi Yuusuf ee December 14, 2008 iyo midda Farmaajo ee maanta

W/Q: Hassan Adam Hossow



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip