HALKAAN KA AQRISO WARGEYSKA MOGADISHU TIMES EE MAANTA KHAMIIS 9-KA SEPTEMBAR 2021-KA

0
Thursday September 09, 2021 - 08:34:07 in Wararka by
  • Visits: 554
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO WARGEYSKA MOGADISHU TIMES EE MAANTA KHAMIIS 9-KA SEPTEMBAR 2021-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Farmaajo oo diiday xil ka qaadistii wasiir Xundubey

Qoraal kasoo baxay xafiiska madax-weynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu diiday xil ka waadistii uu Xalay Ra’iisul wasaare Rooble ku sameeyey wasiirkii amniga Soomaaliya Xasan Xundubey, kaas oo lagu bedelay Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur.

Farmaajo ayaa qoraalk-aan ka soo baxay xafii-skiisa waxa uu ku yiri, "Xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubeey kuma imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna dhaqan gal ma ahan.”

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, "Xil ka qaadista iyo magacaabista xubnaha Golaha Wasiirada ma aha dhaqan gal ilaa ay ku tima-addo hannaan waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee dalka.”

Hoos ka aqriso qoraalka Farmaajo oo dhameystiran

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder-aalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdu-llaahi Farmaajo ayaa sheegay in aysan dhaqan gal ahayn xil ka qaadis kasta oo lagu sameeyo xubin ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ilaa ay ku timaaddo si waafaqsan Dastuurka KMG ah ee dalka.

Madaxweynaha oo cuskanaya Qodobka 90aad, Xarafka (e) ee Dastuurka KMG ee dal-ka oo dhigaya "Awoodaha Madaxweynaha wa-xaa ka mid ah inuu xilka ka qaadayo Wasii-rrada, Wasiiru-dawleyaasha, iyo Wasiir-ku-xig-eennada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koo-waad.” ayaa sheegay in xil ka qaadista Was-iirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundu-beey aysan ku imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna aysan dhaqan gal ahayn.

"Xil ka qaadista iyo magacaabista xub-naha Golaha Wasiirada ma aha dhaqan gal ilaa ay ku timaaddo hannaan waafaqsan Dastu-urka Kumeel Gaarka ah ee dalka.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay in shaqada laga doo-nayo haatan xukuumadda ay ahayd inay dha-mmeystirto doorashooyinka Goleyaadha Barl-amaanka ee ka bilowday dalka, lagana sugayo sii joogtaynta hawlaha muhiimka ah ee hor-yaalla. ==DHAMMAAD==

Ra’iisul Wasaare Rooble oo xilka ka qaaday wasiirkii amniga, magacaabay mid cusub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soo-maaliya Maxmaed Xuseen Rooble ayaa ware-egto ka soo baxday xafiiskiisa wuxuu Xildh-ibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ugu maga-caabay Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amn-iga Gudaha Xasan Xundubey Jimcaale oo xilka laga qaaday "shaqadii

wanaagsaneyd ee uu soo qabtay” muddadii uu xilka hayay.

"Ra’iisul Wasaaraha XF-S Mudane Maxmaed X-useen Rooble oo tixgel-inaya baahida loo qabo dardargelinta howlaha amniga dalka,tayeynta Hay’ddaha aminga iyo howlaha Baaxadda leh ee horyaalla XFS, waxa uu Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur u magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble.

"Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mah-adceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubey Jimcaale shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay.”

Wasiirka xilka laga qaaday Xasan Xun-dubey ayaa la sheegaa in saaxiib dhow uu la ahaa madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, sidoo kale wasiirkaan cusub Cabdu-llahi Maxamed Nuur oo ku magac dheer ayaa aad u mucaaradi jiray xukunka Farmaajo.

Tallaabada uu qaaday Rooble ayaa qeyb ka ah qorshe uu ku xaqiijinayo awoodd-iisa dowladda, meeshana looga saaray shaqs-iyaadka Farmaajo kala shaqeynaya in dalka la geliyo xiisad dagaal oo cusub.

Wasiir Xundubey oo ka hor-yimid xil ka qaadistii uu Rooble ku sameeyey

-Wasiirkii amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa ka hor-yimid xil ka qaadistii uu Xalay ku sameeyey Ra’iisul was-aare Maxamed Xuseen Rooble, isagoo shee-gay in Rooble uu yahay ‘xil-gaarsiiye, balse uu-san aheyn xil ka qaade.’

"PM Maxamad Xusen Rooble waa Xil-Gaarsiiye ee Xil-Kaqaade ma ahan!” ayuu Xun-dubey ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twi-tter-ka.

Dhanka kale madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdull-ahi Farm-aajo oo Xundubey ay sa-axiibo dhaw ahaay-een ayaa qor-aal uu soo saaray ku diiday xil ka waadistii uu Ra’iisul wasaare Roo-ble ku sam-eeyey wasiirkii amniga Xasan Xund-ubey.

Farmaajo ayaa qoraal xafiiskiisa ka soo baxay waxa uu ku yiri, "Xil ka qaadista Wa-siirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xund-ubeey kuma imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna dhaqan gal ma ahan. Xil ka qaadista iyo magacaabista xubnaha Golaha Wasiirada ma aha dhaqan gal ilaa ay ku timaaddo han-naan waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee dalka.”

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa dikreeto ka soo baxday xafiiskiisa xilkii uga xayuubiyey wasiirkiisii amniga Xasan Xundubey Jimcaale, isagoo xilkaas u magacaabay Xildhibaan Cab-dullahi Maxamed Nuur oo aad u dhaliili jiray si-yaasadda Farmaajo.

Qoraalkii uu Xalay baahiyey xafiiska Farmaajo ayaa intaas ku sii daray, "Awoodaha Madaxweynaha waxaa ka mid ah inuu xilka ka qaadayo Wasiirrada, Wasiiru-dawleyaasha, iyo Wasiir-ku-xigeennada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad, sidaas darteed dhaqan gal maaha xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gud-aha Mudane Xasan Xundubeey.”

Wasiirka cusub Cabdullahi Maxamed Nuur oo caan ku ah naaneysta (Sodon jir So-don Milyan heysta) ayaa ka mid ahaa xildhiba-anadii ugu firfircoonaa ee ka hor tegay mudo kororsigii Farmaajo, kuwaas oo garab istaag xoog leh u muujiyey ciidankii Badbaado Qaran ee Farmaajo ka fashiliyey damaciisii mudo kororsiga.

Gobolka Banaadir oo war cusub kasoo saaray amarkii lagu soo rogay isbitaallada Yardimeli iyo Jaziira + Video

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in muddo todd-oba maalin ah lagu daray waqtigii uu u qabtay maam-ullada Isbitaa-lada Jazeera iyo Yardimeli inay soo wareejiyaan labadaas isbitaal.

Afhayeenka gobolka Banaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Shalay ay ku ekeyd waqtigii loo qabtay in lagu soo wareejiyo, balse wuxuu sheegay in lagu daray toddoba maalmood oo dheeri ah, si loo xaq-iijiyo hufnaanta iyo lasoo wareegista maam-ulida labadaas Isbitaal, sida uu hadalka u dhigay.

Maamulka Gobolka Banaa-dir ayaa sheegay in toddob-adaas maalin lagu diyaarin doono qaabkii uu maamulka ula wareegi lahaa labadaas Isbitaal, inkastoo ay jiraan warar she-egaya in maamulada Isbitaaladaas ay ka biyo diideen amarka kasoo baxay Cumar Finish.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa 1-dii Bishan September soo saaray amar ku socda labad-aan Isbital, oo ah in muddo Todobaad ah lagu soo wareejiyo maamulka labadaan isbitaal.

Labadan isbitaal ee Yardameeli iyo Jaziia ayuu maamulka gobolka Banaadir ku eedeeyay in adeegyada ay u qabtaan bulshada ay tahay kuwo dhaqaale badan loogaga qaato.

"Isbitaaladaa kor ku xusan oo loogu talo-galay in bulshada gobolka Banaadir ugu shaqeeyan si lacag la’aan ah uu ka war helay maamulka gobolka in hanaankii loogu talo-galay in loogu adeego bulshada hanaan aheyn oo u muuqda mid ganacsi iyo mid gaar ahaaneed u adee-gayaan isbitaaladaas,” ayuu yiri afhayeenka gobolka Banaadir oo shir jaraa’id qabtay Sha-lay.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay qaar kamid ah Wakiillada Beesha Caalamka

Riisul Wasaaraha Xukuumadda Fed-eraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuse-en Rooble ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah xubnaha.

Wakiillada Beesha Caalamka, kuwaa soo ay ka wada hadleen xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha taagan ee saameynta ku leh amniga, siyaasadda iyo geedi-socodka iyo dhammey-stirka doorashoo-yinka.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa muujiyay sida ay u taageersan yihiin habsami u fulinta howlaha doorashooyinka ee uu Ra’iisul Wasaaruhu hormuudka u yahay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u shee-gay Wakiillada Beesha Caalamka in is faham laga gaaray arrimaha doorashada Gobollada Waqooyi ee Somaliland, lana soo afjaray khi-laafkii u dhaxeeyay labada dhinac, ayna deg deg u bilaaban doonto doorashada Xildhiba-anada labada gole ee matalaya Somaliland.

Sidoo kale waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in Madaxweynaha Hirshabelle Mu-dane Cali Guudlaawe uu soo saaray liiska mur-shaxiinta, isagoo u rajeeyay in doorashadu u qabsoonto sida ugu dhaqsaha badan.

Waxuu kaloo xusay Ra’iisul Wasaaruhu in Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ay soo saareen jadwalka doorashooyinka oo faa-hfaahsan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa mar kale ku celiyay in ay ka go’an tahay in kiiska Ikraan Tahliil Faarax caddaalada la marsiiyo, isagoo rajeeyay in isaga iyo Madaxweynuhu arrintaas ay isku aragti ka noqdaan.---DHAMMAAD---

Wareysi: Xasan Sheekh oo si cajiib ah uga hadlay dagaalka Farmaajo iyo Rooble

Waxaa sii xoogeysanaya walaaca ay dadka Soomaaliyeed ka qabaan inuu saameyn xun reebo khilaafka u dhexeeya Madaxw-eynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, kaas oo qarka u saaran inuu gaaro gacan ka hadal.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa nasiib darro ku tilmaam-ay in Farmaajo uu xiligaan khilaaf iyo qalqal siyaasadeed geliyo dalka, isagoo sheegay inuu aad ugu walwalsan yahay jawiga ay dalka uga qabsoomi karto doorasho.

"Xaaladda dowladda dhexde-eda ka taagan mid sahlan maaha, sida aan ogeynba madaxweynihii hore Farmaajo waakii mas’uuli-yadda amiga iyo doorashada wareejiyey, laa-kiin nasiib darro madaxweynuhu howshii uu Dorraad wareejiyey ayuu weli daba socdaa, wax fiicana maaha waxa uu sameynayo,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa Farmaajo kula taliyey in howsha socota uu faraha kala baxo, oo musharaxiinta uu ula sinaado, isagoo u sheegay in dalkaan uusan hal qof qalalaase geli karin.

"Kiisaa taagan gabar sarkaal aheyd ayaa la waayey oo NISA dishay la yiri, waxaan uu madaxweynuhu sameynayo waxay carqalad ku yihiin in kiiska gabadhaas la baaro, intaasna hal qof ayuu gadaal ku wataa, marka dalkaan iyo hal qof waa kala weynyihiin, Dorraad ma uusan dhihin mas’uuliyadii amniga waan war-eejiyey intaan Nabad sugidda ka aheyn,” ayuu yiri

Mar Xasan Sheekh wax laga weydiiyey sida ay la tahay in murankaan uu u saameyn karo howlaha socda ee doorashooyinka ayaa waxa uu sheegay in aad uu ugu walaacsan yahay sii socoshada howlaha doorashada, ha-dii uusan Farmaajo sidaan wax ka bedelin.

"Aad iyo aad ayaan uga walwalsanahay, waa ka xumahay inay sidaan wax u dhacaan door-ashadu ayadoo awalba doorasho dadban ah-eyd, oo dib u dhacday wax badan, hadana jaw-igaan si ay ugu qabsoomi karto ma garan karo, caqabada taagan hadda dhanka madaxw-eynaha ayey ka socotaa, anigu waxaan lee-yahay Farmaajo dalkaan sidii uu Dorraad ugu tanaasulay ha uga leexdo, hala kala saaro dalka iyo danta shakhsiyaadka,” ayuu yiri Xa-san Sheekh. Xigasho:caasimadda.net

Waa kuma sarkaalka Yaasiin Fareey u diiday inuu tago xafiiska looga taliyo

 NISA?

Xiisad u dhaxeysa laba ciidan oo ka tirsan hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa Shalay ka taagan xarunta looga arrimiyo hay’-adda Sirdoonka Soomaaliya ee Habar-Kha-diijo.

Dhaq-dhaqaaq ciidan ee ka jira aagga Isg-oyska Jubba oo ay ku taalla xarunta NISA ayaa yimid kadib markii ay Shalay ciidamada Duufaan ee Nabad-Sugidda Soomaaliya hareeyeen ciidamo kale oo xaru-nta ku sugnaa.

Ciidamada Duufaan ayuu qorshah-ooda ahaa in Yaasiin Fareey oo Madaxweyne Farmaajo Habeen hore u magacaabay Aga-asimaha NISA in ay geeyaan xafiiska ugu sar-reeya ee hay’adda NISA, balse waxaa la she-egay in loo diiday in uu furto xafiiska agaa-simaha, laakiin uu tagay xaruntii uu marka hore ku shaqeyn jiray oo isla NISA ku taalla.

Sarkaal lagu magacaabo Maxamed Xasan oo ah taliyaha ciidanka Waran ee hay’adda NISA, oo ah ciidanka ilaaliya xarunta taliska ayaa di-iday qorshihii Villa Somalia Shalay ka dam-acsaneyd xaruntaas, iyadoo xiisad muddo taa-gneed kadib ay dib u gurasho sameeyeen cii-dankii Duufaan.

Maxamed Xasan, oo ku beel ah ra’iisul wasaare Rooble ayaa la sheegay inuu yahay sarkaalkii hadda ka hor diiday inuu weeraray hotelka Ma’ida ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku sugnaa, taasi oo keentay in la xiro, inkasta oo markii dambe lasii daayey.

Ciidanka Waran, ayaa lagu warramay inay si buuxda uga amar qaataan Maxamed Xasan, islamarkaana ay yihiin kuwa hadda ha-ysta xarunta NISA, ayaga oo taabacsan ra’iisul wasaare Rooble.

Xaaladda ayaa wali qasan waxaana dhici karta in isku dhacyo dhaxmaraan ciidamo kaw-ada tirsan hay’adda Sirdoonka Soomaaliya oo wajaheysa fadeexad ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa qorshuhu ahaa inuu Shalay tago xarunta NISA, waxaana lagu warramay inuu dib u dhigay isaga doonaya inu-u xaqiijiyo inuusan dhiig ku daadaan.

Ciidanka Duufaan ayaa hadda laga dhaa-dhicinayaa inay isaga tagaan meelaha ay joo-gaan, haddii kale awood looga saari doono.

Xigasho:caasimadda.net

Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada oo qabatay dacwad ka dhan ah Fahad, Kulane iyo Yaasiin Farey



Xeer Ilaalinta Maxkama-da Ciidamada Qalabka Sida ayaa qabatay gal dacwadeed ka dhan ah Fahad Yaasiin, Agaasi-mihii hore ee hay’adda NISA iyo Taliyaha hay-’adda ee gobolka Banaadir, Yaasiin Farey iyo Kulane Jiis.

Qoraal kasoo baxay Qareenka Hooya-da dhashay Ikraan ayaa lagu sheegay in dacw-addaan ay soo gudbiyeen qoyska iyo ehellada Ikraan Tahliil Faarax, oo ay NISA shaacisay geerideeda kadib markii ay u gacan gashay Al-Shabaab, ayada oo kooxduna iska fogeysay arrintaas.

"Aniga oo ah Qareen Daahir Maxamed Cali oo Qareen u ah Maamo Khaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax waxaa Xeer ilaalinta CQS ugu soo gudbinayaa Cabashada uu ku xusan oo lid ku ah shaqsiyaadka ujeedda sare ku sheegan si waafaqsan qoddobada 21-aad iyo 22-aad ee XHCS,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waraaqda oo si toos ah ugu socotay Xafiiska X.Ilaalinta Guud, ayaa waxaa ogeysiin la siiyey Maxkamadda Darajada 1-aad ee CQS, waxaana lagu xusay eedeymaha saraakiishaas loo haysto, taasi oo u dhigneyd sidan hoose;

1. Fahad Yaasiin: Waa shaqsiga gabadha oo dalka dibadiisa ku maqan u yeeray, una sheegay in xil loo magacaabayo, mar kalane ayada oo safar u socota u sheegay inay joogto si Xil looga magacaabo, wuxuu kale oo uu u sheegay in lala soo xiriir dooni si loola socodsiiyo xilka loo magacaabay, soo wicitaankiisana wuxuu noqday kii gabadha lagu waayey.

2. Cabdiqani Diirane oo loo yaqaano wadna-qabad: Waa shaqsiga gabadha gaariga ku soo qaaday oo gurigeeda ugu qaaday.

3. Yaasiin Faray oo ah Taliyaha Nabadsugida G/Banaadir: Waa shaqisga gabadha loo geeyay markii gurigeeda laga soo qaaday.

4. Cabdillaah Aadan Kulane (Kulane Jiis): Waa shaqsiga dhowr jeer gabadha u soo jeediyay handadaad,arrintaas oo ay u sheegtay hooyadeed.

Gal-dacwadeedka loo gudbiyey Xeer ilaalinta ayaa ka dhigan in si toos ah loo guda-gali doono baarista kiiska Ikraan, islamarkaana ay Saraakiishaas wajahi karaan maxkamadeyn, waa haddii uu ku cadaado kiiskaas.

Si kastaba, arrintaan ayaa imanaysa xili uu Ra’iisul Wasaaraha shaqo joojin ku sameeyay Fahad Yaasiin, sidoo kalena uu faray Xeer-ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada qalabka sida in uu baaris rasmi ah oo dhameystiran ku sameeyo kiiska Ikraan, kadibna horgeeyo maxkamad sharci ah oo awood u leh…HOOS KA AKHRISO

Jeneraal Xuud oo shaaciyey inuu kusoo biira yo dagaalka Farmaajo iyo Rooble – Yuu la saftay?

Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ay-aa si adag uga hadlay khilaafka madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble, isagoo ku goodiyey in dagaalka uu ku soo biiri doono, hadii madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo uu isku dayo inuu fowdo geliyo dalka.

"Raggii gabadha saan ogeyn u galay ayaa horteena jago isugu magacaa-baya, taas macnaheedu waa qofkaan rabnaan dileynaa, wa-xaan doono ayaana sameyn-eynaa, taasna kama yeeli doono, Soomaaliya cadaalad ayey u baahan tahay, ra’iisul wasa-araha ayaana ku garab taaganahay raadinta cadaaladda,” ayuu yiri Jeneraal Xuud.

Sarkaalkaan ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in cadaaladda ay u hiiliyaan oo garab istaagaan ra’iisul wasaaraha, isagoo ku amaanay inuu iska diiday nin jecleysi iyo in lagu hor dulmiyo mawaadiniinta.

"Kuwa isku deyaya inay cadaaladda hor istaag-aan, waxaan leeyahay afar sano ayaad nagu heyseen dhibkaan, hadaa isku daydaan inaad ra’iisul wasaaraha caburisaan, dagaalka waan soo geleynaa, garab ayaan u nahay Rooble, cid kasta oo uu bedelo ayaa bedelan, waa la dhacsanahay hogaamintiisa, Rooblow xaqa wad oo xaq-darrada diid, anagaa kugu difa-aceynee,” ayuu hadalkiisa ku sii daray jeneraal Xuud.

Xuud ayaa Farmaajo ugu baaqay in meesha uu isaga tago, maadaama sida uu sh-eegay uu fashilmay, "Inta aad Fahad Yaasiin hoosta ku wadato damac ma lihid, waa idin dii-dnay, namana qasbi kartaan,” ayuu yiri.

Ciidamada Maamulka Puntland oo gacanta ku dhigay lacag been abuur ah.

Ciidamada Booliska Gobalka Bari ayaa Shalay howlgalo ay sameeyeen ku guleystay in ay qabta-an lacago Faalso ah oo iskugu jirtay Doolar iyo EURO oo la donaayayain si qarsoodi ah loo galiyo Magaalada Bosaaso taas oo lagu qabtay Koontoroolka Magaalada.

Lacagtaan faalsada ayaa dhameyd in ka badan 2Milyan iyo lix boqol iyo sodon kun oo iskugu jirtay lacagaha dolarka iyo yuurooda waxaana waraaqaha lacagaha ay isugu jireen oo ku qornaa midkiiba boqol kun, iyo Toban kun, iyo kun, halka sidoo kale la doonayay in lagu qaldo lacago jajab ah.

Goobta lagu soo bandhigay lacagtan been abuurka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Duqa Magalada Boosaso Cabdiqani Axmed Ismaaciil Taliyaha Booliiska Gobolka Bari Xuseen Cali Maxamuud iyo Maamulaha Ban-giga Bosaaso Muuse Ow Xuseen Ducaale.

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari Gaa-shaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo ka hadlay goobta lagu soo bandhigay lacagaha faalsada ah ayaa sheegay in ciidamada Bool-iiska ay ku guulaysteen qabashada lacagtan iyo dadkii watay isagoo sheegay in ciidamada ay dadka iyo dalka ka badbaadiyeen in shac-abka lagu dhaco laguna dhibaateeyo taasoo wadata khatarteeda hadii ay gali lahayd suuq-yada magaalada Bosaaso.

Taliyaha ayaa ugu danbayntii sheegay in sha-rciga la horgayn doono cidii wadatay lacagtaas sidoo kalana u mahad naqay ciidamada Boo-liiska oo uu sheegay in ay kaalin mug leh ay kaga jiraan dadkooda iyo dalkooda sidii ay uga qaban lahayeen wax kasta oo dhibaatenaya shacabka.

Lacagtan faalsada ee isugu jirtay doo-larka iyo eurada ee lagu qabtay magaalada boosaaso ayaa ahayd lacagtii ugu badnayd ee lagu qabto magaalada Boosaso iyo deegaa-nada kale ee Puntland.

Cabdiraxmaan Cabdishakur”Talaabada uu qaaday Farmajo Saddex Eed ayay qoorta u sureysaa”

Tallaabada uu Maxamad Cabdull-aahi Farmaajo, Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday qaaday sad-dex eed ayay qoorta u suraysaa.

1- In uu dilka Ikraan Tahliil wax ka ogaa, maadaama uu difaac-ayo, Habeen horena uu xilal u magacaabay Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Fareey oo ka mid ah seddaxda ruux ee lagu tuhunsan yahay dilka Ikraan Tahliil.

2- Caddaalad isku hor-gudbid (Obstruction of Justice), maadaama uu diiddan yahay in kiiska la baaro, oo laga gungaaro xaqiiqdiisa dhabta ah.

3- Abuuris qalqal amni iyo mid siyaasadeed, si ay doorashooyinku dib ugu dhacaan.

Haddaba, in uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuuma-dda Xil-gaarsiinta Maxamad Xuseen Rooble, ku eedeeyo in uu cadaaladda hortaagan yah-ay, carqaladayna ku hayo doorashooyinka, tuhunna geliyo in uu kiiska ku lug leeyahay wa-xay ahayd jawaab sax ah.

Ra’iisul Wasaaraha, waxaa laga rabaa in uu Taliye Bashiir xilka ku wareejiyo, xarunta NISA na geeyo. Guddigii uu baaritaanka u xilsaarna waa in ay tillaabo ka qaadaan shakhsiyaadkii hor istaagay baaritaanka oo ay Fahad iyo Far-eey ugu horreeyaan.

Tallaabooyinka Farmaajo qaaday waxay liddi ku yihiin fariintii ay soo dirt-ay Hooyo Qaali Guhaad, Beesha ay ka dhalatay Ikra-an, iyo shacabka Sooma-aliyeed ee cadaaladda jecel. Waxay kaloo liddi ku tahay baaqii Dorraad ka soo baxay beesha caalamka oo ay ku shee-geen in aan xiisadda taagan looga sii derin, kiiska Ikraanna si hufnaan leh loo baaro, isla-markaaana hogggaanka doorashooyinka looga danbeeyo RW Rooble.

Haddaba waxaan ugu baaqayaa madaxda dawlad Goboleedyada, saraakiisha amniga iyo siyaasiyiinta rajada ama cabsida ka qaba in ay Farmaajo iyo Fahad awood la soo noqdaan, in ay indhaha kala furaan. Farmaajo waa nin quu-stay oo kaligiis aag cidla ah ka diriraya, ruux kasta oo doonta degaysa sii saarnaadana wuu la quusayaa.

Maamulka Waxbarashadda,iyo Tacliinta sare ee XFS oo ka qeybgalay xuska maalin ta caalamiga ah ee akhris-qoraalka

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS ,C/laahi Abuu-kar Xaaji, Agaasime Goboleedka Hay’add UN-ESCO, Sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya iyo marti sharaf kale ayaa manta ka qeybgalay xaflad ka dhacday magaalada Muqdisho oo lagu maamuusaayey Xuska maa-linta caalamiga ah ee akhris-qoraalka.

Hadal uu xafladdaasi ka jeediyay Wasii-rka,waxa uu yiri”Waxaa Sharaf u ah Wasa-aradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Dawladda Federalka Soomaaliya in ay xusto munaasabadda maalinta caalamiga ee akhris-qoraalka oo sannad walba dunnida laga xuso Shalay oo kale oo ku beegan 8da September

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda, Hid-daha iyo Tacliinta Sare XFS ,C/laahi Abuukar Xaaji ayaa sheegay in Dowladda Federalka Soomaaliya, ay ka go’an tahay inay dhiiri-ge-liso barnaamijyada kor loogu qaadaayo akhris-qoraalka si bulshada Soomaaliyeed ay u helaan xirfadaha akris-qoraalka.

Wasiirka ayaa bogaadiyay dhammaan dad-aallada ay wadaan bah-wadaagta Waxbaras-hada ee looga gol leeyahay in la xaqiijiyo in arday kasta oo Soomaaliyeed uu helo xuqu-uqda uu u leeyahay waxbarasho sida ku cad qodobka 30aad ee dastuurka Qaranka,

Wasiirka C/laahi Xaaji Abuukar ayaa u ma-had celiyay Hay’adaha UNESCO iyo USAID oo dawladda Soomaaliya ka caawiyay xuska munaasabaddan qiimaha badan, iyadoo sidoo kale loo mahad celiyay hawl-wadeennada isku hawlay diyaarinta munaasabadda.

Xafladdaasi waxaa kaloo ka hadlay Aga-asimaha Guud ee Wasaaraddda, Agaas ima-yaasha Waaxyaha, la taliyeyaasha iyo bahw-adaagta Waxbarashada,

Mahad Salad iyo Fiqi oo ka jawaabay tallaab ooyinka uu Habeen hore qaaday

 Farmaajo

Xildhibaan Mahad Salaad iyo Axmed Ma-calin Fiqi oo ka wada tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay tallaabadii uu qaa-day madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ee dalka gelisay xiisadda siyaasadeed iyo midda dag-aal.

Farmaajo ayaa Habeen hore xil cusub oo ah la-taliyaha amniga qaran u magacaabay Fahad Yaasiin, halka agaasimaha NISA uu u magacaabay Yaasiin Farey, isaga oo arbush-aya go’aankii uu Rooble agaasimaha NISA ugu magacaabay Bashiir Maxamed Jaamac.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay inuu horey u sheegay in Kiiska Ikraan Tahlil ay shirko ku yihiin Fahad Yaasiin, Yaasiin Farey iyo Kulane Jiis, haddana ay muuqato inuu kula jiro madaxweyne Farmaajo.

"22 biishii July ayaan qoray in Fahad, Kulane Jiis iyo Yaasiin Farey shirko ku ahaayeen dilka Ikraan Tahliil. Sida Farmaajo u xambaarsa-nyahay Fahad iyo Yaasiin Farey waxay mar-qaati fur u tahay in Farmaajo shirka kula yahay jariimadaan,” ayuu yiri Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay Facebook.

Sidoo kale, Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Ra’isul Wasaare Rooble uu tallaabo wanaa-gsan u qaaday dhanka Cadaaladda iyo Dowl-adnimada, isagoo eedeyn culus u jeediyey ma-daxweynaha waqtiga dhammaaday ee Maxa-med Cabdullaahi Famaajo.

"Ra’iisul Wasaare Rooble tallaabooyin dhanka cadaaladda iyo dawladnimada ah ayuu qaaday, laakin Dhan kale Nin jecleysi iyo cadaalad ka carar ayuu wadaa! Dalkaan xoog iyo anaa iri horey ayaa looga ducaystay,” ayuu yiri Fiqi.

Hadalada kasoo baxay Mahad Salaad iyo Axmed Macalin Fiqi ayaa kusoo aadayo xilli ay cirka isku shareertay xiisadda siyaasadeed ee Ra’isulwasaare Rooble iyo madaxweyne Farmaajo.

Al-Shabaab oo shaacisay MAGACA iyo dalka ninkii fuliyey weerarkii Camaara

Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay magaca iyo sidoo kale dalka uu kasoo jeedo ninkii fuliyey weerarkii is-miidaaminta ahaa ee dhowaan ka dhacay deegaanka Camaara ee koonfur gobolka Mudug, kaas oo geystay khasaare xoogan.

Magaca ninka fuliyey qarixii ismiidaaminta ahaa ee uu ku billowday warkaasi ayey kooxda Al-Shabaab ku sheegtay Cabdiraxmaan Zeynudiin Cali oo magaciisa afgarashaduna uu ahaa (Haashim), kaas oo oo ay shaacisay inuu sidoo kale ka soo jeedo wadanka dariska Kenya.

Sidoo kale Idaacadda Andaluus oo baa-hisay wareysi laga qaaday ninkaasi, ka hor inta uusan weerarka geysan ayaa sheegay inuu ka dhashay magaallo xeebeedka Mombasa, kuna barbaaray, isaga oo markii dambe kusoo biiray Al-Shabaab, kadib markii uu kasoo safray Ken-ya.

Cabdiraxmaan Zeynudiin Cali (Haashim) ayaa wareysiga marka laga qaadayey ku had-layey luqadda Sawaaxiliga, wuxuuna farriin u diray dhammaan dadka muslimiinta ah.

"Farrinteda ugu horreyso waxaan u dirayaa muslmimiinta ku nool dhulalka gaalada wax-aana leeyahay soo haajira,” ayuu ku yiri Cabdi-raxmaan Zeynudiin Cali.

Haashim ayaa sidoo kale sheegay inuu Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2014-kii, isla-mark-aana uu ka qeyb-galay dagaallo kala duwan oo ka dhacay gudaha Soomaaliya.

Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Camaara oo uu xigay dagaal toos ah ayaa dh-aliyey khasaare xoog leh oo soo gaaray qaar ka mid ah ciidamada huwanta iyo saraakiisha, waxaana sidoo kale Al-Shabaab au ku qabs-adeen hub iyo gaadiid dagaal.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku eedeeyay Farmaajo inuu carqaladeynayo

 Kiiskii Ikraan Tahliil

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda JFS Mud-ane Maxed Xuseen Rooble wuxuu soo dhawaynayaa Aqbalaadda Madaxwayna ha ee Shaqo ka joojintii Agaasimihii Hore ee NISA Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Ra’iisulwasaaruhu wuxuu farayaa Agaasi-maha Guud ee KMG ah ee NISA Sarreeya Gu-ud Bashiir Maxed Jaamac in uu si deg deg ah u bilaabo shaqadiisa, sidoo kale Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qar-anka waxaa uu amrayaa in ay si buuxda ula shaqeeyaan Agaasimaha Cusub ee Hay’adda Sareeye Guud Bashiir Maxed Jaamac.

Ra’iisulwasaaruhu wuxuu ummadda Soo-maaliyeed u cadaynayaa in Qoraalada kasoo baxay Madaxwaynaha 06-09-2021 iyo 07-09-2021 ay muujinayaan in uu wali daba socdo Masuuliyadihii Doorashooyinka iyo Amniga ee uu ku wareejiyay Ra’iisulwasaaraha.

Waxaa kale oo uu Ra’iisulwasaaruhu ka walaacsanyahay talaabooyinka uu qaaday Madaxwaynuhu in ay yihiin kuwa lagu carqala-daynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax oo horay hay’ad-aha Cadaaladda iyo sharciga looga hor-istaa-gay in ay baaris buuxda ku sameeyaan Kiisk-aas.

Ra’iisulwasaaruhu wuxuu u arkaa wax laga xumaado in Xuquuqda Muwaadin Soom-alaiyeed la siyaasadeeyo taas oo ah dhaqan halis ku ah hannaanka dowladeed ee Dalka waana in ay ka waantawdo cid kasta oo ku fiki-raysa arrinkaas.

Ra’iisulwasaarahu wuxuu markale ku adka-ynayaa Xeer-ilaalinta iyo Maxkmadda Ciida-mmada Qalabka Sida in ay dardargaliyaan hawlaha Baarista kiiska Ikraam Tahliil Faarax deg degna u hor geeyaan maxkamadda awoodda u leh.

Waxaa la farayaa dhammaan taliyayaa-sha Ciidamada Qalabka sida in ay si buuxda ugu gacansiiyaan Xeer-ilaalinta Ciidamada iyo Hay’adaha Sharcigu in ay gutaan waajibadka ka saaran arrintaan.

Ra’iisulwasaaruhu wuxuu hay’adaha Amn-iga farayaa in ay adkeeyaan amniga iyo xas-illoonida guud ee dalka, ilaaliyaan Xuquuqda Muwaadiniinta, isla markaana ka feejignaad-aan tilaabo kasta oo wax u dhimi karta Xorr-iyaadka iyo xuquuqaha aasaasiga ah ee dadwaynaha Soomaaliyeed.

Ra’iisulwasaaruhu wuxuu Shacabka Soom-aliyeed uga baaqayaa in ay gacan ka gaystaan sidii ay caddaalad u heli lahayd Ikraam Tahliil Faarax.

Ugu danbayn, Ra’iisulwasaaruhu isaga oo ku hadlaya magaca Golaha wadatashiga Qar-anka wuxuu shacabka Soomaaliyeed iyo Bee-sha Caalamka u xaqiijinayaa in la dardargalin doono arrimaha Doorashooyinka dalka oo si wanaagsan u socda, wuxuuna ku baaqayaa in loo midoobo sidii ay si nabadgalyo ah ugu dhammaan lahayd doorashadu isla markaana looga hor leexin lahaa wax kasta oo caqabad ku ah. Guudlaawe oo soo saaray liiska muras-haxiinta Aqalka Sare.

Labo sano jir Soomaali ah oo meydke eda laga helay haro, gobolka Minnesota

Ilkhlaas Cabdullaahi Axmed oo aheyd labo jir Soomaali ah, isla-markaana la weysanaa 18-kii saacadood ee la soo dhaafay ayaa ugu dambeyn meydkeeda laga helay haro biyo ah oo ku taalla magaalada Edina ee gobolka Minnesota.

Booliska Edina oo si weyn uga qeyb-qaatay raadinta Ikhlaas ayaa xaqiijiyey geerida gabadhaasi, waxaana Booliska uu sheegay in meykeeda laga helay agagaarka barxada lagu ciyaarsiiyo caruurta ee Rosland Park oo markii ugu dambeysay ay la joogtay qoyskeeda.

Sidoo kale taliyaha booliska ee magaalada Edin ayaa tacsi u diray ehellada gab-adha yar, isaga oo tilmaamay inay la xanuu-nsanayaan.

"Anigoo ku hadlaya magaca magaalada Edina, waxaan rabaa inaan tacsi tiiraanyo leh u diro qoyska gabadhan yar, musiibadan xoogga leh waxay saameysay qalbiyadenna” ayuu yiri taliyaha booliska magaalada Edina Tod Melb-ourne.

Ilkhlaas Cabdullaahi Axmed oo labo sano jir aheyd ayaa sidoo kale la xanuunsaneyd cudurka Austism-ka, sida ay shaaciyeen xubno ka tirsan qoyskeeda.

Dhanka kale bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Edina ayaa iskugu yimid kulan duco ah, si ay tacsiga iyo xanuunka ula wadaagaan ehellada gabadha yar.

Minnesota waa gobolka ugu waraha badan ee dalka Mareykanka waxaana sanadkan biyaha ku geeriyooday 26 qof, sida ay shaaciyeen waaxaha booliska ee magaalooyinka dalkaasi

Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa soo saaray liiska musharixiinta 8-da kursi oo ay

 HirShabelle ku leedahay Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Liiska Musharixiinta ee uu soo saaaray Cali Guudlaawe ayaa waxaa ka muuqda inu yahay liis furan oo ay ku tartami doonaan siyaasiyiin magaca ku leh siyaasadda Soomaaliya, waxaana ugu adag kursiga Xaaji Muuse Suudi Yalaxow.

Kursiga Muuse Suudi Yalaxow ayaa waxaa ku tartamayo illaa 4 musharax oo kale, wuxuuna noqon doonaa kursi si weyn loogu tartamo, waxaana kurisgan ku tartamayo.

1- Muuse Suudi Yalaxow

2- Cabdullaahi Sheekh Xasan

3- Axmed Xasan Caddo

4- Xaaji Muxyadiin Xasan Afrax

5- Dr. Xasan Caddaay Cali

Sidoo kale, kursiga uu ku fadhiyo Dr. Cusmaan Dufle ayaa la filayaa inuu tartan adag ka dhasho, waxaana murashaxiinta u taagan lagu soo daray safiirrka Soomaaliya ee Kenya, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Inta badan kuraasta Aqalka Sare ee HirShabele ayaa waxaa ku tartamayo 4 illaa 6 musharax, wuxuuna Cali Guudlaawe noqday madaxweynaha kaliya ee ogolaaday in musharixiinta ay si cadaalad ah u tartamaan.

Caasimada Online ayaa horey u sheegtay in Guudlaawe uu liiska ka dhigi doono mid furan sababo la xiriira cabsi uu ka qabo in dagaal uu ka dhaco Jowhar, oo ay sameeyaan beelaha qaar, haddii kuraasta uu ka dhigo kuwa u xiran shaqsiyaad gaar ah.

Halkaan hoose ka akhriso liiska oo dhamey stiran

Halkaan hoose ka akhriso liiska oo dhameystiran

 

 
 
 

30 arday oo ku guuleysatay deeqda waxbarasho ee Hormuud Telecom

Xaflad loogu Hambalyaynayey 30-ka ardey ee ku guuleystey deeqda waxbarasho ee Hormuud Telecom 2021 ayaa Shalay lagu qabtay Xarunta Hormuud Telecom ee Maga-alada Muqdisho

Munaasabaddan ay ka soo qayb galeen masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaay-een, Wasiiru dowlaha Amniga ee Somalia, Mudane Farhan Ali Ahmed, wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaarada waxbarashada Soomaa-liya Dr Fadumo Ahmed Caalin (Cureeji), Gud-oomiyaha Hormuud Salaam Foundation Mud-ane Abdullahi Nur Osman, guddoomiyaha Hor-muud Telecom, Mudane Ahmed Mohamud Yu-suf, guddoomiye ku xigeenka Salaam Somali Bank Mudane Maxamed Cabdi Coloow, Gudo-omiyaha Tubta Nabadda Mudane Abdullahi Maxamed Shirwac, gudoomiyaha SSWC Ma-rwo Aamino Xaaji Cilmi iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha Hormuud Telecom Mudane Ahmed Mohamud Yusuf, oo madasha ka ha-dlay ayaa ardayda kula dar daarmay in ay ku dadaalaan waxbarashada, isagoona dhinaca kale xusay in ardayda iyo waalidiintaba ay mas’uuliyad wadareed iska saaraan sida ard-aygu berri u noqon lahaa mid dadkiisa iyo naftiisaba anfaca.

Guddoomiyaha Hormuud Salaam Founda-tion oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa ugu hambalyeey ardeyda iyo waalidiintoodaba gu-usha ay ka gaareen Imtixaanka Qabuulka ee deeqda waxbarasho ee Hormuud Telecom, im-tixaankaas oo ay galeen ardey gaareeysa 400 arday.

Guddoomiyaha waxaa uu sheegey in 30 Ardey ay yihiin dufcadii 3-aad ee deeqda wax-barasho ee Hormuud Telecom, oo ay qara-shkeeda bixinayaan Hormuud Telecom iyo Sal-aam Somali Bank, wuxuuna ardeyda kula dar-daarmay in ay aad uga faaii’deystaan deeq-daan waxbarasho ee la siiyey, wuxuuna u ballan qaaday inay garab iyo gacan ku siin do-onaan sidii ay waxbarqshada uga guul keeni lahaayeen.

Dhammaan masuuliyiintii kale ee goobta ka hadashay ayaa u hambalyayey ardeyda iyo waalidiintoodaba , iyagoo dhanka kale uga mahad celiyey Hormuud Telecom iyo Salaam Somali Bank furaskaan ay u abuureen ardeyda Soomaaliyeed, waxaana aay ugu baaqeen dhammaan Ganacsatada kale ineey ku deyd-aan Hormuud Telecom iyo Salaam Somali Bank oo furas kaanoo kale u abuuraan arde-yda Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah waalidiinta oo goobta ka hadlay ayaa uga mahad celiyey Hormuud Tele-com iyo Salaam Somali Bank fursaddaan ay u suura galiyeen caruurtooda, iyagoo alle uga baryay inuu u barakeeyo xoolahooda, waxayna ballan qaadeen inay kaalintooda waalid ay ka soo dhalaali doonaan.

Fahad Yasiin iyo NISA: Nolosha Mukhtaar Roobow oo "walaac laga muujiyay" ka dib khilaafka

 hay'adda sirdoonka

Xisbiga amniga iyo cadaaladda ayaa walaaca ka muujiyay xaaladda nolaleed ee sheekh muktaar Roobow oo u xiran dowladda Soomaaliya gaarhaanna hadayda nabad sug-ida xili haydda xaalkeeda uu ka jiro jahawa-reer.

Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) wuxuu dowladda Federaalka ee Soomaaliya u xiran yahay muddo ka badan 2 sano.

Xiritaanka Mukhtaar Roobow

Mukhtaar Roobow ayaa xabsiga loo taxa-abay bishii December ee sannadkii 2018-kii, xilli uu wakhti kooban ka harsanaa doorashadii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, taas oo musharrax saameyn leh uu ka ahaa.

Xariggiisa ayaa sababay in qalalaase uu ka dhaco magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, iyadoo las oo tabiyay in qulqulatooyi-nkaas ay waxyeello isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay dad rayid ah iyo dib-adbaxayaal taageersanaa Mukhtaar Robow.

Mukhtar Robow xiligii uu katirsanaa Al Shabaab

Horraantii sannadkii 2019-kii, siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Koonfur Galbeed ayaa BBC-da u sheegay in uu dib u dhac ku yimid rajo laga qabay dhaqdhaqaaqyada ku aaddan sii deynta Mukhtaar Roobow.

Sababta loo xiray

Markii la xiray Muktaar Roobow, Dowladda So-omaaliya waxay sheegtay in sababta loo xiray ay tahay in uu ka soo bixi waayay shuruudihii lala galay markii uu isa soo dhiibay, sidaas awgeedna aan la aamini karin.

Roobow oo horay u ahaan jiray hoga-amiyaha labaad ee ugu sarreeya ururka Al Sh-abaab, ayey mas'uuliyiinta xukuumadda Soom-aaliya ku eedeeyeen in hub iyo ciidan isaga u gaar ah la tagay magaalada Baydhabo. Balse kooxda Abuu Mansuur ayaa beeniyay eedaas.

Wuxuu Baydhabo u tagay inuu uga qeyb galo doorashada madaxweynaha maamul gob-oleedka Koonfur Galbeed oo xilligaas uu soc-day ololeheeda.

Xukuumadda federaalka waxay sheegtay in sababta ay uga mamnuucday inuu tartamo doorashadii Koonfur Galbeed ay aheyd, arrin la xiriirta xayiraado ka saaran dhinaca beesha caalamka, kuwaas oo aan laga qaadin.

Waa kuma Roobow?

Sheekh Mukhtar Robow wuxuu ka mid yahay aasaasayaashii ururka Al-Shabaab oo in ka badan 10 sano ka dagaallamaya Soomaa liya.

Wuxuu ahaa taliye ku xigeenkii Midowgii Maxaakiimta oo 2006-dii ka adkaaday isbehe-ysigii la dagaalanka argagixisada oo ay ku mid-eysnaayeen dagaal oogayashii Muqdisho.

Abuu Mansur Roobow wuxuu ka mid no-qday hoggaamiyayaashii Al-Shabaab ee soo caanbaxay ka dib markii Maxaakiimtii laga sa-aray Muqdisho, dhammaadkii 2006-dii.

Wuxuu noqday afhayeenka iyo ku xigeenka Al-Shabaab, sannadkii 2007-dii, isaga oo ka hadli jirey fagaarayaasha dadka la isugu keeno iyo waliba saxaafadda.

Laakiin waxaa loo arkay in Roobow uu xagga aragtiyada ka dabacsanaa hoggaamiy-eyaashii kale ee mayalka adkaa ee Alshabaab, ayna ku jirtey waddaniyad, sida laga soo xigtay dadkii ka agdhowaa.

Waxaa xitaa la sheegey in Roobow uu ka qeybgalay shirkii Asmara ee la isugu geeyey siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh aad-an oo markii dambe dalka madax ka noqday.

Mareykanka oo ka walaacsan dhismaha dowladda cusub ee Afganistaan.

Mareykanka ayaa sheegay inuu "ka wala-acsan yahay dhismaha dowladda cusub ee Af-ganistaan oo la tilmaamay in ay ku jiraan rag lala xiriirinaayo in ay ka qeyb-qaateen daga-ladii looga horjeeday ciidamadii Mareykanka ee joogay dalkaasi.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay inay qiimeyneyso ku dhawaaqi-sta Taalibaan ee dhismaha do-wladdaasi oo la tilmaamay in ay-san ku jirin wax dumar ah.

Golaha wasiirada ku meel gaarka ah waxaa hogaaminaya Mullah Mohammad Hassan Ak-hund, oo ku jira liiska madoow ee Qaramada Midoobay iyo ninka loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha Sirajuddin Haqqani, oo ay baadi –goobayaan Hoggaanka Baarista FBI ee Mareykanka.Dhismaha dowlada cusub oo ka kooban 33 xubnood,waxaa ka mid ah Mullah Mohammad Yaqoob, oo ah wiil uu dhalay Mu-llah Omar hoggaamiyihii hore ee Taaliba-an,waxaana loo doortay Wasiirka Difaaca,h-alka Wasiirka Maaliyadda loo magacaabay Hedayatullah Badri .

Amir Khan Muttaqi, oo Taliban u qaabils-anaa wadahadaladii waanwaanta ee ka socday Doha,ayaa isna loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Afganistaam.

Maxaabiis ku geeriyootay dab kacay xabsi ku yaalla Indonesia

Ugu yaraan 40 maxbuus oo ku jiray xabsi ku yaal dalka Indon-esia ayaa dhin-tay kadib markii dab uu ka kacay meel ay ku xirnaayeen kumanaan maxaabiis ah subixii hore Arbacada Shalay ah.

Afhayeen u hadlay wasaaradda caddaal-adda Indonesia oo la yiraahdo Rika Aprianti ayaa sheegay in dabku ka billowday qeybta C ee xabsiga Tangerang, oo ku yaalla duleedka caasimadda Jakarta.

Aprianti ayaa sheegay in dabka la dami-yay saacado badan kadib.

Ugu yaraan 80 maxbuus ayaa dhaawa-cmay, kuwaas oo ay ku jiraan siddeed aad u daran, oo loo qaaday isbitaal ku yaal Tange-rang.

In ka badan 2,000 oo maxbuus ayaa xirnaa xabsiga Tangerang, iyadoo 122 maxbuus ay ku jireen qeybta uu dabku ka kacay ee C.

Aprianti ayaa sheegay in sababta dabkan oo geystay dhimashada badan ay ku socoto baaritaan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip