HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES SABTI 28-AUGSTO 2021

0
Saturday August 28, 2021 - 08:07:49 in Wararka by
  • Visits: 472
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES SABTI 28-AUGSTO 2021

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.... ..
Musharaxiinta iyo Golaha Wadatashiga oo dhowr qodob is faham ka gaaray

iyo Deni iyo Axmed Madoobe oo ka hor yimaadeen…..

Golaha Midowga Musharaxiinta iyo Golaha Wa datashiga Qaranka ayaa is-faham hor u dhac ah ka gaaray dhowr qoddob oo kamid ah qoddobadii dib u soo cusbooneysiiyay khilaafka doorashooyinka da lka, sida ay Caasimada Online u sheegen illo xo gogaal ah.
Musharaxiinta Mucaaridka iyo Golaha oo kulamo ku yeeshey M/Muqdisho ayaa isku fahmay in gebi ahaanba meesha laga saaro lacagta diiwaan-gelin ta ergada ee CID-da iyo in la yareeyo qiimaha ay Mushar axiinta ku qaadanayaan war qada dembi la’aanta.
Sidoo kale waxay labada dhinac isla qaateen in mudaneyaasha xiligan ka tirsan baarlamaanka uu waqtiga ka dhamaaday ee 2da gole aan looga baahneyn warqada dembi la’aanta ee CID-da.
Xogta aan ka helayno qoddobada is-fahamka ay ka gaareen Musharaxiinta iyo G/Wada-tashiga Qa ranka ayaa intaas kusii daraya in la isla qaatay qod dobka ka hadlaya bulshada rayidka ee soo xulaya ergada dooraneysa Golaha Shacabka.
Sida ay Caasimada OnlineSheegtay in ay u sheegen illo ku dhow-dhow 2da dhinac, madaxwe ynayaasha Puntland, Galmudug &K/ Galbeed ayaa ka hor yimid in wax ka bedel lagu sameeyo qoddob ka ka hadlaya odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergada beesha.
Sidoo kale waxa jira qoddobo aan weli is-faham laga gaarin, ayada oo 2da dhinac u ballameen kul amo kale, si hoos loogu dhigo khilaafka cusub ee ka dhashay habraaca doorashada ee awooda ba dan siinaya madaxweynaasha mmul goboledy da.
Dhinaca kale, Axmed Madoobe iyo Deni ayaa Shalay isaga tegay Muqdisho. Axmed Madoobe ay aa ku laabtay M/Kismaayo halka Deni uu u amba baxay M/Nairobi ee dalka Kenya.
Khilaafka kuraasta gobolada Waqooyi oo sii xoogeystay


Waxaa markale sii xoogeysanaya khilaafka ka taagan kuraasta G/Waqooyi ee Somaliland, kadib markii ay siyaasiyiinta kasoo jeeda goboladaas ay ku kala jabeen habraacii doorasho ee kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka. Xildhibaan Axmed Maxamad Jaamac Cirro, oo kamid ah mu daneyaasha baarlamaanka ee ka soo jeeda Somaliland oo la hadlay BBC-da ayaa eedeyen culus u jeediyay garabka Cabdi Xaashi, kuwaasi oo ku tilmaamay rag dano gaar ah u daga alamaya oo aan wadin mid umadeed.
Md.Cirro oo asagu taabacsan garabka kale ee Mahdi Guuleed ayaa soo dhaweeyay harbaaca ka soo baxay shirkii G/Wadatashiga Qaranka, wuxuu na sheegay inay qeyb ka yihiin tanaasulaadka do orashada, si loo gaaro doorasho
"Waxaa qalad ah inaan u aragnaa inay tahay qa lad Cabdi Xaashi, Maareeye, Xuseen Carab iyo Dr Cilmi, iyo inta la socota in wax la weydiiyo, afar qof oo gooni isku taagay oo raba in dan gaar ah abaab ushaan oo la maqlo ayaa xaaran ah,” ayuu yiri.
"Intii kale ma afartaas ayaa ka awood weyn, yaa dhisay Cabdi Xaashi iyo Maareeye?. Dad doonaya dan gaar ahna nama matalaan anaga, boobkii hore oo kale lama rabo.”
Khilaafka kuraasta gobolada Waqooyi ee Som aliland ayaa dhowr jeer soo noq-noqday, kaasi oo aan ilaa hadda heshiis rasmi ah laga gaarin, aya da oo maalmihii u dambeeyay uu sii xoogeysanay ay kadib markii ay 2da dhinac ku sii kala jabeen habraacyadii ay soo saareen G/W/Qaranka. Soomaaliya oo ka codeysay Shirweynaha Midowga Boostada Adduunka
Wafdiga Soomaaliya uga qeybgalay Shirweyn aha Midowga Boostada Adduunka (UPU) ayaa ka qeybgalay doorashada hoggaanka ugu sarreeya ururkaas oo ka dhacday caasimadda dalka Ivory Coast ee Abidjan.
Agaasimaha Boostada W/ Is gaarsiinta & Teknolojiyada Md C/fataax Maxamed, ayaa ka qey bgalay codeynta oo ah markii ugu horreysay tan iyo markii dib loo soo celiyay xubinnimada UPU sanadkii 2019-kii. Doorashadii Dorraad dhacday waxaa ay u dha cday sidaan: Masahiko Metoki oo u dhashay Ja pan ayaa ku guuleeystay (Agaasimaha Guud ee hay’adda) halka Marjan Osvald oo u dhashay wa ddanka Slovenia uu asna ku guuleeystay (Agaas ime Ku-xigeen
Doorashada Somaliya: Odeyaal diidan heshiis kii dhowaan ee GolahaWadatashiga Qar anka

Beesha Caalamka ee taageerto Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal ay ku soo dhoweeyeen heshiiskii ay dhowaan wada saxiixdeen Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Madaxda Dowlad-goboo leedyada iyo Gudoomiya ha Banaadir.
Balse waxay muujiyeen walaaca ka soo kordhay ar rintaas ee ka imaanaya qe ybo kala duwan oo bulsha da ka mid ah.
Qoraalka Beesha Caalamka waxaa ku xusan: "Waxaan ogaanay inay jiraan walaacyo laga mu ujiyay hannaankii doorashada Aqalka Sare, waxa ana Golaha Wadatashiga ugu baaqeynaa in mid da Aqalka Hoose wax laga qabto.
"Waa in la dardargeliyaa daahfurnaanta, wa khtiga, ka wada qeybgalka, iyo hanaan la aamini karo oo ah doorashada Golaha Shacabka".
Qeybaha walaaca ka muujinaya heshiiskii dho waan waxaa ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ka diiwaan gaashan wasaaradda arimaha gudaha Soomaaliya, ahna 135 duub ee loo garawsaday inay yihiin hoggaanka dhaqanka ee soo xulaya er gada dooraneysa xildhibaanada baarlamanka.
Waxay sheegeen inaanay aqbali karin in awoodo odii cid kale lagu wareejiyo, sidoo kale waxay ca mbaareeyeen in lacag laga qaado ergada doora naysa xildhibaannada. Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo magaca duu babka ku hadlayey ayaa iiga warramay warsaxa afadeedka ay soo saaren.
Odayaasha dhaqanka gobolka Mudug oo mad axweyne Deni ku eedeeyay inuu boob xoogg an ku hayo doorashada aqalka hoose
Odayaasha dhaqanka gobolka Mudug ee Pu ntland ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntl and Siciid deni, inuu boob aan loo meel dayin ku la kacay doorkii ay beeluhu ku lahaayeen doora shada aqalka sare iyo tan aqalka hoose.
Kulan ay odayaashu ku yeesheen magaaalda Gaalkacyo waxay ku sheegeen in aanay aqbali doonin in dowladdu sidii ay doonto ay ka yeesho doorashada soo socoto ee aqalka hoose, waxay na farriin u direen R/ wasaaraha.
"Shalay in la yiraahdodayashu door kuma leh, bulsho rayid ah ay aa wax la soo xulaysa, nabad sug idbaa wax la baaraysa, % 20 ayay leeyihiin, ka dibna dowladda ayaa awood u leh qofka ay rabto inay soo saarto, qofka ay diidan tahayna reebto. Waxaasi macquul miyaa? Annagu kuraasta ma lxiis iyo maxlal ka noqon mayno" ayuu yiri nabad oon Yaasiin Cabdi Samad oo ahaa duqii hore ee Gaalkacyo.
Odayaasha waxay sheegeen inay isku raac een in doorashada xubnaha aqalka hoose ee ka soo galaya gobolka Mudug lagu qabto M/Gaalkac yo, si looga hortago waxay ugu yeereen shakiga ku saabsan in boob loo geysto doorashada.
Waxay odayaashu taageereen hab-raacii hore ee ka soo baxay guddiga heer federal ee doora shooyinka, iyagoo sheegay in hab-raacaas uu ilaa linayay kaalinta odayaasha dhaqanku ku leey ihiin doorashada aqalka hoose.
Ugu dambayn, waxay odayaasha ugu baaqe en R/wasaaraha Soomaaliya inuu wax ka bedelo habraaca doorashada lagu maamulayo isla mar kaana lasoo celiyo meeqaamkii duubabka dhaqan ku lahaayeen.
Dad ku waxyeeloobay Sun ku daadatay laami ga magaalada Garoowe.

Booliska G/Nugaal ayaa gacanta ku dhigay gaari booyad ah iyo darawalkii watay oo kiimiko uu kasoo qaaday Shirkadda Isbuunyada Tabaar ak oo dhowaan gubatay uu uga daatay laamiga bartamaha Caasimadda Puntland ee Garoowe.
Kiimikadan ayaa sababtay inay suuxaan qaar ka mid ah dadkii ku ganacsanayay hareeraha laa miga, sidoo kalena ay qaarkood dareemaan cun cun dhanka dhuunta iyo indhaha ah. Waxaana so cda dadaalo lagu nadiifinayo laamiga oo ay wad aan ciidanka dab-demiska Garoowe.
Duqa caasimadda Garoowe Hon: Ahmed Said Muse oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ay aa yiri: "Shalay 11-kii barqanimo Booyad ku wa nadaafdda ayaa kiimiko kaga daadat ay laamiga weyn ee magaalada dhexmara. Waxaa ka hawlgalay ciid anka amniga oo booyadii iyo darawalkii gacanta ku soo dhigay.
Kiimikada waxaa laga soo qaaday Wershed da Isbuunyada ee Tabaarak, taasoo dhowaan Dab xoog leh dhibaato weyn u geystey. Booyaddu ma ahayn mid loogu talo galay inay kiimikada qa ado sidaa awgeed ayay dhincyada ka dalooshan tay.
Dad badan oo laamiga ku ganacsanayey ama marayey ayaa ka sheegtay indho iyo dhuun xan uun, waxaa la sheegay in dadka qaar suuxeen.
Nadiifin iyo barxid kiimiko ayaa hadda socota, wa xaa ka hawlgalay ciidanka Booliska, Dabdamiska iyo hawlwadeenadda degmada
Ciidamo kasoo goostay maamulka Puntland oo ku biiray booliiskaSomaliland

35 Askari oo ka tirsanaa ciidanka booliiska dow lad goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa ku soo biiray ciidanka booliiska So ma liland, ee M/ Badhan, ee G/ Sanag.
"Waxaanu ka wareegnay maa mul isku sheega Puntland, waxaa nnu ku wareegnay J/Somaliland, waxyaabo bad an ayaa sababay in ciidankani uu ku soo wareego Somaliland,
waxa jira ciidamo ka le oo nagu daba jira oo ci dii qaabili lahayd la’ " mid ka mida saraakiisha ciid anka ayaa sida yidhi. Ciidankan oo sida la sheeg ay tababar ku soo qaatay xerada tababarka ciidan ka Puntland ee Xorgoble ee M/Qardho, ayaa xuku umada Somaliland ka codsaday inay helaan xaq la mid ah ka ciidanka Somaliland ee ku sugan G/ Sanaag Ciidamada ka soo jeeda deegaanka Ba dhan & deegaanada kale ee bariga, ayaa marar badan la arka iyagoo 2da dhinac ku kala biira somalilnad iyo Puntiland ba
C/raxmaan C/shakuur "Madaxda Soomaali da yaysan sabab u noqon in dalkauu ku dhaco Gacan Argagexiso..”

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdi shakuur Warsame, ayaa sheegay in Rajiimkii Far maajo ay dalka u horseedeen dhaqan xumo siyaa sadeed, isagoona uga digay Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran inay dalka ka qabtaan doora sho horseeda inuu dalku burburo ama uu gacanta u galo Argagixi sada.
Halkaan Hoose ka Akhriso qora al uu Facebook soo dhigay Cabd iraxmaan Cabdishakuur Warsame.
La dagallaanka argagexisada, Ameerika waxay u gu kacday dhimashada 7 kun oo askari, 50 kun oo dhaawac ah, iyo ku dhowaad 30kun oo dagaa lka ka soo laabtay oo iyagu is dilay. Waxaa kaloo dhintay boqollaal kun oo Afgaanistaan iyo Ciraaq u dhalatay, halka uu dagaalka argagexiso la dir arka uu sababay qaxooti gaaraya 37 Milyan. Ku dhowaad $7 trillion oo qarash ahna Ameerka way uga baxday.
Sanadkii 2018 ayaa mudnaanta koowaad ee halista amniga qaranka Maraykanka laga raray ar gagexisada, loona wareejiyey Shiinaha. Laga soo billaabo xilligaa dib u eegis ayaa ku socota mu dnaantii uu Ameerika u lahaa dagaalka argagexi sada lidka ku ah. Isbedelka ka dhacay Afgaanis taan taas ayuu salka ku hayaa.
Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka qay bta ka ah la dagalaanka argagexisada. Sanadkii hal bilyan oo doolar ayuu aduunku ku bixiyaa. Beesha caalamka dhowr jeer ayey ku baaqday in la qabto doorasho kalsooni, (Credibility) leh oo ay natiijadeeda taageeri karaan.
Madaxda Soomaalidise si taa ka duwan ayey u fekerayaan. Waxay doonayaan inay qabtaan doorasho natiijadeeda la sii ogyahay. Waxay ku doodayaan in ay soo saaraynaa dad rabitaanko oda ku shaqeeya, halkii ay farta ugu fiiqaana aa da.
Waxay sheeganayaan ta krifal awood, musuq iyo boob. Welibana Awoodda ay ku tiirsann yihiin, ictiraafka diblomaasiga ah iyo hantida ay isku hal aynayaan shisheeyaha ay fariintooda dhegaha ka furaysteen ayaa badankeed leh.
Waa run in rajiimkii uu Farmaajo afartii sano ee tagtay hoggaaminayey uu abuuray dhaqan xu mo siyaasadeed ee ku dhisan kala qaybin, sum cad dil, awood sheegasho, iyo cabsi gelin la mid ah tii argagexisada, laakiin taasi kama dhigna in dhaqankiisii mid la mid ah la isaga celiyo ama damac shakhsi sidaas lagu meelmariyo.
Madaxda Soomaalida haddii ay aqrin waaya an dareenka shacabka iyo isbedelka siyaasadeed ee adduunka, waxay u badan tahay inay dalka me el cidla ah ku furaan, ama ay gacan argagexiso ku ridaan.
Maamulka G/Gedo oo ku dhowaaqay in Juba land ay dhacday, oo aydhisayaan maam ul cusub

Guddoomiyaha maamulka G/Gedo ee hoost aga DFS Md. Axmed Buulle Gareed oo Shalay
shir jaraa’id ku qabtay M/ Garb ahaarey ayaa sheegay in qof ka socda maamulka Jubaland ee Ax med Madoobe hoggaamiyo uus an imaan karin Garbahaarey iyo guud ahaan gobolka Gedo.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in waqtigii maa mulka Axmed Madoobe ee 2da sano ahaa uu dha maaday, islamarkaana ay reer Gedo doonayaan in maamul ka wada leeyahay loo dhiso Jubbal and. Sidoo kale waxa uu ku goodiyey in maamul uu soo magacaabay Axmed Madoobe uusan imaan karin gobolka Gedo.
"Waxaan halkaan ka cadeynayaa in cid ka soc ota Kismaayo oo ka tirsan maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe hoggaamiyo aysan imaan karin Garbahaarey, talada, howsha halkaan ka so cota ee doorashada iyo ambigeedaba anagaa ma suul ka ah,” ayuu yiri guddoomiyaha Garbahaarey ee taabacsan dowadda federaalka.
Dadka is-bedel doonka ah ee reer Jubbaland ayuu ugu baaqay inay isugu yimaadaan Garbaha arey oo sida uu sheegay ay gogoshoodu ka fids an tahay, isagoo sheegay inay hadda dad badan ku soo biireen gogoshaas.
"Waxaan fariin u dirayaa R/ wasaare Rooble, waxaan kaa codsaneynaa R/ wasaare in Axmed Madoobe aadan kala hadlin masiirka Jubbaland, markii laga reebo laba degmo oo Axmed Madoo be maamulo, inta kale anigaa madaxweyne ka ah, waxaan kaa codsaneynaa in deegaan kasta cidda heysata aad kala macaamisho,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiyaha Garbahaarey.
Akoonada wasaarad ka mid ah Puntland oo la xayiray iyo saraakiil baaris lagu wado

Waxaa sare usii kacay kiisaska musuq-maas uqa ee maamulka Puntland, ka dib markii uu Ha nti-dhowrka guud ee maamulkaas uu amray in la xiro akoonada W/Waxbarashada Puntland.
Qoraal kasoo baxay Hanti-dhowrka guud ee Pu ntland oo si gaar ah ugu socday Mas’uuliyiinta Ba ngiga dhexe iyo Bank-yada gaarka loo leeyahay, ayaa lagu wargeliyay in gebi ahaanba la joojiyo la cag ka saarista akoonadaa, ilaa amar dambe.
"Waxaa si xushmad leh loogu war gelinayaa dhammaan Maamulayaa sha Bankiyada iyo Agaasinka guud ee Bankiga dhexe ee dowladda in la joojiyay lacag ka saarista Akoonada W/Waxbarashada Puntland laga bilaabo,” ayaa la gu yiri qoraal uu Dorraad Hanti-dhowrka u diray ma s’uuliyiinta bank-yada, oo nuqul ka mid ah ay he shay Caasimada Online.
Sida ay sheegtay in ay ogaatay Caasimada Online,waxa sidoo kale shaqo joojin lagu same yay agaasimaha guud ee W/Waxbarashada Punt land,Maxamed Cali Faarax (Farmayeeri), Agaas imaha waaxda maamulka iyo maaliyada Wasaar adda iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaarad da waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland.
Hantidhawrka guud ee Puntland ayaa weli ba aris ku wada Saraakiisha iyo kuwa kale oo ka tir san WW&Tacliinta sare ee Puntland, oo loo heys to eedo la xiriira musuq maasuq iyo ku tagri-falka hanti dadweyne.
Wasiirka Waxbarashada Puntland oo si kulul uga jawaabay tallaabadii Hanti dhowraha
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada D/G/ Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa si kulul uga jawaabay hannaanka uu Hanti-dhawrka Puntland u maray barista Agaasimayaasha waaxa ha ee wasaaradda Waxbarashada.
Wasiirka waxaa uu sheegay in waddo sax ah uusan u marin Hanti-dhawrka Pu ntland xerista Akoonada W/Wax barashada iyo shaqa-joojinta lagu sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaraddaas.
Sidoo kale waxaa uu walaac xoogan ka muu jiyay in Xubnaha wasaaradda lagu eedeeyo wax-isdaba marin iyo musuq maasuq, iyadoo aan la soo bandhigin wax caddayn ah oo muujinaya.
Ugu dambeyn Wasiirka W/W/D//Goboleedka Puntland, C/hi Maxamed Xasan ayaa sheegay in tallabada uu qaaday Hanti dhowraha Puntland ay keeni karto in ay Hay’adaha joojiyaan dhaqaalihii ay ku taageeri jireen W/W/Puntland.
Maalmo ka hor ayaa Hanti-dhawrka Puntland waxaa uu ka joojiyay Shaqada qaar kamid ah Sha qaalaha W/Waxbarashada, kuwaas oo lagu eede eyay musuq maasuq.
Alshabaab oo sheegay in ay dib ula waree geen deegaannada Bacaadweyne iyo Camaara

Kooxda Alshabaab ayaa dib ula wareegtay de egaannada Bacaadweyne, Camaara iyo Qeycad ee koonfurta gobolka Mudug, sida lagu sheegay warar lagu faafiyay baraha internetka ee faafiya wararka Alshabaab.
Alshabab waxay sheegeeen ciiddamadii halkaas ku sugnaa in ay isaga baxeen, kadib wee rarkii labo maalin ka hor ay ku qaadeen Magaal ada Camaara, halkaas oo ay ku qabsadeen gaa diid dagaal iyo hub tiro badan.
illaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin maamulka Galmudug oo ku saabsan dib u gura shada ay sameeyeen ciidamadooda iyadoo la og aa in maalmihii lasoo dhaafay uu guulo ka she eganayeen dagaalladii ka socday koonfurta Mudug.
"Deegaannada Bacaadweyne, Camaara, Qey cad iyo Shabeelloow ayaa dib looga suray calan ka Towxiidka kadib markii ay halkaas isaga firx adeen maleeshiyaadka Mareykanku tababaray ee Bangaraafta loo yaqaan iyo ciidamada maamulka Galmudug" ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay mid kamid ah website-yada afka dheer ee lagu faafiyo wararka Alshabaab.
Ma jiraan warar ka madax bannaan Alshabaab oo xaqiijinaya in ciidamada Galmudug iyo kuwa xoogga isaga baxeen Camaara iyo Bacaadwe yne, inkastoo xogo la helayo ay ku waramayaan in ciidamada xooggooda gaareen degmada Wisil.
Galmudug oo beenisay in Alshabaab ay dib u qabsadeen deegaannada  Bacaadweyne iyo Camaara

Wasiirka warfaafinta ee maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa beeniyay wararka she egaya in ururka Alshabaab ay dib ula wareegeen deegaannada Camaara iyo Bacaad weyne ee koonfurta gobolka Mudug.
Wasiirka warfaafinta oo BBC Som ali wareysi siinayay, ayaa sheeg ay in wararkaasi ay yihiin kuwa dacaayad ah oo Alshabaab ugu talo galeen in ay ku niyad ja biyaan shacabka Galmudug iyo deda alada socda.
Axmed Shire Falagle wuxuu sheegay inaanay jirin sabab ay ciidamada Galmudug uga soo baxa an magaalooyinka ay qabsadeen isla markaana wuxuu tilmamaay inay hadda ku howlan yihiin sidii ay ciidamadu horay ugu socon lahaayeen.
"Saacadaha soo socda, waxaan ummadda la wadaagi doonnaa meelaha ay ciidamadu ku sug an yihiin iyo howlgallada aynu wadno.
Waxaan idiin xaqiijijinaynaa inaanay jirin hal ce el oo cadowgu naga qabsaday," ayuu Yiri Falagle.
Maalintii Dorraad, baraha internetka ee faafiya wararka kooxda Alshabab ayaa lagu sheegay in kooxdu dib ula wareegtay magaalooyinka Cam aara, Bacaadweyne, Qeycad iyo Shabeelow.
Alshabab waxay sheegeen inay ciidamada Gal mudug ku laabteen Wisil, ka dib jab kasoo gaaray weerarki dhowr cishe ka hor lagu qaaday deega anka Camaara, halkaas oo ciidamada looga qab saday hub iyo gaadiid dagaal.
Somaliland Oo Xirtay Dad Ka Badan 1100 Qof

Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga u taxa btay muddo kooban gudaaheed dad ka badan kun iyo boqol qof, kuwaasi oo loo xiray eedeymo la xiriira ka ganacsiga noocyada kala duwan ee Maandooriyaha, sida uu shaaciyey Wasiirka arrima ha gudaha Somaliland.
Maxamed Kaahin Axmed, Wasiir ka arrimaha gudaha Somaliland ayaa sheegay in xukuumaddu ay kordhisay howl-galada lagaga hor-tagayo Maandooriyaha ku soo qul-qulaya de egaanadooda, kaasi oo faro baas ku haya Somali land. "Annaga oo ah Wasaaradda Arrimaha gud aha, Booliska, Wasaaradda Waxbarashada, Caa fimaadka iyo Warfaafintu waxaanu iska kaashan aynaa olole ah la dagaalanka mukhaadaraadka, waxaanu hadda haynaa 1100 iyo jar-jar Maxbuus oo lagu qabtay Khamri iyo Xashiishad,” ayuu yiri Wasiir Kaahin.
"Haddaynu Culimo iyo Dawlad iskugu tagin mi yey Carruurteenu bedbaadaysaa. Boolisku waxay na tuseen boqolaal kiish oo ay ku jirto Xashiishad. Walaalayaal Dadkaa marka la xidho (Xashiisha dda ku eedaysan) Dadka ka daba yimaadda ee nafta noo keenaa waa Waalidiinta iyo Dadka wa ayeelka ah ee yidhaahda soo daaya, markaa ma Sharciga ayaynu ku qornaa Xashiishadda iyo khamrigu waa Fasax.”
Wasiir Maxamed Kaahin oo ka hadlayey xirita anka kulan diimeed lagu qabtay Mmagaalada Hargeysa, ayaa ka dalbaday culimada inay qeyb weyn ka qaatan wacyi-gelinta Maandooriyaha oo ay wado xukuumadda Somaliland.
Ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in meel adag la iska taago Maandooriyaha, kaasi oo uu sheegay in uu hadda ku dhow yahay inuu Guri kasta galo, islamarkaana xaaladdu meel aan wanaagsanayn gaarto.
Midowga Afrika oo Ergey gaar ah u soo magacaabay Geeska Afrika

Midowga Afrika (AU) ayaa u magacaabay ma daxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo inuu noqdo wakiilka sare ee gobolka Geeska Afrika.
Moussa Faki Mahamat, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Midow ga Afrika ayaa bayaan uu soo saa ray ayaa ku sheegay in go’aankan uu qeyb ka yahay dadaalka Midowga Afrika ee horumarinta na badda, amniga, xasilloonida iyo wadahadalka si yaasaded ee dhammaan G/Geeska Afri ka.
"Si gaar ah, Wakiilka Sare wuxuu xoojin doo naa wada -shaqeynta dhammaan jilayaasha siyaa sadeed ee ay khuseyso iyo daneeyayaasha gobol ka si loo helo nabad waarta iyo xasillooni ka jirta Geeska Afrika.”ayuu yiri Moussa Faki Mahamat.
"Hoggaamiyihii hore ee Nigeria wuxuu la imanayaa waayo-aragni mo siyaasadeed oo aad u hodan ah, iyo aqoonsi aan la taaban karin oo ay ka go’an tahay fikradaha sa re ee Pan-Africanism iyo is-dhexgalka gobolka iyo iskaashiga, iyo sidoo kale aqoon qoto dheer oo ku saabsan xaaladda hadda ka jirta Geeska Afrika,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Magacaabistan cusub ayaa imaanaysa iyadoo gobolka Geeska Afrika ee aan xasilloonayn ay ka jiraan colaado iyo dhibaatooyin. Dagaal sokeeye oo socday sagaal bilood oo ka socday gobolka Tigray ee Ethiopia ayaa ku fiday gobollada kale ee dalka.
Magacaabista Obasanjo ayaa sidoo kale imaa naysa iyadoo Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay ku guul-darreysteen inay yaree yaan kororka cusub ee kooxda argagixisada Al-Shabaab.
Wuxuu ku dhashay 5 -tii Maarso, 1937, Abeok uta, Ogun, Koonfur Galbeed Nigeria, Obasanjo wuxuu madaxweyne ka noqday Nigeria, oo ah wa ddanka ugu dadka badan Afrika, laga soo bilaabo 1999 illaa 2007.
Mr Obasanjo ayaa sidoo kale ku lug lahaa da daallada dhexdhexaadinta caalamiga ah ee Ango la, Burundi, Namibia, Mozambique iyo K/ Afrika.
Sannadkii 2008, Xoghayaha Guud ee Q/ Midoo bay, Ban Ki-moon, ayaa u magacaabay Mr Obas anjo inuu noqdo Ergeygiisa Gaarka ah ee Haro oyinka Weyn, halkaas oo uu qayb weyn ka qaatay dadaalladii dhexdhexaadinta ee bariga Jamhuuri yadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
QM iyo Midowga Yurub oo Cambaareeyey weerarkii Kabul

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay An tonio Guterres ayaa cambaareeyay weerarkii dhi mashada dhaliyay ee Khamiistii Dorraad ka dhacay garoonka dayuuradaha ee M/Kabul ee caasimad da dalka Afghanistan.
Hadalkaasi waxaa sii daayay St ephane Dujarric oo ah Afhayeen u hadlay Q/ Midoobay. Ugu yaraan 103 oo isugu jiray 90 reer Afghani stan ah iyo 13 ka tirsan ciidamada Mareykanka ay aa ku dhintay weerarka, sida laga soo xitay Pajhw ok oo ah wakaaladda wararka ee ugu weyn Afgh anistan iyo Xarunta W/Gaashaandhigga Mareyka nka ee Pentagon-ka.
Guterres ayaa ugu yeeray weerarkaa mid arga gixiso oo lala beegsaday dad reer Afghanistan ah oo ku xoonsanaa garoonka, iyagoo doonayay in ay dalkaasi ka baxsadaan, ka dib markii dhawaan dalkaasi uu la wareegay ururka Taliban.
Isagoo qabanayay shir Ja’raa’id oo kooban ay uu afhayeenka u hadlay Q M, Dujarric, uu u sheegay warfidiyeenka in dhacdadan ay hoosta ka xar iiqeyso sida xaaladda Afghanistan aysan cagaha ugu taagneyn.
Xoghayaha Guud ee Gaashaanbuurta Nato Je ns Stoltenberg ayaa isna fariin uu soo dhigay Twit terka si kulul ugu cambaareeyay weerarkaas oo uu ku tilmaamay mid bahalnimo oo ay argagixisa du ka dambeysay. Waxaa uu sheegay in Isbahey sigooda ay ka go’antahay sii wadista daabulka da dka ay ka soo saarayaan Afghanistan sida ugu dhaqsiyaha badan oo ay dad badanna ku soo qaa di karaan.

Canfarta Ethiopia oo sheegtay in Al-Shaba ab iyo Jabuuti la dagaallamayaan

Gobolka Siti ee Deegaanka Soomaalida ee Dalka Itoobiya waxaa ka socda dagaal sababay qasaare badan oo u dhaxeeya Canfarta iyo Soo maalida. Waxaa lagu soo warramayaa in weli ay labada dhinac is horfadhiyaan.
Dagaalka xooggiisa ayaa la sheegay inuu Shalay ka socdo deegaanka Garba-Ciise, halka as oo laga soo sheegayo khasaare aan la cayi min. Maamulka Deegaanka Canfarta ayaa ku eedeeyay DDS inay isku dayayaan inay gacanta ku dhigaan Mile, oo ka tirsan G/Canfarta, isla mar kaana ah magaalo muhiim u ah ganacsiga u dhax eeya Itoobiyaiyo Jabuuti, taas oo maamulka Dow lad Deegaanku uu beeniyay.
Qoraal ka soo baxay maamulka deegaanka Ca nfarta waxaa lagu sheegay in dad rayid ah ay ku dhinteen dagaal cusub oo ay sheegeen in "Soom aalida ay soo qaadeen” Arbacadii kaas oo ka dha cay deegaannada Gebi Resu iyo Awesi Resu.
Warsaxaafadeedka waxaa ku qoran eedeyeen ah in maamulka Soomaalida ay "ciidamo ku daad-gureeyeen deegaanka Candhuufo, ayna ku dileen dad rayid ah.”
Weli ma cadda waxa sababay dagaalkan soo cusboonaaday. Balse colaadda u dhexeysa 2da dhinac waxay salka ku haysaa xuduud.
DDS ayaa beenisay in ay dagaalka iyaga bil aabeen, iyagoo sheegay in Canfarta ay soo qaad een weerarka. Wasiir ku xigeenka warfaafinta DDS ee dalka Itoobiya, Maxamed Rooble Maxam uud, oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in Canfar ta ay weerarka soo qaadeen.
"Iyagoo dalkayaga haysta ayay ina soo weerar aan oo waxay doonayaan in ay ilaa Diridhaba na gaarsiiyaan,” ayuu yiri.
"Haddaan annagu dagaalka soo qaadno gar ayayba inoo ahaan lahayd, sababtoo ah dhulkeen nii oo dhan ayay heystaan, dadkeennii ayay bara kiciyeen, dad ayay ku gowraceen Garba Ciise.
Hadda cidda soo qaadday waa la ogyahay, dowladda dhexena waa ogtahay,” ayuu yiri.
Warsaxaafadeedka maamulka Canfarta ayaa waxaa sidoo kale ku xusan in waddada weyn ee isku xirta Jabuuti-Addis Ababa ay xiran tahay sab abo la xiriira dagaalka, balse BBC ma xaqiijin karto arrintaas.
Khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaysan ila a iyo haatan sheegin labada dhinac.
Maamulka Canfarta ayaa "ka codsaday dowla dda dhexe ee Itoobiya inay arrinta soo farageliso”, inta uusan dagaalka sii xumaan.
Dabayaaqadii bishii July, D/D/Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay in maleeshiyaad ka soo jeeda gobolka deriska la ah ee Canfarta ay werar soo qaaden isla markana ay dhac geysteen
Maamulka Canfarta wuxuu sheegay "in Soom aali kale ay dagaalka qeyb ka tahay, kuwaas oo taageeraya ciidamada DDSItoobiya”.
Balse Maxamed Rooble, ayaa beeniyay eede ymahaas wuxuuna yiri: "Waxaa wax lala yaabo ah, inay sheegayaan in ‘Alshabaab ay la dagaalla meyso, Soomaaliya ay la dagaallameysa; Jabuuti ay la dagallameyso; Somaliland la dagalalameyso
"Sheekooyinkaas ayay warbahainta la taagan yihiin. Qof walba wuu garanayaa in Alshabaab ay san halkan ka dagaallami karin,” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin in dagaalka la joojiyo, haddii dowladda dhexe ee Itoobiya ay amarto, balse ay doonayaan in dhanka kale ay iyaguna nabadda qaataan.
"Annagu diyaar ayaan u nahay, balse iyadoo ay dhanka kale heystaan dhulkeennii, iskuulla deennii iyo masaajidadeennii, haddii nala dhoho nabad qaata, taasi waxay noqoneysaa nabad aan nabad ahayn,” Ayuu yiri Maxamed Rooble.
Xigasho Bbc Somali
HAMBALYO DHALASHO FARXAD LEH


Abti Maxamuud Axmed Jimcale {X.Shataar} & ca rrurtiisa,Abti Cismaan Axmed Jimcaale iyo carrurti isa ,Abti Muxuddiin Axmed Jimcaale {Tusbax} Hooyo Madiino Axmed Jimcaale,Habaryarda kala ah Salaado Axmed Jimcaale, Xabiibo Amed Jimc aale,Maryan Axmed Jimcaale, Safiyo Axmed Jimcaale , walaalah kala ah Nuurta Cali Cumar iyo Carruurteeda, Nimco ,Naasir, Najib,Nasro & Xaasaskooda iyo Carruurtood, Qadro Chi Cali iyo Carruuteeda, Maxamed Xasan & Xaaskiisa carr urtiisa,Xamdi Cumar Xasan Dhammaan Dad ka asi waxaay HAMBLAYO DHALASHO u Diraya an NUURADIIN CALI CUMAR &XAAWO AXM ED oo Wiil ugu dhashay 25-ka Agoosto 2021-ka Wiilkaas oo looga Magac Daray CALI NUURAD DIIN CALI waxay leeyihiin Alle haka dhigo kii soo Barbaara oo Dalkiisa Dadkiisa & Diin tiisaba Anfac
Aamiin Aamiin Aamiin.

 
Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay maleeshiy aad hubeysan ay weerar ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi, iyaga oo beegsaday dad beeraley ah oo ku sugnaa duleedka Beledweyne.
Maleeshiyaadka ka dambeeyey weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay goobta ka baxsadeen, kadib dhacdadaasi, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.
Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan oo ka dhacay deegaanka Banka ku dhintay ugu yaraan 5 qof, halka ay ku dhaawacmeen labo kale, kuwaas oo dhammaantood ah dad shacab ah.
Sidoo kale dadka dhaawacyada ah ayaa waxaa loo soo qaaday dhinaca magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaas, si loogu dabiibo xaaladooda caafimaad.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in weerarkan salka ku hayo dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo weli ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ee HirShabelle.
Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi, balse waxaa haatan socda howl-gallo lagu baadi goobayo maleeshiyaadkii ka dambeeyey weerarkaasi, kuwaas oo ay wadaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Inta badan waxaa gobollada dhexe ee dalka kusoo noq-noqda weerarada iyo dilalka salka ku haya aanada Qabiil ee ka dhaca Hiiraan, Galgaduud, Mudug ee bartamaha Soomaaliya

Askar Mareykan ah oo lagu laayey qaraxyada Kabul iyo wararkii ugu dambeeyey

Askar Mareykan ah oo lagu laayey qaraxyada Kabul iyo wararkii ugu dambeeyey

Kabul Ugu yaraan 13 askari oo ka tirsan ciid amada Marines-ka Mareykanka ayaa ku dhintay labada qarax ee lala beegsaday garoonka diyaa radaha magaalada Kabul ee dalka Afghanistan, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha militariga.

Wararka ayaa sheegaya in tiro kale oo Mareyk an ah lagu dhaawacay weerarka oo isgu jiray laba qarax iyo weerar toos ah oo uu fuliyey qof hube ysan.

Mid ka mid ah qaraxyada ayaa waxaa fuliyey qof is-miidaamiyey oo soo xirtay jaakad walxaha qarxa lagu soo xiray, halka qaraxa laba ad uu ah aa mid baabuur. Waxaa sidoo kale jiray rag hube ysan oo rasaas furayey.

Sidoo kale 60 qof oo shacab Afghanistan ah a yaa ku dhintay, 200 oo kalena waa ku dhaawac meen qaraxyada, oo ay fuliyeen dad is-miidaa miyey, sida uu sheegay mas’uul ka tirsan ururka Taalibaan. Dadka dhintay waxaa ku jira caruur.

Mas’uulka ka tirsan Taalibaan ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah ilaalada Taalibaan la gu dhaawacay weerarka. Qaar ka mid ah ciidama da ajnabiga ah ee garoonka jooga ayaa sidoo kale la sheegayaa inay ku dhaawacmeen
Erdogan oo war kasoo saaray wada-hadallo ay la yeesheen Taalibaan iyo  arrin ay soo jeediyeen
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Shalay sheegay in Turkey ay wada-hadalladii ugu horreeyey Taaliba an kula yeelatay magaal ada Kabul, isaga oo intaas ku daray in Ankara ay weli qiimeyneyso codsi ka yimid kooxda oo ah inay maamulaan garoonka diyaaradaha Kabul. Erdogan ayaa sheegay in wada-hadallada ay ka dhaceen qeybta militari ee garoonka diyaarada ha Kabul, halkaasii oo xarun ku-meel gaar u ah safaaradda Turkey.
"Waxaan wada-hadalladeenii ugu horeeyey la yeelanay Taalibaan, waxayna qaateen saddex sa ac iyo bar,” ayuu Erdogan u sheegay weriyayaa sha."Haddii ay lagama maarmaan noqoto, waxa an fursad u heli doonnaa inaan wada-hadallo noo can ah yeelano mar kale.”
Isaga oo ka jawaabayey cambaareynta guda ha Turkey ka imaneysa ee la xiriirta la-macaamil ka kooxdan, ayaa Erdogan waxa uu sheegay in Ankara aysan laheyn ikhtiyaar ay sida tiir oo kale isaga taagnaato gobol aan deganeyn.
"Ma ogaan kartid waxa ay doonayaan iyo wax aan dooneyno haddii aynan wada-hadalin. Waa maxay diblomaasiyad, saaxib? Tani waa dibloma asiy d,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.
Turkey ayaa qorsheyneysay inay gacan ka ga ysato xaqiijin ta amniga garoonka Kabul, hase ye eshee waxay Arbacadii billowday inay ciid amad eeda kala baxdo Afghanistan, kadib markii sida muuqata ay Taalibaan diiday.
Hase yeeshee waxa uu she egay in qaraxii is-miidaaminta ee dilay 85-ka qof, oo ay ku ji raan 13 askari oo Mareykan ah, kaasi oo Dorraad ka dhacay banaanka garoon ka, uu muujinayo muhiimadda inaad taqaan sida loo sugo ammaan ka garoon diyaaradeed.
"Waxay yiraahdeen: ‘Innagaa sugeyna amniga, adinkana waxaad maamuleysaan garoonka’ Weli go’aan kama gaarin arrirntan,” ayuu yiri Erdogan. "Waxaan go’aan gaari doonnaa marka xasillooni la helo.” Isagoo cabaareeyey qaraxyadii dadka badan ku le’deen eek a dhacay garoonka Kabul
Biden "Ma cafin doonno. Ma illaabi doonno. Waynu idin ugaarsan doonnaa"
Madaxweyne Joe Biden oo khudbad qiiro leh ka jeedinayay Aqalka Cad Joe Biden says ayaa sheegay in daad-gureynta ka socota garoonka Ka bul ay sii socon doonto, ka dib qaraxyadii ay ku dhinteen 60-ka qof, oo ay ku jiraan 13 ciid amada Mareykanka ka tirsa naa.
"Waa inaynu dhammeystirnaa howlgalkan wa ana sameyn doonnaa," ayuu yiri. Wuxuu sidoo ka le wacad ku maray in la ugaarsan doono dadkii ka dambeeyay.
I n ka badan 100,000 oo qof ayaa laga saaray Kabul, oo gacanta u gashay Taliban 15-kii Augu st. Balse dad kale oo badan oo reer Afghanistan ah ayaa ku soo xoomayay garoonka iyadoo ay soo dhowaatay muddada kama dambeysta ah ee ciidamada Mareykanka loo qabtay inay uga baxa an dalkaasi oo ah 31 August.
Biden ayaa ballan qaaday dhammeystirka ho wlgalka, isagoo intaas ku daray "nama carqala deyn doonaan argagixisada".
Weeraradii Dorraad ayaa dhacay abbaaro 18:00 xilliga dalkaas (13:30 GMT). Kii ugu horreeyay ay aa lala beegsaday Abbey Gate - oo ah ciidamada Mareykanka iyo kuwa Britain ay ugu adeegayeen dadka galaya garoonka - waxaana xigtay rasaas.
Daqiiqado kaddib, kii labaad ayaa ka dhacay ho teel ay saraakiisha Britain u adeegsanayeen inay ugu adeegaan dadka u dhashay Afghanistan ee doonaya inay u safraan UK.
Map showing locations of the blastsDad aad u fara badan ayaa isugu tegay garoonka iyagoo rajo ka qaba in loo oggolaan doono inay ra acaan diyaaradaha dadka daad-gureynaya, inkat soo ay jireen digniinno ay soo saareen saraakii sha Mareykanka iyo kuwa UK oo ku saabsaneyd khatarta weerarro is miidaamin ah oo ay geystaan kooxda Isis-K, oo ka tirsan ururka isku magacaa bay Dowladda Islaamka.
Kooxdan ayaa goor dambe sheegatay weerarar rada. Madaxweyne Biden ayaa yiri: "Ma cafin doo nno. Ma illaabi doonno. Waynu idin ugaarsan doo nnaa waanad ka shallaayi doontaan."
Ciidamo ka tirsanaa kuwa Maryekanka aya aku dhintay qaraxyadaas, sida uu sheegay madaxa Cutubka Dhexe ee ciidamada Mareykanka, Jener aal Frank McKenzie. Waa markii ugu horreysay ee ay ciidamada Mareykanka khasaaro kala kul maan Afghanistan tan iyo bishii February 2020.
Biden ayaa sheegay in ciidamada dhintay "ay aha ayeen geesiyaal ku guda jiray howlgal nafhurnimo ah oo lagu badbaadinayay nolosha dadka kale".
Frank McKenzie ayaa sheegay in khatarta Isis-K ay weli aad u sarreyso isla markaana ay ciidam ada Mareykanka kala shaqeyn doonaan Taliban si loo joojiyo weerarrada iyo in Taliban ay ka hort agtay kuwo kale oo badan.
Smoke rises after two explosions reported outs ide Hamid Karzai International Airport. Qiiq ayaa cirka isku shareeray kaddib qaraxyada Balse we erarka ayaa laga yaabaa inuu carqaladeeyo dada allada daad-gureynta iyadoo ay soo dhowdahay muddada kama dambeysta ah ee 31 August.
Waxaa haatan garoonka Kabul sugan 5,800 cii damada Mareykanka ah iyo 1,000 kuwa UK ah.
Ilaa iyo haatan, 104,000 rayid ah ayaa laga qaad ay Afghanistan.
Sida uu Mareykanka u daawanayay Taalibaan oo ku guuleysaneysa dagaalka
Ilaa 5,000 ayaa ku sugan garoonka qaar kale oo badan ayaana isku dayaya inay ka gudbaan bar koontaroollada.
Tiro dalal ah, oo ay ku jiraan Canada, Biljamk a, Netherlands iyo Denmark ayaa joojiyay howlahooda. Turkiga ayaa ku dhawaaqay in ciid amadiisa oo muddo lix sano ah ilaalinayay gar oonka ay haatan isaga baxayaan halkaas.
Ra'iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson - oo sha lay kulan deg deg ah la qaatay saraakiil sare - ayaa sheegay inay sii socon doonaan duullim aadyada daad-gureynta
Saameynta biyo-xireenka Webiga NILE ee Itoobiya oo aan noqon sidii la filayey2021 in Dunida
Biyo-xireenka weyn ee Ethiopia ay ka samey say Nile-ka Bulugga ah ayaan sanadkan wax saameyn ah ku yeelan qulqulka biyaha ee Sudan, waxaa sidaas sheegay sarkaal ka tirsan dowladda Sudan.
Itoobiya ayaa sanado badan ku bixisay wada-ha dallo xasaasi ah oo biyo-xiree nka oo ay ku ka cday $5 bilyan kala gashay Masar iyo Sudan, oo labaduba uu webiga maro, kana cabsi qaba inay yaradaan biyaha soo gara.
Hase yeeshee wada-hadallada ayaan ku guule ysan in heshiis lagu gaaro, waxaana weli biyo-xireenka uu xuddun u yahya xiisad ka dhex oogan saddexda dal.
Sudan ayaa sheegtay inay suurta-gal tahay in biyo-xireenka uu saameyn togan ku yeelan karo qulqulka biyaha ee xilli roobaadka, ayna rajey ney say inay ka faa’iideysato korontada laga dhalina yo,hase yeeshee waxay ashtako ka muujisay akhbaarta la xiriirta holwgalka biyo-xireenka oo aysan ka helin Itoobiya.
"Inkasta oo go’aan hal dhinac ah lagu buuxiyey biyo-xireenka..haddana wax saameyn ah kuma yeelan qulqulka biyaha ee sanadkan, hase ye eshee xogta aynan helin kahor buuxinta biyo-xir eenka ayaa Sudan lacag badan ay uga luntay in ay kasii taxadarto saameynta ka iman kartay,” wa xaa sidaas yiri Wasiirka Waraabka Sudan Yasir Abbas oo qoraal soo dhigay Twitter-ka.
Itoobiya ayaa biyo-xireenka u aragta inuu muhiim u yahay rajooyinkeeda ku aadan soo saari sta awood koronto oo badan iyo horumarkeeda, waxayna ay Shalay ku hayneyso danaha dalalka
kale uu maro marka ay howl-gelienyso.
 
Askari Lagu Dhex Dilay Saldhigga Booliska M/Dhuusamareeb
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Askari ka tirsanaa Booliska magaalada Dhuusamareeb oo Habeen hore la sheegay in lagu dhex dilay Saldhigga Booliska Magaaladaasi.
Wararku waxaa ay sheegayaan in Askariga la gu dhex dilay Saldhigga magaala da, waxaana wararku intaas ku darayaan in Askari kale oo ay sha qada ay iskula jireen uu ka dam beeyay dilka Marxuumka, waxaa na la helayaa warar kala duwan oo ku aaddan dil ka Askarigaasi.
Askariga la dilay ayaa waxaa lagu magacaabu jiray Cumar Ballicad, waxaana uu ka tirsanaa Mar xuumku Booliska magaalada Dhuusamareeb, dil ka ayaana dhacay sida wararku sheegayaan Habeen hore saqdii dhexe, iyadoona Askariga ka dambee yay dilka Magaciisa lagu soo Koobay Cabdi Qani Naasir, kaasi oo shaqada kula jiray Askariga uu dilay.
Wali Saraakiisha Ciidanka Booliska M/ Dhuu samareeb wax war ah kama soos aarin dilkaasi, sidoo kale ma jiraan warar intaa ka dheeri ah laga helay dilkaasi, lamana sheegin sababta Askariga ku kalliftay in uu dilo Marxuumka shaqada kula jiray
Qarax is-miidaamin ah oo lala damacsanaa tacsida ‘Libaaxa Muqdisho’ oo la fashiliyey
Uganda ayaa Shalay sheegtay inay fashilisay qarax is-miidaamin ah oo ka dhan ahaa tacsida taliyihii hoggaamiyey weerar culus oo ka dhan ahaa kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya
Ciidamada ammaanka ayaa sheegay inay Kha miistii xireen nin ku sugnaa magaalada waqooyi ee Pader, maalin kahor tacsi da Jeneral Paul Lokech oo la gu naaneysi jiray "Libaaxa Muqdisho.”
"Tuhmanaha wuxuu watay aaladaha laga samee yo bambooyinka,” waxaa sidaas tiri Flavia Byekw aso oo ah afhayeen u hadashay ciidamada Ugan da oo bayaan soo saartay, ayada oo ninka mag aciisa ku sheegay Katumba Abdul, oo sidoo kale loo yaqaan Ben.
Qalabka lagu qabtay waxaa ka mid ahaa bam ooyinka guryaha lagu sameeyo, jaakadaha is-mii daaminta, kiimikada ammonium sulphate, saa cado iyo taleefon gacmeedyo loo adeegsan lahaa in bamka lagu qarxiyo.
Baaritaanada waxay illaa hadda tilmaamayaan in tuhmanaha uu damacsanaa inuu arbusho tacsida Jeneral Paul Lokech,” ayey tiri Byekwaso.
Lokech, oo Sabtidii gurigiisa ugu dhintay dhiigga oo xinjiroobay, ayaa laba goor noqday taliyaha ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.
Waxa uu hoggaamiyey cutubyo ka tirsan ciidamada AMISOM oo Al-Shabaab ka saaray Muqdisho 2011-kii, taasi oo uu ku muteystay naaneysta "Libaaxa Muqdisho.”
Geerida Lokech ayaa waxaa ka tacsiyeeyey hoggaamiyayaasha Soomaaliya iyo beesha caalamka, waxaana AMISOM ay ku qeexday "halyey” lagu xusuusan doono dagaalka ka dhanka ah mintidiinta.
"Waxaan dhammaanteen ku xasuusan doonaa inuu ahaa nin dabeecad wanaagsan, geesi ah, oo edeb iyo sharaf lahaa,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay AMISOM.Ciidamada Uganada ayaa 2018-kii sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay Muqdisho ku rasaaseeyeen kolonyo uu la socday Lokech, isaga oo markaas ahaa taliyaha ciidamada Uganda ee AMISOM, inkasta oo waxyeelo aysan ka dhalan weerarka.
Weeraro lagu dilay 210 qof oo Ethiopia ka dha cay iyo xaaladda oo kasii dareysa
Koox hubeysan ayaa toddobaadkii tegay 150 qof ku dilay galbeedka dalka Ethiopia, taasi oo dhalisay weeraro aargudasho oo dhimasho badan, sida uu Shalay sheegay Guddiga Xuquuqda Aadanaha Ethiopia ee EHRC.
"Dadka degan halka weerarka uu ka dhacay ayaa guddiga u sheegay in dableyda ay dileen 150 qof,” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray guddiga EHRC.
Weerarkan ayaa 18-kii bishan dhacay kadib markii ciidamada ammaanka Ethiopia ay kasoo baxeen qeybo ka mid ah gobolka Oromia ee galbeedka Ethiopia oo xasillooni darro ay ka jirto, sida uu sheegay guddiga.
Goobjoogeyaal ayaa u sheegay guddig EHRC in kooxda weerarka fulisay ay ka tirsan yihiin Ciidamada Xoreynta Oromada ee Oromo Liberation Army (OLA), oo horey loogu eedeeeyey rabshadaha ka socda galbeedka iyo koonfurta Ethiopia.
Dilalkan ayaa dhaliyey barakac xooggan oo ay sameeyeen dadka deegaanka, gaar ahaan haweenka iyo caruurta, kuwaas oo u cararay deeegaanada deriska la ah.
Guddiga EHRC ayaa sheegay in kadib weerarka uu dhacay weerar aargudasho ah oo isir ku saleysan kaasi oo lagu dilay 60 qof, taasi oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 210.
DowladdaRa’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa ku eedeysay OLA inay fulisay dhowr xasuuq oo dhowaanahan lagu beegsaday qowmiyadda Amxaarada, oo ah tan labaad ee ugu badan dalka, inkasta oo OLA ay beenisay eedeymahaas.
BOGGA CIYAARAHA:

Cristiano Ronaldo Oo Ku Biiray Manchester United Weerar yahanka kooxda Juventus, Cristiano

 Ronaldo, ayaa dib ugu laabtay kooxdiisii hore ee Manchester United.
Bayaan ay soo saareen maamulka United ayay ku xaqiijiyeen in ay Juventus la gaareen heshiiska lasoo wareegitaanka Ronaldo.
Waxa harsan waa in Ronaldo heshiis si shakhsi ah loola meel dhigo heshiiska, sida ku cad bayaanka United ay ku daabacday boggeeda.
Warkan ayaa durbadiiba si deg deg ah u qabsatay warbaahinta caalamka oo dhan.
Cristiano Ronaldo
Cristiano Ronaldo Markii hore waxaa maalma han la hadal hayay in Ronaldo uu ku sii jeedo magaalada Manchester, balse kooxda uu u socdo ay tahay City oo ay si weyn u xifaaltamaan United.Saacadihii lasoo dhaafay ayuu si lama filaan ah usoo baxay hamiga United ay ku daneyneyso xiddigeedii hore kaddib markii hadal heynta taageerayaasha Manchester United ay badatay, iyagoo aad uga soo hor jeeday in uu halyeygooda ku biiro City.
Isku Aadka Heerka Group-Yada Champions League Xilli Ciyeereedka 2021/22 Oo Xalay La Sameeyey.
Istanbul:-Waxaa Shalay soo gabagaboobay isku aadka heerka guruubyada tartanka Champions League oo Xalay lagu sameeyey magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Kooxda Manchester City ayaa waxa ay guruub la gashay Paris Saint-Germain, xilli labadan kooxood ay yihiin kuwa loo saadaalinaayo inay ku guuleysan karaan koobka Champions League.
Chelsea ayaa Guruub H la gashay Juventus, halka Barcelona iyo Bayern Munich ay ku wada jiraan Guruub E.
Isku aadka oo dhammaystiran halkaa hoose ka eeg:-Group A: Manchester City, Paris Saint-Germain, RB Leipzig, Club Brugge.
Group B: Atletico Madrid, Liverpool, Porto, AC Milan.
Group C: Sporting CP, Borussia Dortmund, Ajax, Besiktas.
Group E: Bayern Munich, Barcelona, Benfica, Dynamo Kyiv.
Group F: Villarreal, Manchester United, Atalanta, Young Boys.
Group G: Lille, Sevilla, RB Salzburg, Wolfsburg.
Group H: Chelsea, Juventus, Saint Petersburg, Malmo.
Goormee la ciyaari doonaa kulammada heerka Guruubyada Champions League?
Sida caadiga ah koox waliba waxa ay ciyaari doontaa lix kulan, waxaana kulammada la ciyaari doonaan Maalmaha Talaadada iyo Arbacada, taariikhahan hoos ku xusan ayaana la ciyaari doonaa kulammadaas:-
Kulammada 1-aad: September 14/15
Kulammada 2-aad: September 28/29
Kulammada 3-aad: October 19/20
Kulammada 4-aad: November 2/3
Kulammada 5-aad: November 23/24
Kulammada 6-aad: December 7/8



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip