Nasashada Jimcaha. Q-267=Iska jirhee, Beryahaan Xamar waxaa ka jiro Dhul Boob Bareer ah ee Cowradaada iyo Cariishkaaga ilaasho=

0
Friday August 27, 2021 - 15:44:14 in Wararka by
  • Visits: 636
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nasashada Jimcaha. Q-267=Iska jirhee, Beryahaan Xamar waxaa ka jiro Dhul Boob Bareer ah ee Cowradaada iyo Cariishkaaga ilaasho=

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

1. Macallin ayaa Warqad u qoray Waalidiinta Cumar yare oo ah Arday uu wax baro, kuna qoray: Waan idin salaamay waalidka Cumar yare , Wiilkiinu Marka uu Fasalka Fadhiyo Jirkiisu sooma Carfaayo. Fadlan ku dhiiri galiya in uu soo qubeeysto.
 
Waalidkii: Mudane Macalin, Cumar yare ma ahan Ubax ama Barafoon, umana soo dirin in la Carfiyo ee waxaan kuugu soo dirnay in wax la baro. Mahadsanid.
 
(Wasiir ayaa yiri: Mudane Agaasime, Anigu kuuma Dirin in Shaqaaluhu ey Sharciga Dhowraan iyo In kale, ee waxaan kuu diray in aad ogaatid in ey Mucaaradka la jiraan iyo in kale)
 
2. Xussen ayaa Hooyadii ku yiri: Anigu waan nacay Macalinka Xisaabta, ma ahan Nin Mabda’ leh, waana ku wareernay. Doraad waxa uu nagu yiri: 4+5=9. Shalay waxa uu nagu yiri: 3+6=9. Maantana waxa uu nagu yiri: 7+2 =9.
 
Hooyadii ayaa Tiri: Waan ogaa, Horena Aabahaa ayaan ugu sheegay in eyna Macalinkaa iyo Dugsiguba wanaagsaneyn.
 
(Haddii Shacabku Fahmi waayo,Habraaca Doorashada. Siyaasiyiintu intii ey sixi lahaayeen ayeey yiraahdiin Horaan u ogeyn inuu khaldan yahay).
 
3. Nin Muqdishu ka Qaxay 1991 ayaa dib ugu soo Laabatay 2021. Waxa uu arkay Nin Xubintiisa Taranku ey aad u weyn tahay, Xubintaana ku dhashay 1963. Kadibna Dokumenti ayuu u Sameystay in isagu uu lahaa Xubintaa wixii ka horeeyay 1991, In kasta oo Dadkii Hore u yaqiin Labada Nin ey cadeeyeen in Dukumentigu uu Been Abuur yahay. Haddana Maxkamada iyo Saldhiga Boliska ayaa Qaatay Go’aan ah in la dhufaano Milkiilihii dhabta ahaa ee 1963 ku dhasahay Xubinta Taranka.
 
(Iska jirhee, Beryahaan Xamar waxaa ka jiro Dhul Boob Bareer ah ee Cowradaada iyo Cariishkaaga ilaasho) ( F.S: 1aad)
 
4 . Wiil 4 Sanno jir ah ayaa Aabihii ku yiri: Aabe waxaan Rabaa in aan Guursado.
Aabihii oo yaab iyo dhoolo Cadeyn isku daray ayaa yiri: Aad guursatide Saaxiibad ma leedahay?.
 
Wiilkii ayaa yiri: Haa, waan leeyahay Saaxiibadda aan rabo in aan guursado waa Ayeeyo. Ayeeyo, wey i jeceshahay, Cunto wanaagsan ayeey i siisaa, Mar kasta wajigeeda Farxad ayaan ka dareemaa, waxa ey ii sheegtaa Sheeko Caruureed wanaagsan.
 
Aabihii ayaa yiri: waxaa jiro Sharci Diidayo in aad Ayeeyo guursato, Sababta oo ah Aniga oo Aabahaa ah ayeey Hooyadeey Tahay.
 
Wiilkii ayaa yiri: Aabe Adiguba waxaad Guursatay Aniga Hooyadeey. ( F.S: 2aad)
( Siyaasiyiinta yar yar qaar ayaa Marka iyaga oo Wafdi ah ey Dibadda tagaan, waxaa ey fiiriyaan, Rooga loo dhigayo, ilka cadeynta iyo Naxariis Jilidda Gaalada , mana fiiriyaan Sharciga Islaamka iyo Dhaqanka Somalidu waxa uu ka reebayo, Siyaasi 4 jir ah ha noqon, Waa iga Talo).
 
5. Haddii aad Facebook ku qorto "Post” ah: Caawa kuleyl ayaa jiro, waxaan seexanayaa Daaqada Qolka oo ii furan. Ogow waxaad u baaqday Tuugada Xaafadda iyo 470 Kaneeco oo "Like” kuu saari Doono. ( F.S:3aad ).
 
(Qorshahaaga inta badan lama sii "post” gareeyo weliba haddii aad tahay Siyaasi Doorasho isku Diyaarinayo, waa iga Talo).
 
6. Nin ayaa arkay, Cali Sandheere oo ahaa Xabaala qodihii Tuulada oo Ooynayo.
waxa uu ku yiri: Maxaad la ooynee? Cali Sandheere ayaa yiri: Maroodi ayaa Tuulada ku dhintay. Ninkii ayaa yiri: oo maxaa kaa galay?. Cali Sndheere ayaa yiri: Tuulada Dhulkeedu waa dhagax adag. Anigaana Tuulada hadda ka hor, ka codsaday in wixii dhinto God u qodidooda qandaraas la igu siiyo oo aan kaligeey godo, intii Qof kale ey qodi lahayd, Laba Sanno ayuuna Heshiiskaasi noo socdaa. (F.S:4aad ).
 
( Golaha Wada Tashiga Qaranoow ka fikira, Heshiisyada aad galeysiin, yuuna idinku Noqon, Qabri Maroodi Gawaan ka Qod)
 


Qore: Yahya Amir


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip