=Nasashada Jimcaha. Q-265=Markii Madaxweyne Maamul Gobaleed uu si khalad ah u sheegay Habka Xulidda Senetorada, Meeqa Musharax….

0
Friday August 13, 2021 - 21:00:47 in Wararka by
  • Visits: 799
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    =Nasashada Jimcaha. Q-265=Markii Madaxweyne Maamul Gobaleed uu si khalad ah u sheegay Habka Xulidda Senetorada, Meeqa Musharax….

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

1.Edan Keerow karyare, oo Bus Baydhaba joogo oo Mogadishu u soo socdo Kaari ka ahaa, oo naadinayay Bus-ku halka uu u socdo, ayaa si khalad ah, halkii uu Mogadishu ka dhihi lahaa, waxa uu yiri: Minnesota, Minnesota soo raaca.



 
Bus-kii waa Buux dhaafay, Laba "Tyre” ayaana ka banjartay, Goobtiina Laba ruux ayaa ku geeriyooday 4 kalena isbitaalka ayaa loo qaaday.(F.S 1aad).
 
(Markii Madaxweyne Maamul Gobaleed uu si khalad ah u sheegay Habka Xulidda Senetorada, Meeqa Musharax Senetor ayaa Jeebkii ka Banjarisay)
 
2. Marka aad isticmaalee Musqulaha Dadweynaha "Public Toilet” ama kuwa Masaajidda ee aan Qataarka leheeyn, waxaad kala kulmee dhibaato.
 
Markii aad Maqashid shanqarta Qof soo socdo, Bar go’ saxaro ayaa kugu dhacee, waa in aad Heesto, ama Qunfacdo, ama aad Lugtaada Albaabka ku riixdo, si loo ogaado in aad ku jirto. ( F.S: 2aad)
 
(Marka aad tahay Maamule Maaliyad Ummadeed oo Masaakiinta ka dhexeeso, oo Muluqdii aad u cantoobisay lagu ceebeeyo laguna Cadeeyo.
 
Waxaad u maleeyne in Dadka oo dhami ey ku ogyihiin. Maxaad sameeysaa markaas? Ma heestaa, ma Dad kalaad ku eedeeysaa, Mise Xaqaad Lugaha ku riixdaa?)
 
3. Gabar ayaa Nin Baadari Kaniisad ka ahaa ku tiri: Maanta Dambi ayaan galay, waxaana u baahanahay Cafis, Saaxiibkeey ayaan ku iri: Wacal ayaad tahay.
 
Baadarigii ayaa ku yiri: Muxuu kugu sameeyay, waxa ey tiri: Waa i dhunkaday. Baadarigii ayaa dhunkaday Gabadhii, oo ku tiri: ma sidaan ayuu ku yeelay, waa Mudanyahay in aad Wacal tiraa. waxa ey tiri: Haa, weliba Naaskuu iga taabatay. Baadarigii ayaa Naaska ka taabtay oo yiri: Haduu sidaan ku yeelay, caay waa mudan yahay Wacalku. waxa ey tiri: Kadibna, Dharkuu iga dhigay waana ii galmooday. Baadarigii ayaa Dharkii ka dhigay oo u galmooday, kuna yiri: Haduuba sidaan ku yeelay waa wacal. waxa ey ku tiri: intaa waxaa iiga daran Cudurkii uu qabay ee HIV- ADIS ayuu igu daartay. Baadarigii ayaa yiri: Adiguna Wacal ayaad tahay. ( F.S: 3aad)
 
(Maxaa Masuul dheexaa uu dhibane isku jilciyay, kadibna Cuqubadii dhibanuhu uu ka cabanayay ey isagiina ku dhacday. Mas’uuloow Gabar dhiban mansabkaaga ha uga faa’iideysan, waa iga Talo)
 
4. Sh. Axmadey oo Qurbaha ka yimid, muddo Sannad ahna Mogadishu ku sugnaa, ayaa Xaaskiisii Xawa Ladan, Dibadda uga timid oo Hotelkii la soo degtay. waxa uu uga digay khatarta Magaalada iyo in aan Habeenkii la bixi karin. isaguna uuna Habeen bixin, intii uu joogay.
 
Xawo, Gabdho Magaalada uga soo horeeyay ayaa dhowr Habeen casuumay, waxa eyna ogaatay in Habeenkii Magaalada la socon karo.
 
Ninkeedii ayeey ku tiri: Caawa waan bexeynaa, waxaana kugu casuumaa Baarka Xeebta Liido. Markii ey tageen ayaa waardiyihii Baarku ku yiri: War Axmedoow, Usbuucaan Laguma arag. Xaaskii ayaa Axmed ku tiri: xageed Axmadoow aad ku baratay Ninkan? waxa uu yiri: Hotelkeena ayuu waardiyeey jiray.
 
Gudaha Baarka, ayaa Gabadha badan ku salaameen Axmed. Xaawo ayaa tiri: Xageed ku baratay Gabdhahaan. waxa uu yiri: isku xaafad ayaan ahaa jirnay.
 
Markii ey soo bexeen ayaa Taxi-lihii ku yiri: War Axmadoow caawa ma indha yareeysay, mise Dooqaagii ayaa is bedelay. Habeen kasta waxaa kula socon jiray Gabdho yar yar oo Qurxan, Caawa Hooyadaa miyaad keentay.
 
Axmadey, Habeenkaa waxaa dhaawac looga dhayay Farmashiye u dhaw Hoteelka, Hoteelkii ma seexan, passporkiisii waa basbeelay. (F.S: 4aad)
 
( War Dumarka Dibada looga soo tagayo yaan la khayaanin, Isku dira iga maahin, ee waa Arrima Bulsho oo mar mar dhaco. Alla ha laga Cabsado, waa iga talo).
 
5. Xaliimo oo aheyd Haweney Maseyr Badan ayaa Seminar 3 Bilood ah waxaa u dirtay Wasaaradda Maaliyadda. Walaasheed ayeey ku tiri: inta aan maqanahay Maalin kasta fadhiiso Jardiinka ku beegan Iridda Gurigeeyga, Fiirina haddii wax Haween ahi ey galayaan Gurigeyga. Markii ey Seminarkii ka soo noqotay ayeey ku soo hor martay Guriga
Walaasheed si ey war bixin uga hesho.
 
waa la sheekeeysatay, waxa ey u sheegtay Walaasheed in Ninkeedu uu yahay Nin wanaagsan oo wax Naag ihi eyna u galan.
 
Iyada oo Faraxsan ayeey ka soo qubeysatay Guriga Walaasheed, Deg deg ayey dharkeeda u soo xiratay, waana soo baxday.
 
Gurigeedii ayeey Dib ugu soo Noqotay. Ninkeedii ayeey ku soo Booday iyada oo ku amaanee wanaagiisa una muujisay kalsooni. Dharkii ayeey iska bedeshay.
Ninkeedii oo is hilmaamay ayaa ku yiri: Kastuumadaan aad wadato, waa tii Walaashaa ey shalay wadatay.(F.S: 5aad).
 
(Xaliimo Maseeyrtooy maxey sameeysay Ha i weeydiin)
 
6. Gabar GuriCeel joogto ayaa Saaxiibkeed ku tiri: Haddii aan dartaa Sun u cabo, Adigu maxaad darteey u cabi leheed?. Waxa uu ku yir: Waxaan dartaa u cabi lahaa Koob shaah ah oo bigeeys ah.( F.S: 6aad).
 
( Gabdhaha Guri ceeloow, Fiiriya Gabdhihii Sunta hore u cabay ,Wiilashii ey Saaxiibada ahaayen waxa ey Cabayaan, Caashaq beena Cadaab ha ku badalan waa iga talo)
 
Qore: Yahya Amir


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip