Marti Soor Hal Maalin ah.=Faallo=

0
Thursday August 12, 2021 - 21:43:44 in Wararka by
  • Visits: 1073
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marti Soor Hal Maalin ah.=Faallo=

    ,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,

Adigoo Magaalada ka yimid. Haddii aad Baadiyo iigu soo Martiso oo Aqal yar oo Abuus ah deeyrkiisa iyo Waabta dhaxdooda aan Dhabal falkaa kuu dhigo. Cunto aan dibadda laga keenina aan kugu Marti Sooro.

 
1.Quraacda: Qare, Qanboob iyo Dhamcaso aan kaa dharjiyo ( F.S: 1aad)
 
2.Qadada: Cambuulo Masago aan Subag Sixnia kuugu goosaaro. ( F. S: 2aad)
 
3. Cashada: Soor iyo Caana dhaay ah aan Xeero kaaga soo buuxiyo, Fandhaal Afweynena aan kuu dhax dhigo.( F.S: 3aad)
Saddaxda wakhti Cunto Dhaxtaalkoodana aan kaaga dhigu:
 
4. Barqadii, Quraacda iyo Qadada dhaxdooda, hadaan Duurka ku Faalalno, oo aad ku dhanaansato. Gob, Jicib, Dhafaruug, Murcud, dhamaag iyo kobash. ( F.S: 4,5,6,7,8 & 9aad)
 
5. Qadada kadib Haddii Calooshu ku qasanto oo aan Duurka kuu wado, Qurac hoostiisna aad ku fududeeyso Calooshaada. Markaan Aqalka ku soo Noqonana aan Sabuul gallery iyo Gacato ku siiyo ( F.S: 10& 11aad)
 
6. Casiryana aan kaaga dhigo: Ganuun Caanaa oo aan kuu soo lisay iyo Fuq Malab Shinaya oo aan la majuujin oo Karoorka beerta ku dhaxyaal dhiniciisa aan ku dhaqaaleeyay. ( F.S: 12 & 13aad)
 
Maalintaa waan ku Casuumay ee Magaalada u noqo. Waxaad iga sugee in aan Neef Ariya kuu qalo. Xoogaa bakhiilnimaa ayaa igu jirto, Jiilaal xunaa waa la soo maray, ee Magaaladaadii u noqo ee Lugtii Dooro iyo Kafeydaadii ka doono, Haddii kale waxaan ku leeyahay Ciddu Cawaa meel fog oo Naq laga sheegay oo Balhala galeen ah oo Saddax Subaxleey ah ayeey u guuree.
 
Reer Magaaloow, Marti qaadkii halka Maalin maku deeqay. Mise Malaakuuskii Bacda ku jiray ee Badda lagu keenay ayaad Rabtaa?.
 



Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip