Daalibaan Oo Sheegatay Inay Qabsadeen Magaalo Ku Taalla Afganistaan

0
Thursday August 12, 2021 - 13:01:00 in Wararka by
  • Visits: 600
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daalibaan Oo Sheegatay Inay Qabsadeen Magaalo Ku Taalla Afganistaan

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Maleeshiyadda Dalibaan waxay sheegeen inay gudaha u galeen Caasimadda Gobalka Khasni ee K/bari Afganistan.

Afhayeenka Daalibaan, Qaari Yuusuf Axmed waxa uu maanta xaqiijiyey inay gudaha u galeen magaalladda Qasni oo 130KM dhanka K/Galbeed ka xigta Caasimadda dalkaasi ee Kabul.

     Qoral uu soo dhigay Bartiisa Twiteerka ayuu ku sheegay inay la wareegeen Guriga Guddoomiyaha Gobalka, Xarumaha Boliska, Xabsiga iyo goobo kale.

Dadka Deegaanka waxay sheegeen inay weli dagaallo ka socdaan gudaha magaalladaasi, gaar ahaan meel ku dhow Xarumaha Sirdoonka, iyadoo ay Ciiddanka Khaaska iyo kuwa Milliteriga ee Dowladda Afganistan doonayaan inay dib u riixaan Maleeshiyadda Daalibaan.

Dhinaca kale, Maleeshiyada Daalibaan waxaa la sheegay inay maaanta la wareegeen inta badan Caasimad-gobaleedka Uruzgan ee Tarinkot, iyagoo aan wax iska caabin ah la kulmin.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip