Garoonka diyaaradaha ugu wanaagsan sanadkan caalamka oo la shaaciyay

0
Monday August 09, 2021 - 21:46:41 in Wararka by
  • Visits: 869
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garoonka diyaaradaha ugu wanaagsan sanadkan caalamka oo la shaaciyay

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Xamad ee magaalada Doha, dalka Qadar ayaa sanadkan noqday garoonka ugu wanaagsan adduunka.

Markii ugu horraysay muddo toban sano ku dhow, ayaa gegida diyaaradaha ee Changi ee dalka Singapore waxa uu lumiyay kaalintii ugu sarreysay ee abaalmarinta Skytrax ay ku lahayd qiimeynta garoomada diyaaradaha adduunka.

Dowlada Qadar ayaa dadaal weyn ku bixisay sidii uu garoonka Xamad u noqon lahaa mid kamid ah garoomada caalamka ee dadka safarka ah ay ku heli karaan wax walba oo ay u baahan yihiin.

Sannadkan, garoonka diyaaradaha Changi wuxuu galay kaalinta saddexaad-oo ah guul garoomo kale oo kasta, laakiin laga yaabee inaysan ka soo jeedin kuwa waaweyn, kuwaas oo si joogto ah u ammaanaya fududeynta garoonka, raaxada iyo ikhtiyaarrada cuntada iyo cabbitaanka ugu sarreeya.

Garoomada diyaaradaha ee Yurub iyo Aasiya ayaa ugu badan liiska tobanka garoon ee ugu wanaagsan iyadoo dalka Japan loo codeeyay guud ahaan dalka ugu badan garoomada ee qiimeynta ku jira.

Abaalmarinta garoonka ugu wanaagsan caalamka ayaa waxaa u codeeya macaamiisha sida ay raali uga noqdeen adeegga garoonka iyadoo la sameeyay sahanka ugu dambeeyay ee lagu ogaanayay garoonka ugu wanaagsan intii u dhexeysay August 2020 illaa bisha July 2021.

Halkan hoose ka aqriso tobanka garoon ee ugu wanaagsan caalamka;

1. Hamad International Airport (HIA)

2. Tokyo Haneda Airport (HND)
3. Singapore Changi Airport (SIN)
4. Incheon International Airport (ICN)
5. Tokyo Narita Airport (NRT)
6. Munich Airport (MUC)
7. Zurich Airport (ZRH)
8. London Heathrow Airport (LHR)
9. Kansai International Airport (KIX)
10. Hong Kong International Airport (HKG)

garoonka diyaaradaha doha

garoonka diyaaradaha ugu wanaagsan sanadkan caalamka oo la shaaciyay

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip