Waa bilaabatay. (Iska keey dhici ama Dharka ii Dhaq). =Faallo=

0
Friday August 06, 2021 - 20:10:29 in Wararka by
  • Visits: 774
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa bilaabatay. (Iska keey dhici ama Dharka ii Dhaq). =Faallo=

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

waxaa bilaawday, in Dastuur, Sharci, Xal Caqli gal ah iyo Shareecadii islaamka meel la iska dhigo. waa: (Iska keey dhici ama Dharka ii Dhaq).

       Hor dhaca dulmiga ayaad ka arki kartaa, Xulidda Xooga ku dhisan ee Xubnaha Somali land, Bootada Beydhabo, Boobka Beesha 5aad iyo baraarug la aanta Madaxda Hirshabeele iyo Galmudug, Basarka iyo Beenta Juba land iyo punt land.
 
        Masuuliyadda waxaa leh Maamul gobaleedyada God ku ridayo Bidhaankii Nabadda, iyo Badroonigooda Buurta saaran. Dambiga ugu weyn waxaa leh, Musharixiinta Madaxweyne oo ka baqayo Runta, kuwaa oo "Darbi toobin ku haayo”. kuwaa oo Xaasaskoodii oo lagu hor kufsanayo leh, waxa lagu sameeynayo ayaan fiirsaneynaa. ma qaadacayaan Doorashada, dulmanahana uma hiilinayaan.
 
          Waxaan u Mahadcelinayaa Beesha Caalamka oo moowqofkeeda cadeeysay oo tiri: ( idin khiyaani meeyno,” Ninkii raayo ee Reerka u haro ayaan la jirnaa”. Xoog, Xoolo iyo Xeelad siduu doono ha ku yimaad.
         Ugaandha iyo Ruwanda Doorashoodiiba waan aqoonsanay, bacdmaa eyna jirin, Cid iska celisay).
 
       Waxaan u hambalyeynayaa isla Anniga oo cadeeystay Doorashadu Habka ey u socoto hadaan wax laga bedelin wixii ka soo baxo in aanan aqoonsandoonin, waxaana xaq u leeyahay in aan u dagaalamo Xuriyadeyda, tan Caruurteyda iyo guud ahaan Somalida la dulminayo, intii awoodeydu la ekaataba Gar iyo Gumac ayaan ku difaacayaa, warku ha cadaado .
 
         Ogoow: Mushrax ma ihi, mid ii sharaxanna ma jiro, Cadaalad daro ayaanan dooneyn. Culumada, dhaqaka, dhaliyarada, Haweenka, waayeelka, iyo shakhsi kasta isagaa laga rabaa in uu mowqifkiisa cadeeysto, Aqoonyahanoow Adiguna Darbi ha ku gamban ee Mowqifkaaga Cadeeyso. Ogoow Xuriyadda Sadaqo la iskuma siiyo. tan aad maanta heysatana Baryo kuma imaan. Dalka iyo Dadka ha la badbaadiyo.
 


Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip