Nasashada Jimcaha.Q-264=Deeqaha Beesha Caalamku ku siinayaan, Ha u maleeyn in aad Riyo ku heshay. Berri…=
...
1-Xeelad cusub oo Bangiyada lagu dhaco. Naag Qaawan oo Pistolad wadato ayaa Bank dhacday, Ragii Bangiga Joogay ayaa la weeydiiyay Qof wajigeedii xasuusto. waana laga waayay. laakin meel kale ayeey wada tilmaameen. inteey fiirinayeen?. ( F.S: 1aad)
(Mogadishana, 50 Qof oo Makhaayad wax ka cunayay ayaa Nin lagu Hor dilay. Poliskii ayaa weeydiiyay, Dadkii Qofka wax dilay Wajigiisu siduu u yiil, Qof xasuusato ayaa laga waayay,)
2. Haweeneey ayaa Ninkeeda Qoorta ka soo qabatay kuna tiri: Bakhiilyohoow Fiiri: Ninkaa deriskaana ah Xaaskiisa, Lula Ladan waxa uu siinayaa 50 Dollar. waxaa uu ku yiri: Wax weeyn ma ahan Aniguba Xaaskiisa Lula Ladan, Habeen hore waxaan siiyay 100 Dollar. ( F.S: 2aad)
(Nabadoon ayaa Musharixii Beeshiisa ku yiri: Bal fiiri Ninka kula tartamayo Ergadiisa wuxuu siinayaa $ 500.Musharixii ayaa ku yiri: Anigu Ergadeeyda waan isku hubaa, kan ila tartamayo Ergadiisana waxaan siiyay $1000, si ey uga soo tagaan. Ar kuwaagana ma isku hubtaa? amaa iyagana !!! )
3- Gabar ayaa Hooyadeed oo xanuunsan dhakhtarka u waday Baaritaan kadib ayaa Dhakhtarkii ku yiri: Waxaan kaa helay Cudurka Kansarka oo kuugu fiday si dhakhsi ah, wakhti dhaw ayaadna u dhimanee. iyada oo murugeeysan ayey Xaafadii ku soo laabatay, Deriskii oo booqasho ugu yimid ayaa weydiiyay Jawaabtii Dhakhtarka. Waxa eyna ku tiri: waxaa la iga helay HIV-ADIS.
Markii ey Deriskii ka tageen, ayaa Gabadhii ku tiri: Hooyo waxa lagaa helay "Cancer” ee Maxaad u tiri: HIV. waxa ey ku tiri: Waxaan Fariin u diray Garoobada Xaafadda, Ma rabo in Aabahaa uu guursado geerideyda kadib.
(Siyaasi ayaa yiri: Haddii Xaalku xumaado Xamar waan ka cararaa, intaan Xabddu Bilaaban, Dadkana waxaan u sheegay in Magaaldu Burburee, si aan Gadaasheeyda……..)
4.Digniin. Beryahaan Suuqa waxaa ku soo batay Sunta Dooliga oo la been Abuuray. Fadlan iska hubi inta aadan iibsan, oo iska dhadhami, Tan Saxda ah waxaa lagu ogaan karaa waxaa ka soo dhadhamiyo Cusbo. ( F.S: 3aad)
(kuwa Suuqa Cirtoogte ee Xamar, Rasaasta ku iibiyo, waxay ku leeyihiin, Rasaastani in eyna dheemish aheyn, ku tijaabi Suulkaaga…… iska jirhee)
5. Arday ayaa yiri: Waxaan ku riyooday Aniga oo Dhulka ka soo qaaday $ 1500. Markii aan Hurdada ka soo toosay ayaan arkay $1500 oo Barkinteyda dhinac taal. Waa Markii iigu horeysay ee Riyadeydu Rumoowdo.
Waxaan casuumay Saaxiibadey oo dhan, waxaan tagnay Makhaayad qaali ah. Dhar Qurxan ayaan soo iibsaday. Saaxiibteeyna hadiyad ayaa u geeyay markii iigu horeysay.
Subaxdii kale markii aan Hurdada ka soo toosay ayaa Aabe igu yiri: Shalay shaqo ayaan u dheelmaday, Mana rabin in aan Hurdada kaa kiciyo, Lacagtii Fiiga Jaamacadda waxaan kuu dhigay Barkinta dhinacyada. ( F.S: 4aad)
(Deeqaha Beesha Caalamku ku siinayaan, Ha u maleeyn in aad Riyo ku heshay. Berri ayaad ogaa doontaa Xaqiiqda).
6. Cabdi ilka Case ayaa yiri: Awoowgeey waxa uu ahaa Nin Geesi ah oo Gaalkacyo aad looga yaqiin. Waxa uu Dadkii u sheegay in Dayaaradu ey dhici doonto, Hadalkiisiina lama tix galin. Kor ayuu mar kale ugu qeyliyay isaga leh, war Muslimoow, Meesha ha ku dhimanina ee aan ka baxno, Awoowe oo ahaa Nin aad u Qalbi wanaagsan, kor ayuu u sii qeyliyay isaga oo leh war Dayaaradu waa dhici rabtaa, qeyladii ayuu sii waday ilaa Awoowe Shaleemadii Banaanka looga saaray. ( F.S: 5aad)
( Waxay aheyd Markii ugu horeysay ee uu Shaleemo galay )
Qore: Yahya Amir
Nasashada Jimcaha.Q-264=Deeqaha Beesha Caalamku ku siinayaan, Ha u maleeyn in aad Riyo ku heshay. Berri…=
...