Liiska ay soo saarayaan Guudlaawe iyo Qoor Qoor iyo rajada FARMAAJO + Video

0
Tuesday August 03, 2021 - 16:29:47 in Wararka by
  • Visits: 809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liiska ay soo saarayaan Guudlaawe iyo Qoor Qoor iyo rajada FARMAAJO + Video

    .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.....

Billowga doorashada Aqalka Sare, iyo tallaabooyinka ay qaadeen Axmed Madoobe iyo Cabdicasiis Lafta-gareen, waxay sidoo kale daah-fureen loolanka musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, xitaa kahor inta aan la gaarin doorashada madaxweyne.

Labada liis ee kasoo kala baxay Axmed Madoobe iyo Lafta-gareen waxay muujiyeen halka uu Farmaajo ka filayo inay ugu soo baxaan xildhibaanada uu isku haleynayo doorahadii madaxweyne.

Afartii Senator ee Khamiistii lagu doortay Kismaayo waxay noqdeen kuwa ka baxsan xeendaabka Farmaajo, kadib markii xubnihii taageersnaa la reebay, waxaana taa beddelkeed soo xubno ka tirsan xisbiga Xasan Sheekh ee UPD ama taageersan.

Dhanka kalena, madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen waxa uu liiskii uu soo saaray ka reebay xildhibaanada mucaaradka ku ah Farmaajo, isaga oo ku beddelay musharaxiin la filayo inay taageeraan Farmaajo.

Tallaaoobyinka ay qaadeen Axmed Madoobe iyo Lafta-gareen la-yaab ma leh, oo waa kuwa ay filayeen xog-ogaalka siyaasadda Soomaaliya.

     Si kastaba, siyaasadaha aan la saadaalin karin ee madaxweynayaasha Gamudug iyo HirShabelle, Axmed Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe, iyo liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee ay soo gudbin doonaan, ayaa wax badan nooga sheegi doona heerka ay gaarsiisan tahay daacad u ahaanshahooda Farmaajo.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Qoor Qoor iyo Guudlaawe ay cadaadis xooggan kala kulmayaan Villa Somalia, si liiska musharaxiinta looga reebo Senatorada mucaaradka ah, looguna beddelo musharaxiin ay raali ka tahay madaxtooyada.

Hase yeeshee, ma ahan arrin sahlan in liiska musharaxnimo laga reebo xubnaha ay cabashada ka qabto Villa Somalia, sababtoo ah, badankood waa jilbo-weynta siyaasadda Soomaaliya iyo qabiillada ay kasoo jeedaan.

Senatorada laga soo doorto Galmudug ee la sugayo inuu go’aanka ka gaaro Qoor Qoor waxaa ka mid ah, guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare Abshir Bukhaari, iyo Senatorada kala ah; Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer, Yuusuf Geelle Ugaas, Jawaahir Axmed Cilmi iyo xubno kale.

Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa isna laga dhowrayaa haddii uu liiska ka saari doono iyo haddii kale, xubno ay ka mid yihiin Xaaji Muuse Suudi Yalaxow, Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle, Prof. Maxamed Cusmaan Faarax, iyo Maxamed Xuseen Raage.

Haddii Qoor Qoor iyo Guudlaawe ay liiska musharaxnimo ka reebaan Senatorada mucaaradsan Farmaajo ama badankood, waxay caddeyn doonta halka ay daacadnimadoodu jirto, waxayna xoojin doontaa rajada dib u doorasho ee madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday.

Haddiise ay labadan madaxweyne goboleed soo celiyaan Senatorada aan soo xusnay badankood, waxay tusmeyn doontaa inay dhammaatay daacadnimadoodii Farmaajo, ayna ka go’an tahay inay dhexdhexaad ka noqdaan doorashada.

Inkasta oo xildhibaanada Aqalka Sare ee lagu soo dooranayo Galmudug iyo HirShabelle ay marka la isku geeyo yihiin 16, oo aysan wax badan ka tarin doorashada madaxweynaha, haddana go’aanada Qoor Qoor iyo Guudlaawe waxay sii ifin karaan sida ay u maamuli doonaan doorashada xildhibaanada golaha shacabka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa gacanta ku haya, oo la filayaa in inta badan ay taageerayaashiisa noqdaan xubnaha Aqalka Sare ee kasoo baxay Koonfur Galbeed iyo Somaliland.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta-gareen, oo Sabtidii soo saaray liiska shan ka mid ah musharaxiinta Aqalka Sare, ayaa billaabay fulinta qorshaha doorashada ee madaxweyne Farmaajo.

Lafta-gareen, oo awood u leh soo gudbinta liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Koonfur Galbeed, ayaa liiska ka reebay laba ka mid ah Senatorada ugu caansan Aqalka Sare, oo kala ah; Ilyaas Cali Xasan iyo Xuseen Sheekh Maxamuud.

Ilyaas Cali Xasan, ayaa waxa uu ka tirsan yahay xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed, waana xoghayaha arrimaha dibedda ee xisbigaas, halka Xuseen Sheekh Maxamuud uu xubin sare ah xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland oo ka dhaceysa Muqdisho, ayaanay jirin cid Farmaajo iyo Mahdi Guuleed ka hor-istaagi doonta inay soo saartaan xubnaha ay doonaan.

Sidaas darteed, xubno kasta oo intaas dheeri ku ah oo uu Farmaajo ka helo Galmudug iyo HirShabelle, waxay sii xoojin doonaan rajadiisa dib u doorasho.

Warbixintan oo muuqaal ah halkan ka daawo



Liiska ay soo saarayaan Guudlaawe iyo Qoor Qoor iyo rajada FARMAAJO + Video

Xigasho:-caasimadda.net


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip