Filim la magac baxay "Ka Baxsashadii Muqdisho"oo laga daawaday Kooriyada Koofureed

0
Monday August 02, 2021 - 10:25:59 in Wararka by
  • Visits: 809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Filim la magac baxay "Ka Baxsashadii Muqdisho"oo laga daawaday Kooriyada Koofureed

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Filimka dagaalka ah ee ‘Mogadishu’ wuxuu maalmihii la soo dhaafay noqday midkii loogu daawashada badnaa ee Kuuriyada Koonfureed.

Filimka oo magaciisa la dhaho "Escape from Mogadishu” ayaa la baahiyay dhammadkii isbuucii la soo dhaafay – wuxuu noqday mid shaneemooyiinka si wayn looga daawaday, sida lagu qoray wakaaladda wararka ee Kuuriyada Koonfureed, Yonhab.

Saacadihii ugu horreeyay ee filimka la baahiyay waxaa daawatay 561,000 oo qof – intii u dhexeysay Jimcihii illaa Axaddii. Illaa Arbacadiina waxaa daawatay ku dhowaad hal milyan oo qof, sida laga soo xigtay Golaha Aflaanta ee Kuuriya.

Filimka oo ay ka muuqdaan labo jilaa oo caan ka ah dalkaas, Kim Yun-seok iyo Zo In-sung, wuxuu ku saabsan yahay "sheeko dhab ah oo qabsatay diblumaasiyiin u dhashay dalalka Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfur ee ku sugnaa Muqdisho markii uu dagaalkii sokeeye bilowday, 1991”.

Sanadihii 1980-meeyadii, dalalka Afrika waxaa si wayn ugu hardamayay Labada Kuuriya oo colaad ba’an ay ka dhexeysay. Afrika waxay Qaramada Midoobeey ku lahayd illaa 50 cod – xilli caalamka uu u kala qeybsanaa Shuuciyad iyo Hanti-wadaag.

Sannadkii 1990-kii, labadan dal waxay ku dagaallamayeen sidii ay u heli lahaayeen xubinnimada Qaramada Midoobey. Soomaaliya waxay ka mid ahayd dalalkii awoodda lahaa ee codkooda laga raadinayay Golaha Loo dhanyahay ee UN.


Sida filimka lagu sameeyay, Safiirkii Kuuriyada Koonfureed ee Soomaaliya ku sugnaa Han Shin-sung (oo uu matalayo Kim Yun-seok), wuxuu ku sii socday kulan uu la lahaa madaxweynihii Soomaaliya.

Wuxuu xilli sii horreeyay abaalmarin ku helay sida uu dalkiisa uga caawiyay in ay hesho codadkii ay uga mid noqdeen Qaramada Midoobeey.

Balse, intii uu ku sii socday madaxtooyada wuxuu la kulmay burcad oo dhac u geysatay. Kulankii madaxweynaha sidaa ayuu ku baaqday maadaama uu ka soo dib dhacay ballantii loo qabtay.

Xilligaas, wuxuu arkay Safiirkii Kuuriyada Waqooyi Lim Yong-su (oo uu metelayo Huh Joon-ho), oo la sheekeysanayay madaxweynaha.

Kuuriyada Waqooyi oo xiriir dhow oo wanaagsan la lahayd dalalka Afrika, waxay markasta ka horeysay Koonfurta Kuuriya oo xifaaltan adag uu kala dhexeeyo – dhinac siyaasadda iyo sirdoonka.

Xilligaas oo mustaqbalka dowladda Soomaaliya uusan kala caddeyn, haddana waxaa sii xoogeysanayay loolankii labada Kuuriya u dhexeeyay, sida Filimka lagu jilay.

Waxaa filinka ka muuqdo in inta badan magaalada ay maleeshiyaadkii mucaaradka ka dagaalamayeen iyo isgaarsiinta dhan oo la jaray.

Markii uu dagaalka xoogeystay, Safiirkii Kuuriyada Waqooyi waxaa weeraray dad ka careysnaa dowladda Soomaaliya. Ka dib wuxuu megengelyo waydiistay Safaaraddii Kuuriyada Koonfureed oo ay boolis hubeysan ilaalinayeen.

Sida uu ku talinayo Jaajuuskii Kuuriyada Koonfureed, Kang Dae-jin (oo filimka uu ku matalkayo Jo In-sung), waxaa Shaqaalihii Kuuriyada Waqooyi loo sheegay in ay dalkooda ka soo goostaan, waxaan iyadoo la iska ilaalinayo loo ogolaaday in ay ku sugnaadaan Safaarradii xukuummadda Seoul ee Muqdisho.

Balse wada shaqeyn la’aantoodii iyo kala shakigii wuxuu dhaliyay in ay murmaan, ka dibna si lama filaan ah ayuu dagaal uga dhex bilowday labada dhinac.

Taas waxay dhalisay in ciidankii ilaaliyay safaaradda ay isaga tagaan halkaas, waxayna beylah u noqdeen malleeshiyaadkii hubeysnaa – Waa sida filimka lagu jilay ee la sheegay in sheeko dhab ah ay tahay.

Wixii markaas ka dambeeyay, labada dhinacba way illaaween wixii ay kala aaminsanaayeen, waxayna yeesheen hal ujeedo – "naftaada la baxso”. Waxay ku carareen safaaraddii Taliyaaniga, si ay u sii raacaan diyaarad samato bixin sameyneysay.

Arrinta dagaalka iyo cabsida ah waxay ka billaabatay halkaas – Afar gaari oo ah nooca xabadda aysan karin oo ay la soo raaceen boorsooyiin iyo buugaag, ayay la soo dhex mareen jidadkii Muqdisho oo dagaallo iyo rabshado ay ka taagnaayeen – rasaas ayaa dhinac kasta u duuleysa.

Hubka culus ee dhacayay, gawaarida gubtay iyo taayerada dabka la qabadsiiyay ee jidadka yaallay ayaa abuuray xaalad cabsi iyo argax ah – Iyadoo dadkii labada Kuuriya ee halkaas ku sugnaa ay u dhexeeyeen nolol iyo geeri.

Filimka oo ah 121 daqiiqo, waxaa soo saaray nin lagu magacaabo Ryoo Seung-wan, waana mid leh xaalado kacsanaan iyo cabsi iyo argagaxa ah.

Sheekada waxaa mid dhab ah u ekeysiiyay qaabka jilliinka labada aktar ee caanka ka ah Kuuriyada Koonfureed Kim Yun-seok iyo Huh Joon-ho.


Xigasho:-BBC Somali

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip