HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 1-AUGST 2021

0
Sunday August 01, 2021 - 08:57:13 in Wararka by
  • Visits: 514
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 1-AUGST 2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Farmaajo Oo Shalay Tababar U Soo Xiray Saraakiil Iyo Saraakiil Xigeeno

     Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamm aaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay munaasabad tababar loogu soo xir ayey Dufcaddii 3-aad ee Layli Saraakiil iyo Duf caddii 4-aad ee Layli Saraakiil Xigeen ee ka tir san Ciidanka Xoogga Dalka oo ka qalin-jebiyey Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TurkSom ay aa abaal-marinno guddoonsiiyey Saraakiisha iyo Saraakiil Xigee nnada galay kaalmaha hore.

     Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Saraakii sha iyo Saraakiil Xigeennada Shalay qalinjabiy ey looga baahan yahay in ay hormuud u noqda an qorshaha Qaran ee dhismaha Ciidammada Qalabka Sida, safka horena ka galaan la-daga alanka Al-shabaab.

    "Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka, qal abayntooda iyo tayeyntooda, si dib loogu soo celiyo cududda iyo tayada ay ku tilmaaman yih iin Cidiimmada Qalabka Sida ee Somaliyeed.”

Farmaajo ayaa xusay in dowladdu ay ku guuley satay barnaamijka tababarka iyo tayeynta Cii damada Xoogga Dalka, iyada oo dugsiyada tab abarka ee gudaha dalka lagu leylinayo Saraak iil iyo Saraakiil Xigeenno hanan kara tayeynta iyo hoggaaminta Ciidanka.

      Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Do wladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nah ay ee Turkiga dadaalka ay ku bixiyeen in sara akiishan lagu carbiyo dalka gudihiisa, waxa uu na xusay in xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soo maaliya uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi mug weyn.

      Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Md. Mehmet Yilmaz, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud, Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Cabdifataax Qa asim Maxamuud, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabbaas Amiin Cali, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sar reeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

RW Rooble Oo Kusoo Laabtay Muqdi sho Baaqna U Diray Maamul Gobole edyada

      Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsi inta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu ho ggaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiriiska ayaa Shalay dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdi sho.

       Ra’iisul Wasaare Rooble oo la hadlay war baahinta ayaa ka warbixiyay socdaalkii uu ku te gay London, isagoona sheegay in dalka Ingiriis ka uu uga qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee sara u qaadista tayada Waxbarashada Carruur ta.Waxaa uu sheegay Rooble in Shirkii Wax ba rashada ay ku casuumeen Ururka GPE oo DFS ka taageera Waxbarashada, isla markaana inta uu socday Shirka ay qeyb weyn ka qaateen, uun kusoo dhammaaday guul.Sidoo kale Ra’I isul Wasaare Rooble ayaa sheegay in kulamo uu la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson iyo Xoghayaha Arimaha Dibadda ee dalka Dominic Raab, iyagoona ka wada hadlay doorashooyinka dalka, amniga iyo tababarada Ciidamada.

      Dhinaca kale Rooble ayaa Madaxda dowl ad-goboleedyada dalka ku boorriyay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan qabashada doorashooyinka labada aqal Baarlamaanka Fe deraalka Soomaaliya, xili Jubbaland ay bilow day doorashada Aqaka Sare.

Madaxweyne Lafta-Gareen Oo Soo Saaray Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare

     Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koon fur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Max amed Lafta-gareen ayaa soo saaray Liiska Mu sharaxiinta u tartameysa Kuraasta Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka.

     Musharaxiinta Shan kursi oo ka mid ah side eda kursi ee Aqalka Sare ee laga soo doorto Koofur Galbeed ayuu Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen u gudbiyay Guddiga hirgelinta doorashooyinka Maamulkaas.

Musharaxiinta lasoo gudbiyay ayaa gaaraya 10 Musharax oo af ar ka mid ah ay Haween yihiin, is la markaana ku tartami doona Kuraasta Aqalka Sare, waxaana ku jiray Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha Aad an Cabdinaasir.

    Guddiga hirgelinta doorashooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Dorraad Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ka dalbaday inuu soo gudbiyo Liiska Musharaxiin ta, si loo qabto doorashada Aqalka Sare.

Hoos ka Akhriso Magacyada Musharaxiinta lasoo gudbiyay Puntland Oo Ka Hadashay Khasaaraha Dab Ka Kacay Xarun Warshad Oo Ku Taal Garoowe                                                            Duqa M/Garoowe ee Puntland Axmed Saciid Muuse ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay Dabkii Shalay ka kacay Xarunta Warshada Isb uunyada ee Tabaarak ay ku leedahay Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Axmed Saciid oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in dab xoogan oo socda sa acado dhowr ah uu ka kacay Warshada Isbuun yada, isla markaana ay socdaan gurmayo kala duwan oo lagu deminayo dabkaas.

    Wuxuu sheegay Duqa Magaalada Garoowe in dabka uu geystay khasaaro hantiyadeed oo farabadan, isagoona xusay in dabka ay ku gu bteen saddex gaari oo yaallay Xarunta Warsha da iyo qalab soo saarayay Isbuunyada.

    Sidoo kale Axmed Saciid Muuse ayaa Car abka ku dhuftay in dabka kacay uu weli yahay mid xoogan oo uu socdo, isla markaana laga cabsi qabo inuu kusii faafo qolal kale oo ay ku jiraan qalab laga sameeyo Kiimo, kuwaasi oo ku jira Xarunta.

    Duqa Magaalada ayaa tilmaamay inay soc daan Gurmadyo kala duwan oo lagu deminayo dabkaas oo ka kacay Warshadda Isbuunyada ee Tabaarak , ayna demintiisa ku howllan yihiin gaadiidka dab-demiska dowladda hoose iyo dadweyne farabadan.

    Ugu dambeyn Axmed Saciid ayaa sheegay in dabka uusan geysan khasaaro nafeed, haye eshee uu jiro oo kale mid hantiyadeed oo farab adan, wuxuuna xusay in dabka uu ka dhashay qalabka Warshada.

Musharax Daahir Geelle oo tacsi u diray Sha cabka Jubbaland iyo Kooxda JCCI

      Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa war kasoo saaray Qaraxii Dorraad Shalay lala beegsaday kooxda JCCI ee M/Kisma ayo xilli ay kusii jeeday garoon ay ka socotay Ciyaar ka mid ah horyaalka Jub bal and. Md. Daahir Maxamuud Geelle ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoy saska, qaraabada iyo dhamma an shacabka Jubbaland, gaar ahaan bahda ciy aaraha geerida dhallinyaradii ciyaarto oyda ah ayd ee ku shahiiday qaraxa.

Warqoraal ah oo uu soo saaray ayaa siddaan u qornaa:

    Waxaan cambaaraynayaa qaraxa argagaxa leh ee magaalada Kismaayo Shalay lagula bee gsaday ciyaartooyda kooxda JCC1.

Alle ha u naxariisto dhallinyarada shuhaddada ah ee qaraxaas ku baxday, kuwa dhaawaca ah na Alle ha siiyo caa fimaad degdeg ah. Waxa an u tacs iyaynayaa ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna maamulka iyo shacab ka Jubbaland,    bahweynta isboorti ga Soomaaliyeed, iyo  qoys aska ay sida gaar ka ah uga baxeen.

      Dhacdadi Shalay waxay muujinaysaa heer ka cadaawadda iyo nacaybka aan kala sooca lahayn oo ay kooxaha argagaxisada ah u qaba an ummadda Soomaaliyeed, waana in ay nagu dhaliso in aan gaashaan midaysan kala hortag no cadawgaas ma naxaha ah.

Wasaaradda Caafimaadka oo Bulshada fartay in ay ka qeyb qaataan ka hor taga faafitaanka COVID19

      Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay aa ugu baaqday Bulshada in ay ka taxaddar aan faafitaanka Corona Virus oo mar kale laga cabsi qabo wareegiisii saddexaad in uu ka bil owdo Somaliya.Qoraal ay Wasaaraddu ku daa bacday bog geeda Facebook-ga ayaa lagu yiri:-

"Ka hortaga Caabuqa Covid-19 waa masuuliy ada nawada saaran, fadaln ka ilaali naftaada, qoyskaaga iyo Bulshadaada Caabuqa Covid-19. Si aan uga hortagno faafidda Caabuqa Co vid-19, dhamaanteen aa dhaqan galino talooyin ka caafimaad ee ka hortaga Caabuqa Covid-19, sida ku cad jaantuska hoose.”

      Kiisaska cudurka Karoonaha ee gobolka Ba naadir ayaa sare u kacay todobaadyadii las oo dhaafay iyadoona qeybo badan oo ka mid ah dunida wajigii Saddexaad ee cudurka Kar

oonaha si weyn looga dareemaayo.

Guddiga doorashooyinka KGS oo AMISOM Kala hadlay sugida Amniga goobaha doorashada

    Guddiga Hirgellinta Doorashada Heer Do wlad Goboleedka K/Galbeed Soomaaliya ayaa Shir looga Hadlaayey Sugidda Amaanka Goob aha Doorashooyinka la qaatey Saraakiishada Ciidamada Loo xilsaarey Amniga Doorashooyin ka Sida Booliiska, AMISOM iyo UNSOM.

Waxana ay iska Xogwareysteen Sida Ugu wanaagsan ee Loo Sugi lahaa Amniga Sedaxda Goob ee Doorashada Aqalka Sare ugu horeysa lagu qaban Doono Gudaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Dhanka kale Guddiga Hirgellinta Doorashada heer D/G/Koonfur Galbeed Soomaaliya & Xub naha Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Qab ashada Doorashada Aqalka Sare ayaa Shir ku yeeshey Magaalada Baydhabo.

Waxana Shirka Shir Gudoomiyey G/G/Hirgelin ta Doorashooyinka KGS Md.Yusuf Abdulkadir Mohamed Waxana Looga Hadley Dardar Gelin ta Howlaha Shaqo ee 2da Gudi & Xoojinta Wa dasheynta Guddiyada .

"Waxaan Al-Shabaab ugu biiray si Dhagaxii dahabka ahaa ee laga helay Ceel-Cali aan wax ugu yeesho”

     Maxamed Nuur Barre oo loo yaqaan Dhicis ow oo dhawaan isku soo dhiibay ciidamada DFS ee ku sugan M/Guriceel ee Maamulka Gal mudug ayaa ka sheekeeyey qaabkii uu ugu bii ray Al-Shabaab iyo sidii uu markii dambe uga soo baxsaday.

     Dhicisow oo ah Oday lugaha naafo ka ah is la markaasna Al-Shabaab dhexdeeda looga ya qaanay Maxamed Ceeli-Cali ayaa sheegay in uu Al-Shabaab ugu biiray sidii wax uga heli lah aa dhaqaalaha dhagax ay Al-Shabaab ka qaadeen deegaankiisa Ceel-Cali ee G/Hiiraan.

     Dhagaxa ay Al-Shabaab ka qaadeen gan acsadaha oo sheekadiisa ay qabsatay Soomaa liya oo dhan ayaa waxaa markii dambe kasoo iibsaday ganacsade kaasoo markii uu isku day ey inuu xamar ka dhoofiyo ay kala wareegtay    Hey’adda Nabadsugida Qaranka ee NISA, wu xuuna ahaa Dhagax uu ku dhex jiro  Dahab iyo Dheeman. Dhicisow oo wareysi siiyey Telefis hinka Qar anka ayaa sheegay in Al-Shabaab markii ay dhagaxa qaateen ay dadka deegaan ka u sheeg eyn inay leeyihiin dhaqaalaha laga helo afar me elmood meel (Rubac) taasiina ay sababtay inuu ku biiro Al-Shabaab si uu u ma amulo dhaqaala ha Al-Shabaab u ballan qaad ay dadka deega anka.

     "Waxaan is iri haddii aad wax ka heleyso maa Shabaab iska noqotid, Nin curyaan lugaha ka ah oo qallal qaba ayaan ahaa,” ayuu yiri Dhicisow Wuxuu sheegay markii uu Al-Shaba ab ku biiray in laga qaaday Ceel-Cali isla marka asna la geeyey meel lagu magacaabo Marjis halkaas oo uu ku sugnaa muddo lix bilood ah sida uu hadalka u dhigay

     "Markaan ku biiray Al-Shabaab durba waxaa la iga qaaday Ceel-Cali, lix bilood waxaan jog ay Marjis oo ka tirsan degmada Aadan Yabaal, kadib waxaa la ii qaaday deegaan kale oo ku dhow Ceelbuur,” ayuu mar kale yiri Dhicisow.

    Dhicisow ayaa sheegay inuu Al-Shabaab la joogay muddo 9 Bilood ah, wuxuuna xaqiijiey in kaliya mushaar la siiyey 3 Bilood. Wuxuu intaas ku daray in 9-lka bilood ee uu Al-Shabaab ka ti rsnaa uu ku sugnaa G/Galgaduud iyo Sh/Dhe xe, isagoo sheegay inuu ka mid noqday ciida mada Al-Shabaab bishii April ee sanadkaan.

     Dhicisow oo ka sheekeenayey nolosha adag oo uu kula noolaa Al-Shabaab ayaa sheegay in aan loo ogoleyn inuu isticmaalo Moobeel, balse loo keeni jiray kaliya marka mushaarka loogu shubo si uu ehelkiisa ugu dirsado.

      "Nalooma oggoleyn inaan isticmaalno Mo obeelka, kaliya waxaa naloo keeni jiray bishii halmar, waana marka lacagta mushaarka nalo ogu shubo, Fasax waa la ii diiday, waxan raad iyey qaab aan ku baxsado, ugu dambeyna way ii suurta gashay,” ayuu yiri Dhicisow.

     Markii uu Dhicisow isi soo dhiibayey ayaa waxaa la socday Mowliid Cumar faarax  (Cirro), waxayna labadaba codsadeyn in la cafiyo.

    Sidoo kale 2daan nin ee Al-Shabaab kasoo goostay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay la dagaallamaan Al-Shabaab isla markaasna ay qeyb ka noqdaan qorshaha Al-looga saara yo Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

2daan xubnood ee ka soo goostay kooxda Al-Shabaab ayaa xusey in kadib markii ay arkeen dhibaatada iyo xasuuqa kooxdaasi ku heyso Shacabka Somaliyeed ay go’aansadeen in ay isaga soo baxaan. Xigasho:caasimadda.net

Wasiir Caadle oo shaaciyey in Xawaadle iyo Abgaal ay ku dulmanyihiin HirShabelle

     Wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle, Max amed Cali Caadle oo wareysi siiyey Radio Mus taqbal ayaa ka hadlay xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan caqabadaha ka dhashay dhismaha HirShabelle oo ugu dambeysay maamullada ka jira dalka. Md.Caadle ayaa shaaca ka qaaday in HirShabelle lagu dhisay deg-deg, isla-marka ana ay ku dulman yihiin beelaha Xawaadle iyo Abgaal, isaga oo tilmaamay inay ka yihiin ‘May norati’. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa xus ay in 99-ka xildhibaan ee dowlaqd goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle ay 2daan be elo od ku leeyihiin kaliya 29 xildhibaan, taasna ay muujineyso inaysan waxba ka aheyn, sida uu hadalka u dhigay "HirShabelle beelaha Xawaa dle iyo Abgaal way ku dulman yihiin oo iyaga ayaaba maynorati ka ah maamulka sababto ah 99 xildhi baan oo HirShabelle ay ka kooban ta hay 2da beel xildhibaanada ay ku leeyihiin mar ka la isku geeyo waa 29 xildhibaan in ta kalana waa beelaha kale marka 29 laga jaro tiradaas waxay mujineysa ineysan waxba ka aheyn Hir Shabelle Abgaal iyo Xawaadle,” ayuu yiri wasi iri Caadle.

    Wasiirka ayaa intaasi ku daray in sinnaan la’ aanta kuraasta ay markii hire keentay tabasho ka timid bilowgii dhimsha maamulka, isla-mark aana beelaha qaar la siiyey tiro dheeraad ah, halka beelaha Xawaadle iyo Abgaal aysan iya gu waxba ku kordhin.

    Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in tani ay ka mid tahay caqabadaha hor-gudban HirShabelle, loona baahan yahay in xal laga ga aro, si loo horumariyo maamulkaasi.

    "HirShabelle waxa jira beelo 6 kursi kulahaa bilowgii oo Shalay leh 12 kursi iyo kuwa leh 3 kursi oo Shalay leh 6 kursi, iyada oo Xawaadle iyo Abgaalna weli kurastodii aysan waxba ku ko rdhin, taasina waxay ka mid tahay caqabadaha jiro oo hortaagan Hirshabelle” ayuu raaciyey.

    Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haa tan caqabadda ugu xoogan ee maamulka Hir Shabelle ay ka taagan tahay M/Beledweyne, taas oo ka dhalatay doorashadii kol hore ka dhacday M/Jowhar oo ay cabasho xoogan ka keeneen reer Hiiraan.

Senataro caan ah oo ku soo bixi waayay liis ka musharaxiinta Aqalka Sare

       Senatar Xuseen Sheekh Maxamuud oo ahaa Xoghayaha Xisbiga UPD iyo Senetar Ily aas Cali Xasan oo ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda Xisbiga Himilo ayaa laga saaray Liiska tartamayaasha Musharaxiinta Aqalka Sare.

     Kuraasta shanta ah ee Aqalka Sare ee uu soo gudbiyay Madaxweynaha K/Galbeed C/cas iis Lafta Gareen ayaa ahaa kuwo aad ugu dhow oo uu wato, iyadoo uu meesha ka saaray 4 sanatar oo ka mid ahaa Aqalka Sare ee Baa rlamaanka 10aad.

Senatar Xuseen Sheekh Maxamuud oo ahaa Xoghayaha Xisbiga UPD ayaa waxaa kursiga uu ku fadhiyay haatan loo as teeyay inay ku tartamaan Aadan Cabdinaasir Maxa med oo ah Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha DFS iyo Maxamed Xasan Aadan.

     Sidoo kale Senetar Ilyaas Cali Xasan Xog hayaha Arrimaha Dibadda Xisbiga Himilo ayaa kursiga uu ku fadhiyay waxaa ku tartamayay labo haween ah. Go’aanka uu ku gaaray Madaxweynaha K/G/Md. Laftagareen inuu ka reebo 2dan senatar tartanka doorashada Aqal ka Sare ayaa muujinaysa awooda ay u leeyihin madaxweynayaasha DFS soo xulista liiska mu sharaxiinta Aqalka Sare.

Doorashadii ka dhacday saddex maalmood ka hor M/Kismaayo ayaa waxaa kamuuq anayay in kooxaha mucaaradka ay ku guuleysten kura asta lagu tartamay halka haatan ay u muuqato in doorashada lagu wado inay maalinta Isniinta ka dhacdo magaalada Baydhabo ay ku soo bax ayaan senataro taageersan Madaxweynaha xilli giisu dhamaaday ee Farmaajo.

Puntland oo dib u dhigtay furitaanka Iskuul lada Qardho sababo la xariira Covid-19

Wasiirka Wasaaradda  Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawladda Puntland ayaa sheegay in labo toddobaad oo dheeri ah lagu daray Furitaankii ama Fasaxii dugsiyada degmada Qardho.

Sidaas darteed, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawladda Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xasan, ayaa guud ahaanba bulshada deegaanka Puntland kula dardaarmaya in cudurka safmarka ah ee COVID-19 si fiican looga taxaddaro, islamarkaana ay waxbarashadu sidii loogu talagalay u socoto laga bilaabo xilligii horay jadwalka ugu qornayd marka laga reebo degmada Qardho, iyada oo la raacayo awaamiirta guud ee caafimaadka dalka.

Wasaaradda Gargaarka oo qaylo-dhaan ka muujisay xaaladda bani’aadanimo ee dalka

    Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Mas iibooyinka Somaliya ayaa walaac ka muujisay xaaladda bani’aadanimo ee dalka, ka dib kulan ay yeesheen Wasaaradda Gar gaarka Dowladda Federaalka, Wasaaradaha Dowlad Gobol eedyada iyo Gobolka Banaadir, loogana arrinsanayay xaaladda bani’aadanimo ee dalka.

            Warmurtiyeed ay si wadajira u soo sa areen ayaa lagu sheegay in kala bar dadka So omaaliyeed ay wajahayaan xaalado adag. Dad ka xaaladahaasi u nugul ayaana lagu sheegay inay isugu jiraan carruur, haween iyo ragba.

Wafdi Ka Socda Dowladda Federaalka Oo Gaaray M/ Garoowe

     Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Xu kuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Duraan Axmed Faarax iyo wafdi u hoggaaminayo ayaa Shalay gaaray Magaalada Garoowe ee Caa simadda Puntland.

     Wasiir Duraan Faarax oo safarkiisa ku we hlinayeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo xubno kale ayaa waxaa Garoon ka diyaaradaha Garoowe kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo kamid ah Puntland.

Ujeedka wafdiga dowladda ee Garoowe ayaa waxaa uu yahay sidii ay uga qeyb geli lahaay een Munaasabadda xuska sannad-guurada 23-aad ee aas’aaskii Puntland oo ku beegan 1-ka bisha Agoosto.

      Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Xu kuumadda xilgaarsiinta ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, isagoona xusay inuu ka qeyb geli doono Munaasabadda san nad-guurrada 23-aad ee dhaceysa.

     "Puntland oo lagu dhisay wada-tashi iyo is-afgarad Bulsho , waxay Bulshada Soomaaliy eed u noqotay hoy nabadeed, oo markii dambe fure u noqotay dib u dhiska Dawladnimada So omaaliya. Waxaan u mahadcelin mas’uuliyiinta iyo qeybaha kale ee Shalay na soo dhaweey ay” ayuu yiri Wasiir Duraan.

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa waxaa maalinta berri ka dhaceysa Munaasabadda sannad-guurada aas-aaskii Maamulka Puntland ee 1-da Agoosto, isla markaana waxaa socda diyaar garoow ku aadan Munaasabadda dhaceysa.

Kooxdii Badda Ku Tuurtay Muwaadin Soom aali Oo Dacwad Lagu Soo Oogay

    Maxkamad ku taalla magaalladda Goza ee Jesiiradda Malta waxaa la soo taagay Nin ku eedeysnaa inuu garaacay Muwaadin Soomaali ah, kadibna ku tuuray Badda Dekedda Magar.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Deeliyan Mifsud oo 31-jir ah waxa lagu soo oogay Isku-dayid dhaawacyo Khatar ah,  Inuu burbur u gey stay Telefoonkii uu Muwaadinka Soomaali da watay oo noociisu ah aa Apple IPhone, Carqal adaynta Nabadda Dadw eynaha iyo doorkii uu ku laha qalalaasihii bishan July 18-dii waxyee lladda loogu geystay Muwadin Soomaali ah.

      Dacwad-oogihii Kiiskaasi oo lagu magaca abo Josef Gauji waxa uu Maxkamadda u soo gudbiyey Muuqaalka Weeraarkaasi iyo sida ay Boliska ugu suurto-gashay inay Eedeysanaha soo qabtaan, kadib, markii la daawaday Muuqa alka Arxan-darada lahaa.

      Qareenka Eedeysanaha oo lagu magacaa bo Jean Paul Grech waxa uu Fadhigii Maxka madda ka hor sheegay inaaysan wax Cunusur iyad ka dambeeyeen Eedeymahaasi.

       Dhinaca kale, Garsooraha Xeer-beegtida Maxkamadda oo lagu magacaabo Simone Grech waxa uu ka biyo diiday in Eedeysanaha la gu sii daayo damiin, isagoo amray in Xabsiga lagu sii hayo.Dhacdada Ninka Soomaaliga loo gu geystay Jirdilka waxa uu Bulshadda Malta ku reebay saamayn xooggan, iyadoo ay Koox Dad ah farageliyeen Tacadigaasi, iyagoo tag eeray Muwaadinka Soomaaliyeed oo loola dha qmayey sidii Eey oo kale. Qoraal uu Qof Goo bjooge ka ahaa Dhacdadaasi  soo dhigay Bartii sa Facebook waxa uu tilmaamay in koox ka ko obnayd 15 qof ah ay ku lug lahaayeen Jir-dilka arxan darada ee Muwaadinka Soomaalida loo geystay, iyadoo Eedeysanaha la soo maxkama adeeyey uu ahaa shaqsigii hormuudka ka ahaa weerarkaasi.

Haweeney Soomaali Ah Oo Laga Soo Masaaf urin Doono Denmark & Sababta

    Xafsa Mole oo 25-jir ayaa loo sheegay in dalk aasi laga masaafurin doono bilowga bisha soo socota ee August, sida lagu sheegay qoraal ay Waaxda Socdaalka ee dalkaasi soo saartay bishan July 7-dii.Qoraalka oo si toos ah loogu diray Haweeneydaasi waxaa loo gu sheegay in Somalia Na bad tahay, loona masaafurin doono muddo 30 maalmood gudaheeda.

     Xafsa Mole oo muddo 5 sano iyo bar ku nool ayd Degmadda Kerteminde oo ku taalla Bartama ha dalkaasi waxay ku guul-daraystay in Degana anshaheeda loo cusbooneysiiyo sanadkan, iya doo haatan ka cabsi qabta inay Boliska gurigeeda soo garacaan, kadib la soo masaafuriyo.

     Qareen ayaa loo qabtay, balse, waxay sheegt ay inaysan aqoonin waxa ay samayn doonto mar ka la gaaro bisha August  8-da.

Ka dib, muddo ka badan 5 sano oo ay ku noolayd dalkaasi waxay baratay Luqadda Danishka, wa xay yeelatay saaxiibo badan, weyna shaqeysnays ay, iyadoo haatan dhamaysanayo Tababar hal sa no socday oo lagu barayey Kaaliyaha Bulshadda iyo Caafimaadka.

      Xafsa Mole oo uu Mukhalas horey u keenay Europe, waxay isku soo martay dalal badan oo ay san aqoonin, ilaa ugu dambeyntii ay soo gaartay dalka Denmark bartamihii bishii October ee san adkii 2014-kii.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip