HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 31-JULY 2021

0
Saturday July 31, 2021 - 07:10:58 in Wararka by
  • Visits: 522
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 31-JULY 2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Rooble iyo Boris Johnson oo saddex qodob oo muhiim ah ka wada hadlay

    Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble,oo boooqasho ku jooga M/ London ayaa Xalay la kulmay Ra'iisul Wa saaraha Britain Boris Johnson, oo ay ka wada hadleen saddex qodob. Rooble ayaa qoraal ko oban oo uu soo saaray ku yiri "Waxaan London kula kulmay Ra'iisul Wasaaraha Britain Boris Jo hnson oo dowladdiisu marti gelisay Shirka caal amiga ah ee horumarinta Waxbarashada." Ro oble ayaa sheegay inuu Johnson kala hadlay saddex qodob oo kala ah:

1-     Xoojinta xiriirka labada dal.

2- Arrimaha amniga Soomaaliya iyo Gobolka. 3- Horumarinta waxbarashada, dhaqaala ha,     siyaasadda iyo gargaarka Soomaaliya. Rooble ayaa sheegay in Britain ay ka mid tahay "Saa xiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya la leh xiriir soo jireen ah, kana caawiya dhinacyo bad an oo muhiim u ah dowlad dhiska dalkeenna." Goor sii horreysay, ra'iisul wasaaraha xukuum adda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Xoghayaha arimaha dib adda ee dalkaas, Dominic Raab. Kulanka ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka la bada dal, arrimaha amniga iyo xaalada siya asadeed ee Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra'iisul wasaara ha.

     Rooble ayaa sidoo kale kala hadlay xogh ayaha Britain la dagaalanka argagixisada iyo doorashooyinka dalka oo ay midda Aqalka Sare si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland. Intii uu socday kulanka waxa uu Ra'iisul wasaraha uga mahad-celiyay dowladda UK taageerade eda kala joogsi laheyn ee ay siiso dalkeena So maliya, midaasi oo leh dhinacyo kala duwan.

    Kulankaan ayaa qeyb ka ah kulamo gooni-gooni ah oo uu Ra'iisul wasaaraha ka wado magaalada London ee dalka Britain, kuwaasi oo uu la yeelanayo madaxda kala duwan ee dowladda UK iyo Mas'uuliyiin kale.

Lacag Mallaayiin dollar ah oo loogu deeqay dalal ay kujirto Soomaaliya

      Waxaa magaalada London ee dalka ingiriis ka lagu soo geba-gabeeyay shirka horumarinta Arrimaha waxbarashada, kaas oo muddo lab ci sho ah socday, isla markaana looga hadlayay horumarita iyo saro u qaadida waxbarashada. Shirk ayaa waxaa ka qeyb galay madax faraba dan oo ka socota dalalka Caalamka, waxaana Soomaaliya uga qeyb galay wafdi uu hog gaam inayo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaar siinta Maxamed Xuseen Rooble.

    Hayeeshee Shirka ayaa waxaa looga dha waaqay lacag dhan 5 Bilyan oo Dollar, taas oo lagu horumarinayo Waxbarashada 90 dal oo ay Soomaaliya kujirto, sida uu Goobta shirka kaga dhawaaqay Wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Britain.

    Qaar kamid ah madaxda ka qeyb gashay    shirka ayaa aad u soo dhaweeyay lacagta Shanta Bilyanka ah ee loogu deeqay, taas oo loogu talo galay in dalalka waxbarashadooda liidato lagu hormariyo, iyaga oo sheegay in laca gtaas sidii loogu talo galay ay u isticmaali doonaan.

     Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiin ta Maxamed Xuseen Rooble oo weli ku sugan magalada London ayaa halkaasi waxaa uu ka wadaa kulamo kala duwna oo uu la qaadanayo Madaxda ka qeyb gashay shirka horumarinta Arrimaha waxbarashada.

Farmaajo, Rooble, Axmed Madoobe iyo XASAN oo ka falceliyey qaraxii cayaartoyda

     Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul wasaare       Rooble, Madaxweynaha Jubbaland, Madaxwey naha Galmudug iyo Madaxweynihii hore ee dal ka Xasan Sheekh ayaa war ka soo saaray qara xii Shalay Kismaayo lagula beegsaday dhali nyaro cayaartooy ahaa, kuwaas oo dhamasho iyo dhaawacyo culus ay soo gaareen.

     Ugu horeyn madaxweyne Farmaajo ayaa Ta csi tiiraanyo l eh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan

bahda ciyaaraha geerida dhallinyaradii ciyaartooyda ahayd ee lagu dilay qaraxii ka dha cay magaalada Kismaayo.

     "Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Qaraxan argagixisanimo ee ka dhacay maga alada Kismaayo waxa uu muujinayaa yoolka ca dawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya gumaadka haldoorkeenna” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Farmaajo.

     Dhanka kale ra’iisul wasaare Rooble ayaa qoraal uu soo saaray ku yir, "Waxaan si adag u cambaareynayaa qaraxii argagixisadu Shalay la beegsadeen dhallinyaro ciyaartoy ah magaal ada Kismaayo. Waxaan tacsi u dirayaa ehelada dadkii ku geeriyooday falkaas arxan darrada leh, maamulka iyo shacabka Jubaland, anigoo dhaawacyadana Eebbe uga baryaya in ay dha qso u bogsoodaan. Falalka naf la caariga ah ee argagixisadu waa in aysan naga horjoogsan hii gsigeenna nabad iyo dowlad-dhiska, gaar ahaan xilligan dalku doorashada galay.”     Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxam ed Islaam ayaa ka tacsiyeeyey khasaaraha ka dhashay qaraxii Shalay magaalada Kismaayo lagula beegsaday dhalinyaro cayaartooy ahaa oo la socotay gaari Bus ah.

     "Waxaan uga tacsiyaynayaa dhamaan bah da Ciyaaraha Jubaland qaraxii Shalay Argagixi sadu la beegsatay baska kooxda kubada Cagta JCCI, halkaas oo ay ku geeriyoodeen Sadex ka mid ah ciyaartooyda kooxda qaar kalana ay ku dhaawacmeen,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo ba xay xafiiska Madaxweynaha Jubbaland.

     Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, "Waxaan Alle uga baryayaa in uu janadii fardowso ka wa raabiyo dhalinyaradaas aan waxba Shalaysan ee Argagixisadu ay dhiigooda banaysatay, wa xaa kale oo aan Alle Caafimaad taam ah uga baryayaa inuu siiyo inta dhaawaca ah.”

     Madaxweynaha ayaa umadda Soomaali yeed ugu baaqay in loo midoobo kooxaha caa deystay gumaadka hal doorka dadkeenna.

     "Al-Shabaab waxaa ka go’an inay beegsa daan qof walba iyagoo si badheedh ah u beeg sanaya dadka waxgalka ah sida      Dhalinyara da,Aqoonyahanka iyo indhaha bulshada, taas oo cadaynaysa inay si guud indhaha uga riday aan ummada Soomaaliyeed. Dhamaan Shacab ka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaya in loo midoobo sidii kooxdan aan uga adkaan lahayn isla markana aan u badbaadin lahayn inta ha dhay Bulshadeena,” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

       Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sh.Ma xamuud ayaa isna qoraal uu ka soo saaray qar axaas waxa uu ku yiri, "Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed & ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxii Xalay. waa na siib darro in dad Soomaaliyeed oo aan waxba Shalaysan la laayo. Waxaan ku baaqayaa in aan u midoowno la dagaallanka cadowga, innaga oo isku tashaneyna.”

      Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug Ax med Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa shacabka iyo dowlad goboleedka Jubbaland uga tacsiyee yey dhalinyaradii lagu dilay qaraxii Shalay ka dhacay magaalada Kismaayo.

      Madaxweyne Qoor Qoor ayaa wacad ku maray in mar aan dheereyn laga guuleysan do ono nabadiidka caadeystay daadinta dhiigga umadda Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in meel looga soo wada jeesto kooxaha Argagix isada ah.

     "Waxaan Dowladda iyo shacabka Jubbaland ugatacsiyaynayaa qaraxii argagaxisadu Shalay kala beegsatay Kooxda Kubadda Cagta magaa lada Kismaayo. Naxariistii janno Allaha ka wara abiyo dhalinyaradii ku geeriyootay, inta dhaawa cana Allaha caafimaad degdeg ah siiyo Insha’ allah. Kooxaha argagaxisada ah ee caadeystay daadinta dhiigga umadda Soomaaliyeed waan ka guuleysaneynaa kana sifeyn doonaa deeg aanada oo dhan.

      Waxaan ugu baaqayaa dhammaan shacab iyo dowladba inaan meel uga soo wada jees ano cadowga ummadda Soomaaliyeed,” ayuu Qoor Qoor ku yiri qoraal uu soo saaray Shalay.

    Ugu yaraan seddax ka mid ah dhalinyaradii la socotay gaariga xilligii la qarxiyey ayaa ku geeriyootay halkaas, sidoo kale dhaawacyada tiro kale ayaa la gaarsiiyey goobaha Duqa


Muqdisho kormeeray dhismaha wadd ada isku xirta Muqdisho & Jowhar

     Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Du qa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Max amud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormee ray dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo Meel Wanaagsan Mareyso.

     Ujeedka kormeerkan ayaa ahaa mid uu Gu ddoomiye Cumar Filish ugu kuurgalayay sida ay u soco to dib u dhiska waddadaas oo ah mid ay b aa hi we yn u qabeen Bulshada labada gobol Maadaa ma isticmaal keeda dhibaatooyin kala duwan la gu qabay.

     Guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhaxe Axmed Meyre Makaraan iyo Guddoomiyaha Degmada Balcad ayaa deegaanka Caliyaale kusoo dha weeyay kolanyada Duqa Magaalada Muqdisho, waxa ayna si wadajir ah warbixin uga dhagee steen howl-wadeenada ku howlan dib-u-dhiska lagu sameynayo Waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

     Kormeerkaasi kadib ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Mu qdisho ayaa xariga ka jaray xarun Caafimaad oo laga hirgaliyay Deegaanka Jamaal, kaas oo loogu talagalay in lagu daweeyo Hooyo iyo dhalaankacaafimaadka.

Axmed Madoobe oo la kulmay Guddiya door ashooyinka & Xildhibaannada la doortay

      Madaxweynaha D/Goboleedka  Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Aqalka martida ee Magaalada Kismaayo  Gudiyada hirgalinta Doorashooyinka ee kala duwan gudoonka Ba arlamaanka Jubbaland iyo Xildhibaanada   Aqal ka Sare ee la doortay.

     Madaxweynaha ayaa dhamaan dhinacya dan uga mahad celiyay shaqadii wanaagsa nayd ee ay qabteen maalmahii lasoo dhaafay ee ku aadanaa in Jubbaland ay noqotay maa mulki ugu horreeyay ee qabta doorashada Aqal ka sare.

    Xubnaha Guddiyada doorashooyinka iyo Xildhibaannada Aqalka Sare ee la doortay ayaa dhankooda uga mahad celiyay Madaxweynaha Jubbaland doorkii weeynaa ee uu ku lahaa qab somida doorashada iyo heshiiskii laga gaaray doorashada/.

     Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowlad Gob oleedka Jubbaland ayaa Xubnaha uu la  kul may ku booriyay in waxyaabaha dhiman iyo shaqooyinka loo baahan yahay inay sii laba jiba aran si arimaha Doorashooyinka ay ugu dhac aan qaab Wanaagsan.

     Dorraad ayaa waxaa Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose lagu doortay Afar kamid ah kuraasta Aqalka Sare oo degaan doo rashadoodu tahay Jubbaland, iyada oo la filayo in maalmaha soo socda ay sidoo kale dhaaan doorashooyin.

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka oo baaq u diray maamul goboleedyada

    Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Baa rlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa Shalay ka billaabatay magaalada Kismaayo ee Xarun ta ku-meel gaarka ah ee maamulka Jubaland. Afarta Sanatar ee Shalay ku guuleystey doora shada ayaa kala ah; Ilyaas Badal Gaboose, Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Cabdi risaaq Maxamed Cusmaan iyo Iftiin Xasan Iima an Baasto. Jubbaland ayaa dooran doo nta maalmaha soo socda afar xubno od oo kale.

   Gudoomiyaha Gudiga Doo rash ada heer federaal Max amed Xa san Cirro ayaa ka warbixiyay doorashadii Shalay ka dhacday magalada Kisma ayo iyo sababta keentay in ma amulada kale aysan wali u diy aar garoobin qabashada doorashada Baarlam anka Aqalka Sare.

    Waxaa uu sheegay in Madaxda kale ee ma amulada ay baaq u direen, islamarkaana looga ba ahan yahay in ay si deg deg ah u soo gudbi yaan.

     Waxaa uu sheegay in doorashada xilligii loo gu tala galay ay ku dhici doonto si looga hor tago inuu yimaado dib u dhac kale

Xasan oo ka hadlay doorashadii Kismaayo, soo saaray baaq deg deg ah

       Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay doorashadii Shalay ka dhacday magaalada Kismaayo ee lagu doortay Afar kamid ah Senator-da ay Jub baland ku leedahay Aqalka Sare, isagoo na ugu baaqay dow lad goboleedya da kale inay sida ugu dhaqsaha badan u qabtaan doorashooyinka.

       Xasan Sheekh ayaa ugu horeyntii si weyn u bogaadiyay madaxweynaha maamulka Jubb aland, Axmed Madoobe iyo ku-xigeenkiisa, maadama ay noqdeen dowlad goboleedkii u horeeyay ee billaabay hirgelinta doorashada 2021-ka.

   "Waxaan dadka Soomaaliyeed ugu hamba lyeynayaa in dalka ka billaabatay doorashadii 2021-ka. Waxaa u hambalyeynayaa oo boga adinayaa madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo runtii ku dhiiraday oo billaabay do orashadii muddada dheer soo jiitameysay, wax aa leeyahay madaxweyne hambalyo waxaa bill owday wixii aheyd in la billaabo, dhowr maalmo od dib u dhac ha ku jiro laakiin waa billowday,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

     Sidoo kale waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray Senator-dii Shalay kusoo baxay dooras hadaas, isagoona qabsoomida doorashada ku bogaadiyey guddoonka baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland iyo xildhibaanada maam ulkaas.

     "Waxaa u hambalyeynayaa Senator-da Afar ta ah ee Shalay la doortay, waxaa leeyah ay dhamaantiin hambalyo waxaa tihiin Senator     Soomaaliyeed, xilka iyo mas’uuliyada la idiin do ortayna Ilaahay ha idiin fududeydiyo. Waxaa raj eynayaa in afarta sano ee soo socoto aad u gaari doontaan go’aamo dhaxal-gal ah.”

      Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan She ekh Maxamuud ayaa ugu dambeyntiina waxa uu dowlad goboleedyada kale ee dalka ugu baaqay inay si deg deg ah u qabtaan doora shooyinka, islamarkaana ay mas’uuliyad iska saaran dar-dar gelinta howlaha horyaala.

Dowladda oo soo bandhigtay Saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab oo isa-soo dhiibay

      Saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa la sheegay inay isku soo dhiibeen ciidanka dowl adda ee howl-galada kawada Aaga u dhexeeya Guriceel iyo ceelbuur, ee gobolka Galgaduud Maamul Goboleedka Galmudug.

      Saraakiil ka tirsan Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen inay xiriir la soo sameeyeen Ciid amada ee qaybta ka ah howl-galada culus ee Alshabaab looga saarayo Deegaanada ay joogaan ee u dhexeeya Ceelbuur iyo Guriceel iyo Madaxda Barnaamijka qaran ee dhaqancel inta maleeshiyadka DRP ee Galmudug.

Saraakiishaan oo lagu kala magacaabo Maxamed Nuur Bare   iyo Mowliid Cumar faa rax  (Ciro) ayaa sheegay in ay ka tanaasul een Al-Shabaab, iyagoo Codsaday in la cafiyo, diyaar u yahay in ay la dagaallamaan Al-Shab aab.

      Gaashaanle sare Cabdulaahi Cabdi Raage oo ka tirsan saraakiisha NISA ee Galmudug iyo Gaashaanle Dhexe Cabdulqaadir Maxamed Cartan ” Gasaawe” oo qayb ka ah saraakiisha Qaybta 21-aad oo soo dhaweeyay xubnahan Al shabaab kasoo tagey ayaa sheegey in ragan ay xiriir lasoo sameeyeen saraakiisha ciidanka, sidaasna ay ugu suurta gashay inay isisoo dhiibaan.

Dad Shacab Ah Oo Ku Geeriyooday Dab Qabsaday Dhul Kaymo ah

      Dab qabsaday dhulka Kaymaha ee Koo nfurta dalkaasi ayaa waxa ku dhaawacmay in ka badan 180 qof. wasiirka Kaymaha iyo Bee raha Turkiga, Bekir Pakdemirli ayaa Shalay shaaciyey dadka ay waxyeellada ka soo gaa rtay Ololka ka dhashay dabka qabsaday dhul-kaymeedka.

     Wasiirka oo la hadlay Suxufiyiinta waxa uu tilmaamay inay Xilligan diiw aan geliyey dhaawaca 183 qof, isagoo dhanka kale sha aciyey inay waqti qaadan doonto sidii loo xakamayn lahaa Masiibadaas Dabiiciga ah.

      Waxa kale oo uu xusay in dadka laga daad-gureeyeey Hotel ku yaalla Deegaanka Guver ncinlik ee Degmadda Bodrum.

      Warar horey u soo baxay waxay sheegeen inay ugu yaraan 3 qof ku geeriyootay dabka ka kacay Kaymaha ku yaalla Deegaanka Mav

 angat ee Gobalka Antalya.

Somtel oo toddobaadkii 2aad abaalmarisay macaamiil fara-badan

     Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ayaa toddo baadkii 2aad Abaalmarisay Ku dhawaad 1000 Macaamiil, Kuwaasoo Ku guuleystay Hadiyado Qiimo badan.

Macaamiisha la abaalmariyay ayaa kala joogo guud ahaan Gobolada dalka & Magaalooyinka Waaweyn indaba.

      Todobaadka labaad waxaa lagu guuleystay hadiyado ay ka mid-yihiin bajaajyo, laptops, Gasaalado, Firinjeero, TV screens, Ipads, Dah ab I.w.m.

     Miski C/lahi Cabdi Oo ah Gabadhii Ugu hor eysay ee ku guuleysatay bajaaj ayaa ka dha waajisay ”Aniga Marna Ma filaneynin hadiyad Caynkaan ah inan ku guuleystay waxa ay igu NoqotayLa yaaab Marka Leey soo wacay Shirk aduna ii Xaqiijisay Inan bajaaj ku guuleystay.”

       Waxaa Sidoo kale bajaaj ku guuleystay Mr Jamac Oo ah Wiil dhalinyaro oo ku nool Deg mada Hodan ee gobalka banaadir

Mr Maxamed Abukar Aweys Oo ku guuleystay gasaalad isagoo aad ugu mahad-celiyay shir kadda isgaarsiinta Somtel

     "Waxaan ku faraxsanahay in Somtel I abaa lmariso anigoo aan ku shubasho fara-badan aan sameyn Waa nasiib xaqiiqdii waan sii laba laabi Doonaa siticmaalkeyga adeegyada Somtel.”

     Hadiyadaha Gaadiidka bajaajka ay Somtel bixisay ayaa waxa ay shaqo abuur U noqotay dhalinyarada Soonaaliyeed & Qoysaska Dan yarta Kuwaasoo u baahan grab & hiilo uga tim aada ganacsatada soonaaliyeed.

      Shirkadda somtel Waa Shirkadii ganacsi u gu horeysay ee 10’000 Hadiyadood dib ugu cel isa Macaamiisheeda sharafta leh Todobdaad kasta maalinta Jimaha ayey shirkaddu si toos ah u abaalmarisaa Guuleystayaasha Toddoba adkaas. Somtel oo toddobaadkii 2aad abaalma risay macaamiil fara-badan

Guddiga doorashada K/Galbeed oo baaq u diray Madaxweyne Laftagareen

      Guddiga Maamulka Doorashada Heer dow lad Goboleed Koonfur Galbeed ayaa warqad codsi ah u diray Mada xwaynaha dowlad go bole edka Koonfur Galb eed Soomaaliya mud ane Cabdicasiis Xasan Maxamed  Laftagareen, kaa si oo ku saabsanaa inuu soo gudbiyo liiska musharix iinta u tartamaya Aqalka Sare ee Baa rlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soom aaliya.

   Warqadda ay guddiga u direen Madaxweyna ha Koon fur galbeed ayaa u qorneyd sidan.

Codsi soo gudbin Liiska musharixiinta u tarta meya Golaha Aqalka Sare

    Md.Madaxweyne, anagoo tixraaceyno heshi isyadii doorashada ee 17 September, 1 Oct ober, 27 May, iyo 29 June. Anaga oo raaceyno sida shaxda doorashada loo dajiyay ee ku mudeysan heshiisyadii iyo jadwalka ay soo saareen Madaxda Qaranka iyo Guddiga Hirgel inta Doorashooyinka heer Federaal. Anagoo ca deeneena inaan diyaar u nahay gudashada wa ajibaadka Qaran, iyada oo aan raaceyno Habra aca Doorashada Golaha Aqalka Sare, waxa aan halkan kuugu soo gudbineynaa codsi ku aadan inaad noo soo gudbiso liiska magacyada u sharxan  Aqalka Sare ee dalka.

    Md. Madaxweyne, iyada oo aan wada ogsoonahay in lagu guda jiro waqtigii loo astee yay qabashada doorashada, laga marmaan tah ay taaba gelinta iyo isku dabaridka howlaha gu ddiga, anaga oo ku kalsoon mas’uuliyadda aad u heyso shacbiga reer Koonfur Galbeed , wax aan markale kaa codsaneynaa inaad noogu soo gudbiso Liiska musharixiinta u tartamaya Aqalka Sare.

     Ugu dambeyn Mudane Madaxweyne wax aan kaa rajeyneynaa inaad naga aqbali doontid codsigan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip