Maxaad ka ogtahay Madaxweynayaasha Afrika ee la toogtay iyaga oo xilal haya?

1
Friday July 09, 2021 - 17:41:03 in Wararka by
  • Visits: 840
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad ka ogtahay Madaxweynayaasha Afrika ee la toogtay iyaga oo xilal haya?

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Qaaradda Afrika waxaa ku badan dilalka Madaxda marka la barbardhigo Qaaradaha kale, waxaa lagu toogtay Madaxweynayaal xilal ka hayay dalalkooda, qaarkood ayaa la dilay iyaga oo shaqo ku mashquulsan.

Madaxweynayaasha la toogtay iyaga oo xilalka haya ayaa kala ah:

1- Cabdirashiid Cali Sharma’arke – Soomaaliya:

Cabdirashariid Cali Sharma’arke Madaxweynihii labaad ee Soomaaliya sidoo kale soo noqday Ra’iisul Wasaarihii Dalka 1960-kii ilaa 1964-dii waxaa lagu toogtay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool 15-kii October 1969-kii.

Dilkiisa kadib waxaa talka Afgambi aan dhiig ku daadan waxaa ku qabsaday Militarigii oo muddo kadib hoggaan ka dhigtay Maxamed Siyaad Barre oo dalka heystay intii u dhaxeysay 21-kii October 1969-kii illaa 26-kii January 1991-dii.

No description available.

2-Mucammar Al-Qadaafi – Libya

Col. Mucammar Al-Qadaafi waxa uu xilka Madaxweynaha Liibiya hayay 1-dii September 1969-kii illaa 20 October 2011, xilkaan kuma aanay helin doorasho oo waxa uu ku qabsaday awood Militari.

Waxa uu sababsaday kacdoonkii Guga Carabta oo galaaftay xilalka Madax kala duwan, waxaa lagu dilay Sirte, kadib maalmo kooban oo dagaal ay isku wajaheen askartii daacadda u ahayd iyo xoogagga kasoo horjeeday.

No description available.

3-Idriss Deby – Chad

Madaxweynihii 6-aad ee Chad Idriss Deby waxa uu xilka ku qabsaday xukun marooqsi, April 2021 ayuu ku geeriyooday dagaal ka dhan ah Fallaagada kasoo horjeedda Dowladdiisa, waxa uu xafiiska joogay 2-dii December 1990 illaa 20-kii April 2021-ka.

No description available.

4-Sheekh Cabayd Aman Karume – Zanzibar

Sheekh Cabayd Karume waxa uu ahaa Madaxweynihii ugu horreeyay ee Zanzibar iyo ku xigeenkii ugu horreeyay ee Tanzania, waxaa lagu toogtay dhismaha xarunta dhexe ee Xisbiga Afro-Shirazi (ASP) ee Zanzibar 7-dii April 1972-dii.

No description available.

5- Laurent-Desire Kabila – DR Congo (Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo)

Laurent-Desire Kabila Waa Madaxweynihii 3-aad ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo (DR Congo) oo xiligiisa loo garanayay Zaire, waxa uu dalka xukumayay 17-kii May 1997-dii ilaa 16-kii Janaayo 2001.

Geeridiisa waxaa la shaaciyay 18-kii Janaayo 2001-dii, Wasiirkiisa caafimaadka Leonard Mamba waxa uu ku sugnaa qofka ku dhegan kan lagu toogtay Madaxweynaha, waxaana toogtay Kabila mid kamid ah ilaaladiisa gaarka ah.

No description available.

6- Gen. Ibrahim Baré Maïnassara- Niger

Madaxweynihii 5-aad ee Niger Gen. Ibraahim Barre waxa uu hoggaamiye ka ahaa dalkaas intii u dhxeysay 27-kii January 1996-dii illaa 9-kii April 1999, kadib markii dalkaas uu galay rabshad ka dhalatay Doorashooyinka.

No description available.

7- Samuel Doe – Liberia

Samuel Kanyon Doe waxa uu hoggaamiye u ahaa militariga awoodda ku qabsaday William Tolbert, ciidamada waxa uu ka gaaray heerar kala duwan, xukunka waxa uu ku qabsaday qori isaga oo hayay intii u dhaxeysay 12-kii April 1980 – 6-dii January 1986.

Waxa uu ku eedeysanaa in uu geystay xadgudubyo ka dhan ah Aadanaha maadama muddada uu xafiiska joogay uu ku sifoobay kali talisnimo & cabsi gelinta dadka isku daya in ay ku hamiyaan xilkiisa.

No description available.

8- João Bernardo Vieira – Guinea Bissau

Joao Vieira waxa uu hoggaamiye ka ahaa Guinea Bissau saddex waqti doorasho, markii ugu horeysay waxa ay ahayd 1980 illaa 1984, markiisii labaad 1984 ilaa 1999, halka markii saddexaad uu ku guuleystay 2005 ilaa 2009.

Askartiisa ayaa toogatay saacado kadib markii la dilay Taliyihii Ciinka Gen. Batista Tagme Na Waie, qarax ayaa la maqlay markii la dilayay waxa uu dhaliyay shaki la xiriira in Bam lagu dilay inkasta oo aanay la caddeyn.

No description available.

Xigasho:BBC Somalia



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip