BARO WARIYAASHII HORE EE SOOMAALIYEED.

1
Monday July 05, 2021 - 14:31:33 in Wararka by
  • Visits: 834
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BARO WARIYAASHII HORE EE SOOMAALIYEED.

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Beedkeega Caawa Waxaa Ku Cazuumay Ee Aan Ku Shafray Marti Igu Ah Rug Cadaayaashii Wariyaashii Hore Kama Mid Ahaa Farsamayaqaanadii Aan Isla Soo Wada Shaqeenay Qaar Ka Mid Ah ldaacadihii Hogaamiye Kooxeedyadii Mugdisho lyo Idaacadihii fm ka Ee Laga Hirgashay Caasimadda Umadda Soomaaliyeed Ee Magaalada Mugdisho.

 
     Hadal Badan Haan Ma Buuxshee Aan Isniin Baro Farsamayaqaankii Faraha Fududaa Magac Maskiin Kama Ahan Maalna Mowlow U Qabaa Abshir lbraahim Cabdi Abshir MahadMahad IbraahimWuxuu Ka Mid Ahaa Wariyaashii Aan lsla Soo Wada Shaqeenay 1994 ilaa Iyo 1995 tii ldaacada Codka Nabadeenta Soomaaliyeed Ee Ku Hadli Jirtay Fikirkii Allaha Ha U Naxriisto Cusman Xasan Cali Cusman Caato.
 
        Yaan Hadal ldiinku Daalin Farsamayaqaankii Weyna Ee U Soo Shaqeeyay Barizamaadkii Dowladdii Military Ahaad Radio Mugdisho Sidoo Kale Waxaa Ka Soo Wada Shaqeenay lsla ldaacada Codka Nabadeenta Soomaaliyeed lyo ldaacada Afrikada Bari Ee Uu Lahaa Ganacsade Bashiir Raage Shiiraar lnjineer Saylac Xasan Hilowle,
 
     Wariye Abshir Mahad lminka Hada Wuu Ka Fariistay Saxaafada Soomaaliya lsagoo Iminka Noqday Culumada Tabliiqa Ee Faafiya Diinta.
 
Wariye Saylac Isna Hada Wuu Ka Haray Howshii Saxaafada Soomaaliya Wuxuu lsku Badalay Ganacsada Ka Shaqeesta Farmashiye.
 
       Isku Soo Wada Duuduuboow Labadaan Wariye Waxaan Si Weyn U Haaya Xushmad lyo Qadarinta Mida Ugu Balaaran lnta Aan Ifka Ku Noolahay Weligee Marna Lagama Yaabo lnaan ldiin l Laabo Maadaama Wada Nahay Walaalo ln Ka Badan 30 Sano Soo Wada Shaqeenay.
 
      Sida Aan La Wada Socono Xiligii Hore Wariyaasha Soomaaliyeed Legend Waxey Ahaayeen Walaalo Is Jacal Hal Saxan Raashiin Ku Wada Cuni Jiray Ma   Aysan Jirin Laba Wariye Ee Ka Kala Shaqeya ldaacadihii Hogaamiye Kooxeedyadii Iska Lahaa lsku Cadawsan Jiray Waxaa Goob Joog U Ahaa.
 
         Wariyaasha U Kala Shaqeen Jiray Idaacada Radio Mugdisho Ee Ku Hadli Jirtay Codka Allaha U Naxariisto Cali Mahdi Maxamed.
 
Idaacada Codka Shacabka Ee Ku Hadasha Alla Yaa Raxma Codka Jaranaal Maxamed Faarax Caydiid Iyo Idaacada Codka Nabadeenta Soomaaliyeed Ee Taageerta Illaahey Ha U Naxriisto Cusman Xasan Cali Cusman Caato.
 
        Waxeynu Aheen Dhamaanteyna Wariyaal Si Walaaltinimo lsku Jacal lnkastoo Markii Aan Ka Hadleyna Idaacadaha Waxaa Ku Hadli Jirnay Dad ls Nacban Laakiin Si Hoose Loo Wada Sheekeesanayay Maasha Allaah.
 
      NB:Waa Barnaamij Taxane Ah Oo Aan Idinku
 
Soo Gudbin Doona Rug Cadaagii Wariyaasha Hore Ee Soomaaliyeed Si Ay U Bartaan Jiilka Cusub Maadaama Saxaafada Soomaaliya Waxaa Laga Keenay Meel Fog Xili Wadanka Uu Ka Jiray Dagaalo Sukeye Iyo Bur Burkii Baadsanaaya.
 


WQ: Wariye Cali Ameriko


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip