Muxuu Guriga Aadan Cadde u noqday lama taabtaan?....

1
Wednesday July 21, 2021 - 09:11:21 in Wararka by
  • Visits: 827
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Guriga Aadan Cadde u noqday lama taabtaan?....

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

      Dad badan ayaa is weydiinaya su’aasha aan hordhaca uga dhignay mowduuceenna ee ah sababta guriga madaxweynihii ugu horreeyey Soomaliya uu u noqday meel ay xushmeeyaan oo aysan ku xadgudbin dhinacyadii dagaallada sokeeye ee dalka ku lugta lahaa, dagaallamayaashii qabaa’illada, qabqablayaashii dagaalka, Al shabaab, kooxaha burcadda qowlaysatada ah, iyo xataa dawladdii laga baqi jiray ee kacaanka.

      Su’aasha waxaa keenay markii ciidan si gaar ah u tababaran oo Soomaali ah ay habeennimo gudaha u galeen beerta Aadan Cadde, dabadeedna, sida uu BBC u sheegay Dr Siciid Aadan Cadde oo uu dhalay madaxweynihii hore, ay gurigii uu ku noolaa xoog ku jabiyeen, ayagoo ka qaatay alaab dhex taallay, dadna ka kaxaystay sanaddii 2018-kii.

Dhowr arrimood oo dhamaantood waaqici ah ayey isugu soo biyo shubanayaan sababaha haddii la rogrogo.

 

1- Shuruucda caalamiga, iyo kuwa Soomaaliyaba waxay xurmo iyo xasaanad ka duwan tan bulshada siiyaan madaxweyne kasta oo dalka soo maray. Naftiisa iyo hantidiisa laguma xadgudbi karo. Weliba wuxuu qaranku u damaanad qaadayaa madaxweyne kasta oo xukunka ku wareejiya si nabdoon, dhibna aan gaysan, in kharashka noloshiisa, halka uu ku noolaanayo, amnigiisa, gaadiidkiisa, caafimaadkiisa, safarradiisa IWM uu qaranku damaanad qaadayo inta uu nool yahay, haddii uu geeriyoodana si heer qaran ah loo aasayo.

2- Aadan Cadde wuxuu madaxweyneyaasha kale kaga duwanaa isagoo ahaa madax

weynihii 1aad ee ay yeelato Soomaaliya markii ay xornimada qaadatay. Wuxuu kaloo ahaa, Soomaaliya kaliya ma ahee, nin Afrikada madow tusaale u dhigay oo xukunka si dimoqaraaddi ah u wareejiyey, xilli afgembiyada iyo kali talisnimada ay Afrika ku soo badanayeen. Waxaa taas barbar socday isagoo ka mid ahaa raggii u soo halgamay gobannimada Soomaaliya.

3- Wuxuu ku noolaa dalkiisa intii ka harsanayd noloshiisa, gaar ahaan guriga iyo beerta la weeraray. Madax aad u yar oo fara ku tiris ah mooyee inta badan madaxda Afrikaanka waxay xilligii Aadan Cadde ahaan jireen kuwo la afgambiyo oo la dilo, ama carara, ama haddiiba cod looga qaado xukunka aan dalkooda ku noolaan ee dibadaha musaafuris ku jooga, halkaasna ku dhinta.

4- Dadka aadka u yaqaannay Aadan Cadde kuma aysan sheegin xatooyo iyo musuqmaasuq, carruurtiisana ma ahayn kuwo uu ku soo koriyey nolol la mid ah tan ay ku soo koreen carruur badan oo ay dhaleen dad madax ah.

Qayb kale oo ka mid ah guriga

Qodobbadaas iyo qaar kale oo ay dhici karto in aan halkan lagu xusin oo u badan sumcad uu bulshada ku dhex lahaa ayaa ugu weyn in la xurmeeyo Aadan Cadde, ehelkiisa iyo hantidiisaba.

Qoyskiisa waxay BBC u sheegeen in guriga uu beerta ka degganaa, gaar ahaan qolkiisa jiifka iyo xafiiskiisa, ay iska xirnaayeen tan iyo markii uu geeriyooday 11 sano ka hor, oo in la nadiifiyo mooyee aysan gadaashiis cidina ku noolayn.

Inkastoo uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya si degdeg ah raalli gelin u siiyey qoyska madaxweynihii ugu horreeyey Soomaaliya, haddana dad badan waxay dareensan yihiin in ay arrintaas aysan ahayn gef loo gaystay reer Aadan Cadde oo kaliya ee ay tahay gef laga galay Soomaalida oo dhan.

Waxaa iyadana muhiim in talaabo laga qaado ciidankii falkaas gaystay haddii uu ahaa fal aan ku talagal ahayn, lagana feejignaado in mar dambe uu soo laabto.

Xigasho:BBCSomali




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip