Bangi waa xumaaday ee Baasadaa Barkinta hoosteeda iyo Baaldiga gadaashiisa=Nasashada Jimcaha.Q- 259

1
Friday July 02, 2021 - 18:46:46 in Wararka by
  • Visits: 901
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bangi waa xumaaday ee Baasadaa Barkinta hoosteeda iyo Baaldiga gadaashiisa=Nasashada Jimcaha.Q- 259

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Reer Gaalkacyoow Raali ahaada, wakhtigaa igu yar, wax iima diyaarsano caawana, waa 1-dii Julay.
 
      1. Reer Gaalkacyo weey garanhayaan cabitaan kasta wixii laga sameeyay.
Islaan Reer Gaalkacyo ah oo Miyiga ka timid ayaa lagu casuumay Aroos, waxaa loo keenay 6 dhalo oo CocaCola ah oo eyna weligeed cabin. Markii ey dhameeysay Cabitaankii ayaa Gabar dhinac fadhiday ku tiri: Eedo, Biyaha aad Cabtay ma macaayeen?. waxa ey ku tiri: Maashaa Allah, weey macaayeen, Laakin Gaalkii sameeyay Nacasbuu ahaa, Sanjabiishii ayuu ku badiyay. ( F.S: 1aad).
 
( Yac, Aqoonta Reer Gaalkacyo hala yaabin, Reer waan daadiyaa ka daran iyo…..)
       2. Cali yare oo Reer Gaalkacyo ahaa ayaa loo keenay Adeerkii oo Muqdishu joogo si uu wax ugu barto Magaalada. waxa uu arkay Hilib yar oo Xaaskii Adeerkii ey ku qarisay Miiska hoostiisa, Hilibkii ayuu ka cunay. Galabtii kale ayaa Eedadii ku tiri: War Cali yaroow Soo Fiiri Miiska hoostiisa, Hilib yar ayaan dhigaye, oo hubi in Dooligii ku dhintay. ( F.S: 2aad)
( Hantida Masaakiintu yeyna kugu noqon Sunta Dooliga, Adiguna ha noqon Dooligii)
     3. Xassan Dhurwaa oo Reer Gaalkacyo ahaa ayaa Xamar yimid, waxa uu Guursaday Naag aad u Qurxan, waxa ey u dhashay 4 will, Wiilka ugu yar waa Mid aad u Fool xun, 3da kalena waa Kuwo aad qurxan. waxa uu weligii ka shakisnaa in Wiilka ugu yar ee Foosha xun uu dhalay.
Xassan Dhurwaa ayaa aad u xanuunsaday, markii uu sakaraadayay ayuu Xaaskiisii ku yiri: Soo Weeysa qaado, soona qaado Kitaabkaa Quraanka, iiguna dhaaro in Wiilka u yar Wiilasha aan Anigu dhalay. weeyna ku dhaaratay. Xassanna waa geeriyooday.
waxa ey tiri: Alloow Adigaa mahad leh, waan hubaa in uu Wiilkaa isagu dhalay, dhaarteyduna ey sax aheyd. Alloow waxaa kale oo aan kaaga Mahad celinayaa in uuna 3da kale i weydiin. ( F.S: 3aad)
( wax kula xun, Xalaalnimadooda inta ka shakiso, Xaaran Qurxan ha ku qancin)
      4. Nin Reer Gaalkacyo ah oo Bajaajle ah, ayaa Lacag dhigtay Bank ku yiil Xaafadda. Habeen kasta marka uu marayo Waddada Hor marto Bangiga ayuu Hoonka aad u yeeriyaa, waxaa lagu yiri: Soow ma ogid in Habeenkii uu Hoonku mamnuuc yahay, oo la isticmaalo Nalka oo kaliya. waxa uu yiri: waan ogahay, Laakin Bangiga ayaa Lacagu ii taal, waxaana ka cabsanayay in Nacaska Waardiyaha ka ah Bangigu uu Hurdo, Marka waa toosinayay, oo xasuusin umbeey iga eheyd.
 
(Aay Batuulo, ayaa tiri: Aay Bibi Xamar waa xumaaday ee Ninkaaga Dhuuqso. Bangina waa xumaaday ee Baasadaa Barkinta hoosteeda iyo Baaldiga gadaashiisa ).
 
      5. Oday Reer Gaalkacyo ahaa oo qabay islaan aad u dhib badan oo derisku ka qeeyliyeen, ayaa isaga oo Saaxiibadii u sheekeeynayo waxa uu yiri: Xalay waxaan ku riyooday Aniga oo Daruuraha sii dhaafay oo Jannada ku jiro. Xaaskiisa oo maqleeysay Sheekada ayaa inta soo Booday ku tiri: Xabiibii, soow Aniguna Jannada kugulama jirin. Odaygii inta qoslay ayuu yiri: Markaan arkay in aad ila jooto, ayaan ogaaday in aan riyoonayay. ( F.S: 4aad)
 
( Axmed mar dhoof, ayaa yiri: Xalay waxaan ku riyooday aniga oo Xil sare la ii magacaaby, Saxiibkii ayaa yiri: War Saxiiboow Anigana ma leey magacaabay. Axmed mar dhoof ayaa yiri: Adiga oo Reerkiinu uuna leheyn Xildhibaan Qurba jooga ah, markaan Liiska ku arkay, ayaan ogaaday in ey Riyo tahay).
 
       6. Naag Reer Gaalkacyo ah oo Maseyrsan aadna u careysan ayaa u tagtay in Farmashi Xaafadda ku lahaa. waxaa ey ku tiri: iga iibi Sunta si deg deg ah wax u disho, waxaan rabaa in aan Ninkeeyga Cuntada ugu daro, waxa uu ku yiri: Naa, Coowdi bileeyso oo sheydaanka iska Naar, Taasi waa sharci daro, ogoowna ma iibino Daawadaa ilaa uu Qofku wato Warqad Dhakhtar u soo qoray ” Doctor’s prescription ",Waxay Boorsada ka soo bixisay Sawirka Ninkeeda oo Sariirta la jiifo Ninka Farmashiyaha xaaskiisii.
 
Farmashiistihii oo careysan ayaa ku qeyliyay maxaad iigu sheegi weyday in aad heeysato warqada Dhakhtarka ” Doctor’s prescription ” hoo Lacag la’aan ku qaado.
 
      ( F.S: 5aad) ( Nin Ganacsade ah ayaa u yimid Nin Suuqa Cir toogte ee Bakaaraha Rasaas ku iibiyo, waxa uuna ku yiri: Rasaas badan iga iibi, inta Liiskaan ku qoran Berri ii diyaari, Laba qolo oo aan jecelahay Colaadooda ayaa is dagaalaye.
 
Ninkii Cir toogtaha ayaa ku yiri: Intaan oo hub ah Cidna kama iibino, ma somalidaad leeynee. Ganacsadihii ayaa ku yiri: War Oromo iyo Tigree ayaan u wadaa. Cirtoogtee: Yaah, ma kuwii Dukaankeeygii hore ee Bakaaraha Gubay ee Ceelasha Biyaha ii qixiyay, Dalbka Badso).
 
Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip