Jab, Baji iyo Qarsho. (Culumada Seyniska Reer Galbeedka Qaarkood iyo Qur'aanka).

1
Friday June 25, 2021 - 21:45:49 in Wararka by
  • Visits: 949
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jab, Baji iyo Qarsho. (Culumada Seyniska Reer Galbeedka Qaarkood iyo Qur'aanka).

    Culumada Seyniska Reer Galbeedka Qaarkood ayaa yiri: Waxaan khalad ka raadineynaa Qur'aanka. Muddo kadib ayey yiraahdeen waxaan helnay, kalmad khalad ah Luqad ahaan iyo Cilmi ahaanba oo ku jirto Qur'aanka, khaladna ku ah halka loo isticmaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Culumada Seyniska Reer Galbeedka Qaarkood ayaa yiri: Waxaan khalad ka raadineynaa Qur'aanka. Muddo kadib ayey yiraahdeen waxaan helnay, kalmad khalad ah Luqad ahaan iyo Cilmi ahaanba oo ku jirto Qur'aanka, khaladna ku ah halka loo isticmaalay. Waxay yiraahdeen: Suuratu AlNamal, Aayadda 18 aad. waxa ey sheegee in Quraanshadii Dhidigeed ey tiri: Quraanshooy Deegaankiina Gala yeeyna idin (Jajabin ) Suleymaan iyo Ciidamadiisu iyaga oo aan idin Dareemin.





 
Waxay yiraahdeen Gaaladii: Kalmadda Jabin ” la yaxdamanakum” waxaa loo isticmaalaa wax Qalalan oo jabayo, Quraanshada jirkeedu waa Hilib, maxaa loogu isticmaali waayay Kalmadda "Burburin” La yafmasanakum?. intaa ayeey ku doodeen.
 
Laba Sano kadib, isla Culumadii Gaalada ayaa qaarkood baaritaan dheeri ah sameeyay. waxa ey cadeeyeen in Sadax meelood Laba meel, Jirka Quraanshadu uu ka sameeysan yahay Saddaxda maado oo kala ah : (Sand, soda ash iyo limestone) waana isla Saddaxda maado ee Qarshada ama Dhalada laga sameeyo. Sidaa darteed waa loo isticmaali karaa Kalmadda Jabin, Aayaduna waa sax.
 
Kooxdiina waa wada islaameen. ( F.S: 1aad)
 
Ar Gaalaa !!!. meel aadan ogeyn ayeey Su’aal ka keenaayaan. iyagana meel eyna maleeyneeyn ayaa jawaab laga siiyaa.
 
FG:Wixii iga khaldan iga sax, wixii ka dhimanna ku dar.
 
Qore: Yahya Amir

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip