Saddax arrin ka ogow xerada ciidamada Jeneral Dhega-badan ee shalay la qarxiyey

1
Wednesday June 16, 2021 - 08:03:41 in Wararka by
  • Visits: 1192
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddax arrin ka ogow xerada ciidamada Jeneral Dhega-badan ee shalay la qarxiyey

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Xerada tabbabarada ciidanka xoogga dalka ee Janaraal Dhaga-badan oo ah Xerada loogu magac daray Janaraal Cabdikariim Yuusuf Adan Dhaga-badan, ee ku taallo Degmada Wadajirwaa goob lagu tababaro ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Tan iyo 2010-kii, marki la billaabay in ciidamada lagu tababaro, waxaa xeradaas ka soo baxayey dufcado ciidamo iyo maleeshiyaad aan dowladda ka tirsanayn.

Haddaba wax badan ka ogoow taariikhda Xeradaasi.

Xerada goorta la aasassay

Xerda Janaraal Dhega-badan oo ku taallaa xaafadda Jasiira ee Magaalada Muqdisho, waxay ku dhawdahay xerada Turkisom uu Turkigu ku tababaro ciidamada Soomaaliya.

Waxaana xeradan la aasaasay billowgii sannadkii 1991. Waxay xarunta xeredaasi laga yagleelay horay u ahaan jirtay warshaddii Nac-naca, balse ku burburtay dagaalladi sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay.

Inkasta oo ay Xerada maaulkeeda guud ahaan, ay gacanta ku hayso dowladda Soomaaliya, haddana qaar ka mid ah waddamada reer galbeedka ayaa dowladda gacan ka siiyo dhanka tababarrada iyo arrimo la xiriira.

Xerada goorta magaca laga beddelay

Xerada waxaa magacii hore ee ahaa ‘Warshadda Nacnaca’ laga beddelay sannadkii 2015, iyada oo wixi intaa ka dambeeyey loogu magacdaray Janaraal Dhega-badan, oo ahaa Abaanduulihi hore ee ciidamada xoogga dalka oo isla sannadkaasi ku dhintay weerar ay Al-shabab ku qaadeen Hoteel Saxafi.

Janaraal Dhega-badan oo ah sarkaal ka tirsanaa ciidanka Soomaaliya oo magac iyo maamuusba ku lahaa, ayaa looga magacdaray wixi ka dambeeyey sannadkii 2015.

Xerada oo marki hore ahayd Warshaddi nacnaca ee Soomaaliya, kuna burtay dagaalladi sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay billowgi sagaashamaadkii, waxay mar ahayd xero ay Al-Shabaab ku tababarayeen ciidamadooda.

Markii Muqdisho laga saaray ururkaas xiriirka la leh Al-Qaacidda, sannadkii 2010-kii, waxaa loo bedelay goob lagu tababaro ciidamada dowladda.

Waxayna ka mid ahayd xerooyiinka ugu muhiimsan ee ciidamada ugu badan ay ka soo baxaan.

Ciidamada lagu tababaro

Xerada Dhega-badan waa goob ciidan oo lagu tababaro dhammaan noocyada askarta Soomaaliya, mana ahan goob u gaar ah askar qaas ah.

Cabdisalaan Guuleed, oo ah taliye-kuxigeenkii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda, haddana ka faalloda arrimaha amniga Soomaaliya, ayaa BBC Somali u sheegay: "Maalmahan waxay dowladdu sheegeysay in dadka doonaya ay ka mid noqdaan ciidamada gorgor ku soo biireen, ay halkaa tagaan. Marka xeradu waxay ahayd meel tijaabada koobaad qofka lagu marsiiyo”.

"Ciidamada gorgor ee hadda lag qorayey, marka dadka raba inay qortaan ayaa lagu kala saarayey – qofka caafimaadkiisa, inuu yahay qof askarinimo ka bixi kara – ka dibna waxaa loo sii gudbinayey qaybaha kale uu tababarka ay ku qaadan lahaayeen ,” ayuu yiri Cabdisalaam Guuleed.

Inta badan ciidamada cusub ee ka mid noqonaya kuwa dowladda Soomaaliya, waxaa tijaabada ugu horreyso looga qaadaa xeradaas, ka dibna, waxaa loo sii gudbiyaa waddamadii ama goobihi kale ee lagu tababari lahaa.

Jananka xeradaasi loogu magac daray

Janaraal Dhega-badan, wuxuu ka mid ahaa taliyeyaashii ugu caansanaa ee ciidamada Soomaaliya.

Cabdikariim Yuusuf Adan (Dhega-badan), ayaa ka mid ahaa dadkii 2015-kii lagu dilay qaraxi lala beegsaday Hoteel saxafi, oo ay ku dhinteen 15 qof.

Dhega-badan ayaa sida oo kale ka mid ahaa saraakiisha ciidan ee sida weyn uga muuqday dagaalki Soomaaliya ay Itoobiya la gashay, taariikh badanna ku lahaa guulo badanna ka soo hoyey.

Waxaa sida oo kale lagu xusuustaa inuu yahay sarkaal ciidan oo muddo dheer hoggaaminayey dagaalka lagula jiro Ururka Al-shabaab ee ka dagaallamay Soomaaliya.

Qaraxa shalay ka dhacay xerada ciidmada lagu tababaro ee General Dhega-badan, waxaa ku dhintay ugu yaraan 10 qof oo ka mid ahaa dhallinyaro dooneysay in ay ku biiraan ciidamada xoogga dalka.

Sidoo kale waxaa jiro dhaawac soo gaaray illaa 20 kale oo ku sugnaa bannaanka koontarool-ka laga galo xerada, ciidanka ee General Dhaga badan.

"Dadka qaraxaas ku waxyeelloobay waxaa u badan dhalinyaro sugeysay Baaritaanka koontoroolka, ka hor inta uusan dhex galin qof naftii halige ah”, sidaas waxaa Warbaahinta Qaranka u sheegay, Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Janaraal Odawaa Yuusuf Raage.

Ma aha marki ugu horreysay oo xeradan uu weeraro qof isku soo xiray walxaha qarxa.

4-tii bishii tobnaad, sannadkii 2017-kii, ayey ahayd marki uu gudaha xerada isku qarxiyey nin watay dharka ciidanka, halkaasna ay ku dhinteen shan askari, 15 kalana ay ku dhaawacmeen.



Saddax arrin ka ogow xerada ciidamada Jeneral Dhega-badan ee shalay la qarxiyey

Isha: BBC


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip