Xildhibaannimo ma rabo!!!=Ma Buuxi karo shuruudahaan=.

1
Wednesday June 09, 2021 - 23:59:59 in Wararka by
  • Visits: 1251
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaannimo ma rabo!!!=Ma Buuxi karo shuruudahaan=.

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

1. Nabadoonkii Reerka oo kaa iibsado Codka Reerihii aad ka wada tirsaneedeen.

2. Wadaadkii xumaanta kaa dhaariyay Doorashada kadib, oo isla isagii kuugu imaanayo in aad sameyso wixii uu kaa dhaariyay.
3. Mid aadan aqoon, oo wax aadan aqoon ii qabo ku leh, kuna doodaayo in aad ku fadhido kursigii Beesha uu ka tirsan yahay.
4. in aad Gole Shacab kula jirto xil dhibaano aan ogeyn awoodooda sharci.
Xalaaleynayana Xumaanta Xukuumaddu rabto.
5. in aad khiyaanto Dadka, Dalka iyo Diinta. Baarlamaankana aad ka dhax weyso koox kuula damqato Dalka.
6. Deegaan doorashadaadii Dib ha ugu noqon, ha u damqan Dulmiga lagu haayo, Dekadahooda iyo Dalagooda in la daldasho, in ey deegaankoodu ey Dowlad Gobaleed noqdana u diid.
7. in aad Runta ka cabsato, wax Allaah kaa mamnuucayna aad fuliso.
8. Mooshin iyo Magacaabid Miiska saaran, marsii hana ka murmin.
9. Dal Cadaw ah u duceey, Mid saaxiib ahna sagooti.
10.warkeeyga yeel, waxna qaado, wadankana hilmaan. Dalka, Dadka iyo Diintana dayac.
11. Doorasho hore loo kala gatay "Prepaid Vote” loona diyaarsaday, ka daba orod Adiga oo aan ka doodin kana dagaalin markii la daahfurayaye.
12. Dhibane aadan wax u qaban karin iyo Dulmiloow aadan ka dhici karin.
Aniga maya.
 
Dambi halka ii gaar ah ayaanan Duud qaado u aheyn ee Alloow Mid Dadka iyo Dalka laga galo ha iigu darin.
 
Akhristayaasha, Waxaan idinka Codsanayaa in aad iigu duceeysiin in aan Allaah igu ridin Cudurka Musharax Xildhibaan oo beryahaan Dalka aad ugu fiday iyo in aanan ku qarwin Hop XYZ.
 
Waxaan Alla ka Baryaa in uu ducadiina ii aqbalo. Alloow Adigaan Adoonkaagii ahay ee ha igu ridin Cudurka Xildhibaan ee Hadda jiro.Alloow ha iga dhigin Xildhibaan. (F.S: 1, 2, 3 & 4aad) Aamin.
 
Qore : Yahya Amir


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip