Qurba joog Qadiin leh=Faallo=
..
Saaxiibkey Maxamed Cali, isaga oo dhalin yar ah oo Qurxan oo "Abuu Ukun” ah oo Luga toos toosan ayuu naga tagay oo Yurub uu u tahriibay. ( F. S: 1& 2aad) ).
Waqtigii Yurub ayaa ku dheeraaday, waxaan Maqlay 5 Sano ka hor in uu kufay oo Lug uu "meeno Aaryo” ka noqday, ( F.S: 3aad) Hadda wuxuu noo noo soo socdaa isaga oo Qof kale ah, Lugihii kala qaloocdeen Dhogortii cadaatay oo waarax waarax u socdo. ( F.S: 4, 5 & 6aad)
Kaaga darane Surwaal ku dhagan ayuu wataa, Xaaskiisii iyaduna Baraf ayeey ku barbaariiqatay ( F.S: 7 & 8aad)
Caruurtiisiina iyaga oo Qurux badan ayuu naga watay ( F.S: 9aad) hadda wuxuu noo soo wadaa ilmo dhoor leh oo aad ka cabsee ( F.S:10 & 11aad ).
Dadka waxaan dhihi jiray waa walaalkey, Waana Da’dii iga yareyd, Hadda waa in aan iraa waa Adeerkeey waana Da’dii Aabaheey ka yareyd.
Odayga Baasaan u dirnee, Oday Busaaradeeysan oo buus buusan miyaan sugeeynay. Qurbuhu maxey Dad qayirtay !.
Ar ila soo dhaweeya Saaxiibkeyga Qaaliga ah.
Amaad Adinkuna Sidaas noqoteen?
Qore: Yahya Amir
Qurba joog Qadiin leh=Faallo=
..