Ma lagu Tuka karaa Salaadda " Face Mask"?=Axadiith ka hadlaysa arinkaasi=

1
Tuesday May 25, 2021 - 20:12:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1453
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma lagu Tuka karaa Salaadda " Face Mask"?=Axadiith ka hadlaysa arinkaasi=

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Imaamyada Masaajidda Qaar, waxa ey Dadka ku yiraahdiin Iska saara "Face Mask” inta aad Salaadda ku jirtaan. ( F.S:1aad).

 
      Waxaa Jiro Xadiith Rasuulaka CSW uu ka soo wariyay Ibnu Cabaas RC. Rasuulku CSW waxa uu yiri: Waxaan idin Farayaa in aad ku sujuudaan 7 Xubnood. Fartiisa waxa uu ku tilmaamay Sankiisa, Labadiisa Gacmood, Labada Jilib, Iyo Labada Cagood qeybta hoose Qoobka dhinaciisa.( F.M: 2aad) fiiri Bukhaari 812.


 
       (Xadiithku waxa uu muujinaa Marka aad Sujuudee, ee aad wajiga Dhulka dhigee in aad Sankana ku taabato).
 
Waxaa Jiro Xadiith kale oo Rasuulka CSW laga soo wariyay oo Culumo badan ey isku raaceen oo leh: Salaad male Qofkaan Sankiisu dhulka taaban. ( F.M: 3aad).
 
        Madaahiibtu siyaaba kala duwan ayey u sharaxaan. Madhabka Shaafiyadda ee Somalidu u badan tahay, waxa uu qabaa: Waxa aad ku Sujuudee waa in ey yihiin, wax aan kor kuu soo raaceyn marka aad istaagto. sida Adiga oo wajiga ama Sanka oo ah Xubniha Sujuudda aad Cimaamad, fasaleeti ama Face mask aad ku duubato, oo marka aad Sujuudda dhameeyso ey kor kuu soo raacaan.
 
       Si kastaba, Waxaa Rasuulku noo sheegay in Qofka Beni Aadamka ihi, marka uu Allaah ugu dhawyahay ey tahay marka uu Sujuudayo. Haddaba marka aad Allaah ugu dhawdahay ee Wajigaagu dhulka yaal, miyaad aamini weyday Gogosha aad ku Sujuudee oo aad ka baqday in Cudur kaa soo raaco, Adiga oo Allaah hor taagan, Face maskina uu kaa badbaadiyo. Sujuudaadana Shaki ha iska galin, Maradii aad ku sujuudayna yeyna kor kuu soo raacdin.
 
Dadaal ma xumo, khiyaarna Adigaa leh.
 
     F.G:Wixii iga khaldan iga sax, wixii ka dhimanna ku dar.
 
Qore: Yahya Amir

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip