Adigoo Doorasho ka Caraaraa Dagaal iyo ceeb ka daran ha noo keenin=Nasashada Jimcaha.Q-253=

1
Friday May 21, 2021 - 22:22:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1485
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Adigoo Doorasho ka Caraaraa Dagaal iyo ceeb ka daran ha noo keenin=Nasashada Jimcaha.Q-253=

    1. Caasha yareey ayaa la yiri: Markasta oo aad Qubeeysanee maxaad irida u balaqdaa? waxa ey tiri: waxaa i wareeriyay Ciyaal Baqbaqa Albaabka iga fiiriyo. ( F.S: 1aad). ( Adigoo Doorasho ka Caraaraa Dagaal iyo ceeb ka daran ha noo keenin) 2. Seyna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1. Caasha yareey ayaa la yiri: Markasta oo aad Qubeeysanee maxaad irida u balaqdaa? waxa ey tiri: waxaa i wareeriyay Ciyaal Baqbaqa Albaabka iga fiiriyo. ( F.S: 1aad). ( Adigoo Doorasho ka Caraaraa Dagaal iyo ceeb ka daran ha noo keenin) 2. Seynab oo Hooyadeed ka dhuumanee ayaa Habeen barkii ka baxday Daaqadda Qolkeeda si ey ugu tagto saaxiibkeed Hassan. markii ey ag mareysay Qubuur wadada u dhaweyd ayeey aragtay Qubuurtii oo Suuq noqotay iyo Reer Aakhireedkii oo wax ku kala iibsanayo oo isku buuqayo. Dib ayeey u soo carartay, Guri u dhawaa ayeey garaacday iyada oo neef tuuree, Oday ayaa ka furay, wixii ey soo aragtay ayeey u sheegtay iyada oo ka codsanee in ey gudaha soo gasho. Odaygii ayaa ku yiri: Ma saacadaan ayaa Qubuurahaa la ag maraa. Dadka Magaaladaan joogo wey wada ogyihiin. Anniguba markii aan noolaa, ma ag Mari jirin habeenkii. Gabadhii indhaheedu sida ey noqdeen ha i weeydiin. (Dhalinta Habeenkii ka dhuumanayo waalidka, ee Saaxiibadood aadayow, Habeen ha u bixin meel aan waalidku ogeyn, Magaaladu waa wada Qubuur iyo wax u dhigmo, waalidkuna wanaag ayuu kula jecelyahay, waa iga talo) 3. Doctor Daahir ayaa Maxamed Mobile ku yiri: waa in aad "exercise-ka" Jimacsiga Jirka aad Maalin kasta sameeyso si Jirkaagu u dhismo oo "Six bag" aad u yeelato. Maxamed ayaa yiri: Datoore, Haddaba Maalin kasta waxaan Ciyaraa Kubadda Cagta, Orodka, tartanka Bicycle-ka, Jimacsi iyo Ciyaaro kale oo badan. Dator Dahir ayaa yiri: Aad ayaad u wanaagsan tahay. waa sidii lagaa rabay, ilaa meeqa saac ayaad Ciyaaraa ? .Maxamed ayaa yiri: ilaa Mobile keeyga Dabku ka dhaco. (War Ciyaalka ha loo sheego "Baba jey" iyo Mobile game, Jimacsi ma ahan ) 4. koo Reer Gaalkacyo ah ayaa Shalema Banadir oo uu ka socdo Filimkii" il Bouno, il Burutto,il Cattivo", ayaa waxa uu soo goostay Ticket uu Shaleemada ku galo, xoogaa kadib ayuu mar kale soo noqday si uu ticket kale u goosto. markii 15aad ayaa kii Tiketka iibinayay ku yiri: war Adigu tikidhada miyaad ka ganacsataa? Gaalkacyoodkii ayaa yiri: Maya, kaalay ila arag ,ma u jeedaa Ninkaa feeraha weeyn ee taagan irida Shaleemada laga galo, kaa ayaa markii aan u tagaba tiketka iga jeexo oo bar la haro, markaa ayaan mid cusub kaa soo doonanayay. ( F.S: 2 & 3aad) (War, Somalidu 15 Shir ayeey isagu timid ee yaa Go'aanada ka jeex jeexo oo dib u celiyo) 5.Nin iyo Xaaskiisa oo Gurigooda wada joogo ayaa waxaa u soo galay Nin Tuuga ah oo Gacanta ku wato Cirbad uu ku soo Muday Dhiigiisa, Tuuga oo qabay Xanuunka HIV Aids , waxa uu yiri: wixii Lacag iyo Dahab Guriga yaal keena, Haddii kale waxaan Ninka ku mudayaa Cirbadaan dhiigu ku jiro. Ninkii ayaa yiri: 5 daqiiqo i sug, Qolkiisii jiifka ayuu galay, wax ayr kadib ayuu soo baxay, waxa uuna yiri, igu Mud haddii aad rabto. Tuugii ayaa Cirbadii Garabka uga muday oo dhiigii ku shubay, Tuugiina waa iska baxay. Xaaskiisii ayaa tiri: war maxaad Cirbadda ku dooratay. waxa uu yiri: war ma heeysid, Tuugaa Dabbaalka ihi wax ma fahmin, markii aan Guriga galay , waxaa meeshii hoose soo gashaday Condom. Ciddii ayaa Maalintaa wixii la dambeeyay wada isticmaalayay Condom, si ey Cudurada isaga ilaaliyaan. Xaaskii oo Timaha ku xiratay iyo Caruurtii oo Sigisyo ka dhigatay. ( F.S: 4 & 5aad) (Siyaasi ayaa yiri: wadamada Derisku wax ma ogi, waxaan u saxiixay Heshiis aan Baarlamaanku Ansixin. Siyaasiyoow adigaan wax ogeyn oo Cirbaddu kugu mudan tahay, Heshiisyada Caalamiga ah qaar, Sharciga "international Law" kuma xirayo Ansixinta Baarlamaan, haddaadan marka hore Sharad looga dhigin. 6. Nin sheikh ah oo Xertiisa wacdinaayo ayaa yiri: Aakhiro ayaan u wada soconaa, 100 Sanno ha noqoto ama ka badan, waxaa jiri Doonto Maalin Aniga iyo Xerteeyda oo dhan Midna uuna nooleeyn oo Masjidkaan aan ka wada maqan nahay. Wiil yar oo wacdiga wax ka dhageeysanay, ayaa Si farxad leh u qoslay oo yiri: Alxamdu lilaah. Sheekhii ayaa yiri: Maxaad ku farxday oo aad ku xamdinee? wiilkii ayaa yiri: Shiikhoow soow ma dhihin Xereey 100 sanno ka dib midi idinkama Noolo, Masjidkaana ma imaan doontiin 100 Sanno kadib waadna wada dhimaneysaan wakhtigaa ka hor. Shiikhoow, Annigu wacdiga ayaan iska dhageysanayay ee Xertaada kuma jiro. ( Annigu Xildhibaan waa ahaa, maalintii khaladkaa la ansixinayay. Baarlamaanka waan fadhiyay, kamana hadal, umana Codeeyn aaaa !!! taasi eed makaa reebee?). FG: Raali ahaada Caawa waan idinka soo daahiyay, Degdegtii ayaa Mobile kii Dhulka iiga dhacay, Shaashadii ayuuna ka jabay. aad ayaan u naxay, kama nixin Shaashada iga jabtay ee waxaan is iri, Saaxiibadaadii " Face Book friends-ka" ee Mobilka iigu wada keydsanaa, oo aan aad u qadariyo amaa qaar kood dhaawac gaaray, Sidee tihiin, yaa Jug qabo. Qore: Yahya Amir

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip