Mogadishu iyo Canshuurtii Reer Mataanka.=Warbixin Taariikhi ah=
...
Marxaladihii ey soo martay Xamar oo Badnaa haddii aan ka soo qaato Saddax iyo Canshuurtii Reer Mataanku ka qaadi jiray Magaalada sida ku qoran Buugaagtii iyo Qoraaladii Hore.
Marxaladda A.
Wakhtiyadii hore Mogadishu.waxa ey aheyd Magaalo kaligeed maamul leh "City-State” waxa ey xiriir aad u fog la leheyd Qaranno hore u jiray iyo kuwo Hadda Magacoodii isbedelay Sida: Phoenicia, Ptolemic, Egypt, Greece, Parthian,Persia, Saba, Nabataea iyo Boqortooyadii Roman.
Badmareenadii hore ee Somalida ayaa isticmaali jiray Doomo Xamuulka qaado oo loo yaqiin "Beden” ..Romaankii iyo Giriigii hore waxa ey u yaqiineen Dhulka "Sarapion”. qarnigii 1aad ka hor.
Marxaladda B.
Mr.Duarto Barbosa, waxa uu yimid Mogadishu qiyaastii 200 Sano Ibnu Batuuta kadib. Mr.Duarto Barbosa oo ahaa sarkaal ka tirsan Boqortooyadii Boortaqiiska oo tegay Mogadishu. waxa uu yiri: Mogadishu waxa ey aheyd Magaalo weyn, waxaa ka talinayay Suldaan Somali ah, waxaa loo soo dhoofi jiray Mogadishu, Dharka Xariirta iyo Suufka ah, Caleenta Shaaha, Bunka, filfisha, kabsarta iyo Badeeco kale oo badanaa laga keeno Hindiya iyo Cadan.
Waxaa Mogadishu laga dhoofin jiray: Dahabka, Faanta Maroodiga, Xabkaha iyo Badeeco kale oo Badanaa laga keeno Bariga, Bartamaha iyo Koofurta Afrika, Mogadishuna waxa ey aheyd halka laga sii dhoofiyo. ( FG: Hore waxaan u soo qoray sida Buugaag Badan oo Reer Yurub ey qoreen ey ku sheegeen in Somalidu ey Mustacmarad ey Gumeystaan ka sameeyeen Magaalada loo yaqaan "Sofala” ee Dalka Mozambique Halkaa oo ey Dahabka ka qodan jireen, Cadeeynteediina la hayo).
Mr. Duarto Barbosa, waxa uu yiri: Suuqyada Magaalada waxaan ku arakay iyada oo lagu iibinayo:Hilib, Galley, Masago , Fardo, khudaar iyo badeeco kale . Dadku waa Madow iyo Maariin, waxa ey ku hadlaan Afka Somaliga ,Afka Carabiguna waxa uu ahaa Afka Ganacsiga. waxa eyna ahaayeen Dad ku dagaalamo Falaaro leh Mariid.
Marxaladda C
Waxa ku dhawaad 100 sano ka hor, inkasta oo Magaalada ey kor ka Xakumayeen Reer Imaam oo ah Beesha Awbakar Gaabane, haddana Magaalada Cashuurta laga qaado iyo Maamulkeeda hoose waxaa Gacanta ku hayay Xassan Geedi Abtoow oo ahaa Reer Mataan, Maraakiibtuna kuma soo xiran jirin Dekadda Muqdishu ilaa isagu uu fasaxo.Laakin Qoraal kale oo aan akhriyay waxa uu leeyahay Cashuurta Reer Mataanku waxa ey jirtay sandkii 1720, muddo hadda laga joogo 301 (Saddax Boqol iyo hal) sano, laga yaabee in ey ka sii horeysay. waxa uu leeyahay Markii Maamul ahaan ey Darandoole Mudulood ku asaaseen maamulkooda gudaha iyo Banaaka Mogadishu: wacdaanka Afgoi, Hilibi Shabeelada Hoose, Moobleen qeyb ka mid ah Shabeelaha dhexe, Mataankuna Gudaha iyo Hareeraha Mogadishu ayeey masuul ka ahaayen Cashuur laga qaado Magaalada iyo Dekadda iyaga oo ahaa Kuwii maamulayay Maaliyadda Magaalada.
FG: waan jeclaa lahaa Haddii aad igu biiriso Aqoon ogaal kale ama aad ii heli karto Tariifadii Canshuurtaa 301 sano ka hor ama Nuqul ka mid ah Boonadii wax lagu Cashuur jiray.
Qeyb yar oo aan ka soo Copiyay Qoraal kale oo aan Tarjumay oo aad u dheeraa ayaa ka soo qaatay intaan:
(( The Darandoolle Mudulood established themselves around Mogadishu and Shabelle river valley in which Wacdaan inhabited the environs of Afgoye, Hilibi in Lower Shabelle, Moobleen went part of the region now known as Middle Shabelle, while the Mataan established themselves in and around Mogadishu city, where 1720 Mataan collected tax and port tariffs of the city, and emerged as the authority of Mogadishu city)).
Haddii aad rabto qaar ka mid ah Buugaagtii Mr. Duarto Barbosa, Socdaaladii uu ku tagay Magaaloyin Badan oo Somaliya ka mid ah , Dalka Hindiya iyo Sawiradiisiiba ( F.S: 1- 8aad).
Marxaladda D.
Marxaladd Hadda lagu jiro, Adigaan kuu Dhaafay.
FG:wixii aan ka khalday ka sax wixii ka dhimanna ku dar.
Qore:Yahya Amir
Mogadishu iyo Canshuurtii Reer Mataanka.=Warbixin Taariikhi ah=
...