Waa kuma ninka Muslimka ah ee noqday qofkii ugu taajirsanaa ee dunida soo maray?

1
Friday May 14, 2021 - 22:03:32 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1318
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa kuma ninka Muslimka ah ee noqday qofkii ugu taajirsanaa ee dunida soo maray?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Liiska dadka hadda ugu taajirsan dunida waxaa ka dhex muuqda Jeff Bezoz, Elon Musk iyo Bill Gates, laakiin marka hantidooda oo dhan la isku wada daro kuma dhawaaneyso dhaqaalihii uu heystay ninkii lagu tilmaamay inuu ahaa bani’aadankii ugu taajirsanaa ee soo maray dunida, taariikhda la ogyahay.

Mansa Musa wuxuu ahaa boqor ka talin jiray waddanka Mali oo ku caan baxay inuu si xad dhaaf ah u heystay hantidii ugu qaalisaneyd xilligaas oo ahayd Dahabka.

Kumuu ahaa Mansa Musa?

Mansa Musa wuxuu boqortooyo heystay qarnigii 14-aad, sida cajiibka ah ee uu dahabka u heystay ayaana ka dhigtay qofkii ugu taajirsanaa ee abid kusoo noolaada caalamka.

Wuxuu dhaxlay boqortooyadii uu ka tagay walaalkiis oo lagu magacaabi jiray Mansa Abu Bakar, kaasoo safar uu badda ku aaday aad dib uga soo laabanin.

Musa wuxuu markaas kaddib sii kordhiyay hantidii ilaa ay ka gaartay heer aan xisaab lahayn. Hase yeeshee ninkan ma aha mid baal dahabi ah uga jira taariikhda waddamada reer Galbeedka.

Wuxuu ahaa nin heysta diinta Islaamka, mid ka mid ah waajibaadka u yaallayna wuxuu ahaa inuu soo xajiyo.

Safarkiisii Maka

Inkastoo boqortooyadii Mali ay saldhig u ahayd dahab faro badan, haddana boqortooyada laf ahaanteeda aad caan uma ahayn.

Safarkii Maka wuxuu caan ka dhigay Mali iyo boqortooyadii Musa

Laakiin arrintan waxay isbaddashay markii uu Mansa Musa, oo muslim ahaa go’aansaday inuu soo xajiyo, isagoo sii maraya lama degaanka Sahara Desert iyo Masar.

Waxaa lagu soo warramay in Boqorku uu Mali kala tagay wafdi ay tiradoodu gaareysay 60,000 oo rag ah.

Waxaa raacay dhammaan saraakiishii boqortooyadiisa, askartiisii, majaajileystayaashiisii, ganacsatadiisii, wadeyaashiisii gaadiidka geela iyo 12,000 oo addoomo ah.

Waxaa sidoo kale raacay ari aad u faro badan oo isugu jiray riyo iyo ido.

Marka taariikhda looga sheekeynayo waxaa lagu tilmaamaa in safarka boqorku uu ahaa magaalo guureysay oo dhex mareysay Saxaraha.

Burburkii dhaqaalaha Masar

Qaahira markii ay gaareen 1324-kii, magaalada caasimadda u ah Masar waxaa qaatay duufaan dhaqaale oo ahayd mid ka mid ah kuwii ugu darnaa ee ay shacabkeeda abid arkaan.

Mar qura waxaa magaaladii buux dhaafiyay kumannaan qof oo afrikaanka madow ah oo isugu jira ciidamo madow ah, muusikiisteyaal, ganacsato, aqoonyahanno iyo adoomo dhammaantood wada heysta dahab xad dhaaf ah. Xitaa geela iyo fardaha safarka la socday waxaa ku raarnaa dahab.

A caravan in the desert

Dadkii saboolka ahaa ee magaalada ayaa loo qeybiyay dahab iyo lacag aad u badan. Sidoo kale waxay sameeyeen ganacsi deg deg ah oo ay dadka badeecooyinkooda uga baddalanayeen dahabka ay wateen.

Sida uu u badnaa dahabka la bixiyay awgeed waxaa dhulka galay dhaqaalihii magaalada Qaahira, dibna uu usoo kabsan waayay muddo 10 sano ah.

Musa wuxuu Masar galay isagoo ku fadhiya kursi dahab ah, dharkiisu ay dahab yihiin, ul dahab ka sameysanna gacanta ku heysta.

Dr Rudolf Ware, oo ka tirsan Jaamacadda California, ayaa sheegay in hantida Musa ay gaartay heer aan la qiyaasi karin.

"Siyaabo kala duwan ayaa dhaqaalihiisa loo cabiray waxaase la isku raacay in uu gaarsiisanaa heer uusan wax saameyn ah ku yeelaneynin hoos u dhaca laga dareemo dhaqaalaha dunida inteeda kale. Si sax ah looma garanayo inta ay la ekeyd lacagtiisa, ma waxay ahayd $400 bilyan, $500 bilyan, $600 bilyan… dadku waxba kama yaqaannaan tirada,” ayuu yidhi.

Markii uu kasoo laabtay xajka wuxuu Mali iyo deegaannadii ku xeernaa ee uu maamulkiisa gaarayay ka billaabay maalgalin lagu xoojinayo aqoonta diinta Islaamka. Wuxuu dhisay masaajidyo badan iyo jaamacado.

Djinguereber Mosque
Mansa Musa wuxuu amray dhismaha masjidka caanka ah ee Djinguereber sanadkii 1327
 

Aqoonyahanno isaga kala imaanayay dunida meelaheeda kala duwan ayaa u tagayay Mali si ay wax uga bartaan Culuumta islaamiga ah iyto shareecada.

Xaguu ku dambeeyay Mansa Musa?

Boqortooyadii Mali sare ayay usii kaceysay inta badan waqtigii uu noolaa Musa. Xitaa markii uu dhintay kaddib – oo lagu qiyaasayo inay ahayd 1337-kii – boqortooyadu waxay kusii hor martay intii ay gacanta ku hayeen wiilashiisii.

Hase yeeshee markii ay kordheen boqortooyooyinka kasoo hor jeeday ee cadowga ku ahaa sidoo kalena ay bateen xeeladihii ganacsiga adduunka, boqortooyadii Musa uu ka geeriyooday waxay billowday hoos u dhac qarnigii 15-aad.

Inkastoo uu dhaxal layaab leh uga tagay adduunka, Mansa Musa laguma xuso culuumta taariikhda ee laga bixiyo waddamada Mareykanka iyo Yurub.

Kathleen Bickford Berzoc, oo ka tirsan Madxafka farshaxanka iyo taariikhda ee "The Block Museum Art” ayaa arrintaas ku micneysay mid salka ku heysa marxaladihii ugu adkaa ee soo maray Afrika.

"Nidaamnii gumeysiga iyo ganacsigii adoomada ee Atlantic-ga ayaa saameyn aad u weyn ku leh habka ay Mareykanka iyo reer Yurub u wajahaan taariikhda qaaradda Afrika iyo shakhsiyaadka soo maray Afrika,” ayay tidhi.

Xigasho:BBCSomali



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip