Ar, Ar, Ar, Ar.(Ar Adigaa, Ar Dadaa !!!. Ar Unuunkaa, Ar ma innaga, Ar Hay) =Faallo=
...
Ar Adigaa, Ar Dadaa !!!. Ar Unuunkaa, Ar ma innaga, Ar Hay, Unun. Badanaa wax is diidan Lana wada ogolyahay.
1. Haddii Wiil Arday ah uu uureeyo Gabar ey isku fasal yihiin, iyadii wax barashada waa ka haree, isagiina waa sii wadaanaa wax barashadiisa.( Ar Dadaa).
2. Haddii Nin uu soo iibsado Baabuur qurxan, waxaa uu soo jiitaa Haween badan. Haddii Haween ey soo iibsato Baabuur qurxan, Ragga Badankiisa wey ka eridaa Baabuurkeeda. ( Ar Ununkaa yaabanay).
3. Wiil ayaa waxa uu arkaa Saaxiibtiis oo Nin kale la socoto, waxa uu garaacayaa Gabadha Saaxiibtii ah.
Laakin, Gabar ayaa waxa ey arkee Saaxiibkeed oo Gabar la socdo ,waxa ey garaacee Gabadhii, intii ey wiilka qabsan leheyd. ( Ar ma innaga).
4. waxaa dhacda Ninku marka da’diisu sii badato, waxaa bato fursadaha uu Haween ku heli karo.
Haweenka marka Da’doodu sii kororto waxaa yaraado fursadaha ey Nin ku heli karaan. ( Ar Dadaa).
5. Nin 76 jir Doobnimo ku gaaray, waxa uu guursan karaa Haween 26 jir ah.
Laakin Naag 40 jir ah, waxaa la leeyhay Da’ dii guurka waa dhaaftay.( Ar hay ununa)
6. Nin hadduu xaaskiisa furo maanta, Berri waa guursan karaa xaas kale. Haweeneydii uu furay waxa la leeyahay waa Garoob, waxaa laga yaabaa in eynan Guursan Sannad ama ka badan. ( Ar Dadaa).
7. Nin ayaa markii Xaaskiisu geeriyooto, waxa uu guursanayaa Tacsida kadib Hal Maalin. waxaa la leeyahay hambalyo, Guriga iyo caruurtu Hooyo la’ aan ma ahaan karaan.
Haddii Naagtii Ninkeedu dhintay ey Guursato 6 Bilood kadib, waxaa la leeyahay waa deg degtay, ama waxaa la leeyahay Ninkaan Cusub horeey u wada socdeen, intii Ninkeedii hore uu noolaa, Haddaanba la dhihin Marxuumkii hore iyada ayuu sababsaday. ( Ar Ununkaa yaabnay).
8. Haddii Nin xaasle ah lagu qabto Gogol dhaaf isaga oo Naag kale la jiifo, Xaaskiisa waxaa lagu Maslaxayaa, Ceebtiisa astur, iska cafi, khalad ayuu galay Adigoo joogo hadduu Naag kale oo xaaraan ah uu Damcay.
Haddii Xaaska lagu qabto iyada oo Nin kale la jiifto, Ninka waxaa lagu leeyahay: Iska Fur tani Naag kuu noqon meeysee.( Ar Dadaa)
9. Haddii Siyaasi Reer Tolkaa ihi uu khalad galo waad difaacee khaldkiisa, Qofkii aan kula difaacinna waa qabyaaldiiste ama waa Doqon.( yaah innagaa).
10. Nin weyn ayaa Dharkiisa oo dhan iska bixinayo oo Haween horteeda isku qaawinayo, Markaa kadib ayuu qeyb yar oo jirkiisa ka mid ah uu ku asturayaa "Condom” isaga oo weli intii kale ka qaawan.
Muxuu marka hore isku wada qaawinayay haduuba haddana qeyb asturayo.( Ar Dadaa).
11. Haddii Haween ey Lacagteeda ku fara adeygto waxaa la leeyahay, Lacagteeda isaga ciyaari meyso waa qof Caqli badan.
Haddii Ninku uu Lacagtiisa ku fara adeeygu waxaa la leeyahay waa Bakhiil.( Ar Dadaa)
12. Maxamed dheere ayaa Jowhar waxa uu ka mamnuucay Shaloomooyinka Maalintii la daawado kuwaa oo u badan Qol la dhax dhigay Dhalo TV ah, oo badanaa lagu fiirsado Hindi la tarjumay. Waxa uu Amray in la xiro Shaleemooyinka, Sababta oo ah Maalintii Ciyaalku waxa ey aadaan wax barasho, waxaana la Dhaawan karaa oo kaliya Habeenki ilaa 9ka fiidnimo. waxaa la yiri waa jaahil Aqoonna male.
Koo Jaamiciya ayaa Xilkii kala wareegay waxa uu yiri: Ciyaalka Maalintii ha loo fasaxo Filimada si ey u daawadaan Koobka Ciyaaraha Aduunka. ( Ar Dadaa )
13. Ganacsi waxa uu dhax maraa Laba dhinac. Naagaha qaar waxaa la leeyahay Jirkeeda ayey ka ganacsadaan, Aaway Ninkii ganacsiga Qeybta kala ahaa, soow isaguna Jirkiisa kalama ganacsan Haweeneyda.
Maxaa Haweenka oo kaliya loo leeyahay Haweenka Jirkooda ka Ganacsado, Yaahuu. Rag ayaaba si Toos ah Jirkooda uga iibiyo Haween ama Rag kale ( Ar Dadaa)
14. Haddii Nin Shaqaale ah Loo bedelo Magaalo kale, Qooyska oo dhan waxa ey Aabaha ula guuraan Magaalada loo bedelay.
Laakin, Haddii Haweeneyda loo bedelo Magaalo kale. Kaligeed ayeey aadaa Magaalada loo bedelay ama Shaqada ayey isaga tagtaa. ( Ar Ununkaa yaabnay)
15. Haddii Xaaladda Dalka ka jirto aan aragtideeyda ku cabiro sida ey iigu muuqato. Mid ayaa waxa uu leeyahay Aqooneey Xaal qaado iyo Qabyaaladiiste ayaa tahay.
Haddii aragti looga been sheegayo aan ku amaano Siyaasi uu ku aragti yahay, waxa uu i leeyahay waxaa tahay Aqoon yahan Wadani ah.
waxaase jiro kuwa Runta aan Run u wada naqaan, Beentana aan Been u wada naqaan, oo wixii khaldan aan isla wada saxno, Wixii wanaagsan aan isku raacno. ( Ar Dadaa).
16. Haddii Nin uu Muddo Dheer ka soo shaqeynayay Heyad ee Loo magacaabo Maareyaha Guud ,waxaa la leeyahay waxa uu ku muteystay Howl karnimo iyo Dulqaadkiisii Mudadaa dheer.
Haddii Haweeney Muddo dheer ka soo shaqeyneysay oo howlkarad ey aheyd loona magacaabo Maareeyaha Guud, waxa la leeyahay waxa ey ku heshay Xiriir hoose ayey la leheyd Madaxda Sare qaar, ama hebel ayeey la seexatay.( Ar hay unnuna ).
17. Marka aad Dhalato waxa ey Dadku ku siinayaan Magac kuu gaar ah oo kaligaa laguu yaqaan.
Markaad dhimato, wey kaa naqsanayaan magacii, waxaa eyna ku siinayaan Magac kale oo Dadka oo dhan kaala dhexeeyo, oo la yiraa "Meydka”. kaagii Runta ahaana waa kaa reebanayaan, si qof kale ey u siiyaan. sidii ey kaaga reebteen Xaas, Sey iyo Xoolo wixii aad leheyd. ( Ar Dadaa).
18. Markii aad Dhalatay Dhagaha ayaa lagaaga Aadaamay, Salaadna lama tukan. Markii aad Dhimatay Salaad ayey kugu tukanayaan lamana Aadaamayo. Aadaan aan Salaad leheyn iyo Salaad aan Aadaan leheyn. ( Ar Dadaa).
19. Markii aad dhalatay ma aadan aqaanin Qofkii kaa soo Saaray Uurka ee kaa soo umuliyay uurka hooyo oo noqday Qofkii ugu horeeyay ee ku taabatay. Marka aad dhimatana ma taqaanid Qofka ugu Dambeeyo ee Qabrigaaga galayo oo ah kii ugu dambeeyay ee dhinacaaga dhulka dhigay.( Ar innagaa).
20. Markii aad dhalatay waa laguu qubeeyay oo lagu Nadiifiyay ileeyn Adigu wasakhda iskama dhaqi kartide.
Markii aad dhimatayna waa laguu qubeeyay ileeyn wasakhda iskama dhaqi kartide. ( Ar Adigaa).
21. Markii aad Dhalatay Dadka dhalshadaada ku faraxsanaa ee isku Hambalyeynayay Qofna kama aadan aqoon. Marka aad dhimatana Dadka tiiraanyeeysan ee kuu ooyi doono ma taqaanid kuwa ey noqon doonaan. ( Ar Adigaa).
22. Uurka Hooyo waxa uu ahaa Meel mugdi ah oo Ciriiri ah, Qabriguna waa mugdi Ciriiri ah. Nolosha aad ku faanee ma Laba mugdi oo ciriiri ah ayeey u dhexeeysaa, aaway horuumarkii aad sameeysay intii aad nooleyd.( Ar Adigaa).
23. Markii aad Dhalatay Dhar yar ayaa laguugu daboolay si Cowraddaada loo asturo, ileeyn Adigu isma asturi kartide, Markii aad dhimatayna maro yar ayaa laguugu Asturay ileeyn Adigu Cowradaada ma Astura kartide. ( Ar Dadaa).
24. Markii aad qof weyn oo shaqa doon ah aad noqoto waxa lagu weydiinayaa Shahaadadaada iyo Khibradaada, imtixaan ayaana Madaxdu kaa qaadee.
Markii aad Dhimato Qabriga imtixaan ayaa Malaa’igtu kaa qaadee, waxaana lagu weeydiinayaa Cibaadadaada iyo Caqiidadaada. ( Ar Ununkaa yaabnay).
25. Haddii qof aan Necebnahay ey Musiibo ku dhacdo waxaan leenahay, Balaayaa heshay Dad ayuu dulmi jiray.
Haddii mid aan jecelnahay ey isla musiibadii ku dhacdo waxaan leenahay waa Qof wanaagsan, waa la imtixaanayay. ( Ar Dadaa).
26. Haddii Qof Siyaasi ihi uu Sannad ku taajiro, Xoolihii ummadduu xaday, Haddii Qof Ganacsataa uu ku taajro hal sanno waa dhiig miirad.
Haddii aad Qofkaa qaraabo tihiin waa ” Haaddaa Min Fadli Rabii”.
27. Runta iska sheeg haddii caawa maqaalkaan Badelkiisa aan ku soo qori lahaa "Suuradaha Idaajaa iyo Tabat” oo ka gaaban Qoraalkaan.
Ma wada akhri leheeyd, ma qeyb ayaad ka akhri leheyd, mise waa iska Gudbin leheyd. ( Ar Adigaa).
28. Haddii aan Maqaalkaan ku bedeli lahaa Maqaal Cinwaankiisu yahay, "Doorasha Somaliya iyo Doorka Qadar” Meeqa Comment ayaad ka bixin leheyd. (Ar Adigaa).
Comment miyaad soo wadda? Ar Ununkaa yaabnay.
Maxaa wax is diidan la is waafajiyay.
Qore : -Yahya Amir
Ar, Ar, Ar, Ar.(Ar Adigaa, Ar Dadaa !!!. Ar Unuunkaa, Ar ma innaga, Ar Hay) =Faallo=
...