Ma iska Dhaga tirnaa?

1
Wednesday May 12, 2021 - 10:42:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1333
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma iska Dhaga tirnaa?

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Raxan Raha – Rako ah, oo Socotay Duurka meel Dhir Badan, si ey u raadsadaan Nolol Maalmeedkooda ayaa Labo ka mid ahi waxa ey ku dheceen God dheer.


Rahyaashii kale ayaa soo istaagay Godka Afkiisa, waxa ey arkeen in Godku aad u dheeryahay. waxa ey u sheegeen Labadii Rah in eynan Rajo ka qabin in ey ka soo saaraan Godka aadka u dheer.

Laakin Labadii Rah waxa ey iska Go’aansadeen in eynan warka kooxda dhageeysan, waxa eyna bilaabeen in ey kor u soo Bood boodaan.

Waa daaleen, Kooxdii ayaa mar kale ku tiri: Ha is daalinina, Rajo male in aad Godkaan ka soo Baxdaane.

Mid ayaa qaatay taladii kooxda, wuxuuna iska fadhiistay Godka jiridiisa, isaga oo isku diyaariyay in uu dhimanaayo. Kii kale waxa uu sii waday in uu kor u soo Bood boodo intii karaankiisa ah.

Mar kale Kooxdii ayaa ku tiri: Ha is daalin, fiiri Dhaawaca Madaxaaga gaaray iyo Dhiiga kaa socdo, waxaa kuu haboon in si degan Adiga oo bad qabo aad geerida isku diyaariso. Laakin Rahii waxa uu ku dadaalay in uu iska sii wato in uu Kor u soo bood boodo.

Ugu Dambeeyn waxa uu u soo baxay Dibadda. waxa ey ku yiraahdeen sideey ku dhacday, waxa ey is weydiiyeen Sababta uu u qaadan waayay Taladii ey siiyeen ee saaxiibkaaba uu qaatay.

Waxay ogaadeen in uu Rahani Dhagool ahaa oo uu Hadalkooda iyo Dhaqdhaqaaqoodaba u qaatay in ey dhiiri galinayeen, si uu u soo baxo. ( F.S: 1, 2 & 3aad)

Ogoow.

Hadalkaaga iyo sida Dadku u qaataan, in Saameyn weyn ey ku leedahay Ficilka Dadku sameyaan iyo Rajada ah in ey isbedel Sameeyn karaan. Ogoow waxa aad ku leedahay Dadka inta eynan Bishimahaaga ka soo bixin, in hadalkaagu uu sababi karo Nolol ama geeri.

Somaliyeey ameey haboontahay in Talada Beesha Caalamka qaarkood, aan iska dhaga tirno, oo aan Alla tala saarano, oo aan Dadaalno si aan uga soo Baxno Godka aan ku dhacnay ? waa kuwama kuwa aan taladooda iska dhaga tireyno?



Qore: Yahya Amir


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip