Dabaadigii ka soo Harey Dagaaladii Sokeeye!!!

1
Sunday May 09, 2021 - 22:11:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1301
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dabaadigii ka soo Harey Dagaaladii Sokeeye!!!

    Hoobiye ayaa uga gambaday, Wiifto ayaa ka galay, Bas ayaa ka raacay, Biyo ayaa ka ag cabay, waa ku hoos nastay laakiin kuma hoyan, waa astaan qadiimi ah oo inta badan ay garanayaan bulshada Soomaaliyeed. Magac-ahaan daartaas waa Caan, waxaana loo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoobiye ayaa uga gambaday, Wiifto ayaa ka galay, Bas ayaa ka raacay, Biyo ayaa ka ag cabay, waa ku hoos nastay laakiin kuma hoyan, waa astaan qadiimi ah oo inta badan ay garanayaan bulshada Soomaaliyeed. Magac-ahaan daartaas waa Caan, waxaana loo yaqaannaa Sarta Sanca, Dhaawacyo badan ayaa ka soo gaaray dagaaladii sokeeye, madaafiic aan yareyn ayay martigilisay, mid Siyaad Barre soo tuuray, mid ay Amisom riday & mid ay is weydaarsadeen kooxihii Xamar ku dagaalamayay ayaa marar kala duwan ku habsadey. Dhawr sanno kadib ayaa maanta waxaa ii suuragashay in aan lugta soo mariyo daartaas, dad kooban oo ka mid ahaa dadkii hore ayaa halkaasi kula soo kulmay, soo dhaweyn heerkeedu sarreeyso ayaa lá iigu sameeyay, ha dhicin & ha jabin ayaa la igu mar-xabaysiiyay. Waayo-waayo iyo sheekooyin hore ayaa wadaagnay, taariikh hore iyo wixii lá soo marey ayaa isla gorfaynay, waqti adag in la soo marey ayaa isla qirnay, dad in ay dadkii hore ahaayeen ayaa isla garwaaqsanay! Farxad ayaa halkaas kala soo laabtay, xiiso aniga oo u qaba joogitaankeeda ayaa ka soo tagay, hubaashii Daarta Sanca ma iloobi karo, maxaa yeelay waxay igu leedahay xusuus gaar ah!!! WQ:C/Laahi Shiikhaalow

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip