Maalmahaan,ma maqasheen ama ma aragteen Qof dilay Diriskiisa..=Nasashada Jimcaha. Q- 249=

1
Friday April 23, 2021 - 13:26:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1324
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maalmahaan,ma maqasheen ama ma aragteen Qof dilay Diriskiisa..=Nasashada Jimcaha. Q- 249=

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

1. Khudbo tii ugu gaabneed, Sh. Cabdulqadir jeylani ayaa kor istaagay Manbarkii Masjidka, muddo laga joogo ku dhawaad 1000 Sanno.

 
Sh.Cabdulkadir Alla ha u naxariistee waxa uu yiri: Cunto aad ku riday Calool Baahan, waxa ey ka khayr badan tahay in aad dhisto kun Masjid, in aad kacbada huwiso dhar qurxoon, in aad Salaad u istaagto, in aad Seefta u qaadato Jihaad, in aad soonto wakhtiga kuligii. Quudi masaakiinta. ( F.S: 1aad).
 
    ( Xadiith ayaa ahaa, waxaa idiinkugu khayr badan, kan Dadka ugu nacfi badan, kan Dadka wax taro. Sannadkaan Muqdishu waxa ey weeyday Laba ka mid ah Miskiin quudiyayaashii Caanka ahaa: Xaaji Daa’uud iyo Xaaji Maxamuud Sabriye, AUN Dad badan waa quudiyeen.
 
Annigu, Bishaan Ramadaan Laba Masjid ayaan geeyay Timir iyo Biyo dhowr Maalin lagu Afiri karo. Ruuntii kuugu Faanimaayo ee waan rabaa in aan ku xasuusiyo khayrka ey leedahay Xabad timir ah oo aad Miskiin ku Afuriso ).
 
2. Daawadu ma ahan in kaniini la qaato oo kaliya, wax ku dar oo badi Salliga iyo in aad Alla ka barido in uu Caafimaad ku siiyo, Daawada aad qaadaneena uu Allaah Caafimaad kuugu soo raro. ( F.S: 2aad).
 
3. Allaah ayaa Qur’aanka "Suuradda Yaasiin” aayadda 38aad, noogu sheegay in Qoraxdu ay socoto ama ku dhaqdhaqaaqee isla Goobteeda iyada oo taagan. sida Xidigaha kale Qoraxdu kuma wareegto meerto ee iyada oo Mustaqir ah eyey Isla goobteeda ku dhaqdhaqaaqdaa. ( F.S: 3aad).
 
(Taa Culumada Seyniska ayaa hadda qiray, Annagu weligeenba kama shakin wax Qur’aanku noo sheegay).
 
4.Imaam Maxamed Gazali ayaa la weeydiiyay yaa Fiican in Saacadda lagu xirto Gacanta Midig ama tan Bidixda.
 
waxa uu yiri: Bal Adigu marka hore Saacad sameeyso, kadibna haddii aad Doonto Lugta ku xiro.( F.S: 4aad).
 
( Waxaad arkee badanaa Muslimiinta oo ku doodayo war Gaalo tiri, ama isku heeysto isticmaalka wax Gaalo u sameeysay. Annagu maan sameysano wax aan ku doodno, Qalabka Caruurtu ku ciyaarataba ha noqdee).
 
5. Rasuulkeena Maxamed CSW ayaa yiri: Gacanta Midigta ku cuna, ku caba, wax ku dhiiba, waxna ku qaata. Sheeydaanka ayaa Bidixda ku Cuno, ku cabo, ku qaato, ku bixiyo, Xadiithkaan waxaa wariyay Ibnu Maajah, ( F.S: 5aad).
 
( Su’aasha aad soo waddo waan ogahay, waa: Haduu Gurey yahay ama Gacameey sidee la yeelaa?. Caqligaaga iyo Culumada la kaasho).
 
6. Rasuulkeena CSW ayaa nagu yiri: Saacadda Qayaamo ma dhaceeyso, illaa Qofku uu dilo, Diriskiisa, Walaalkii iyo Waalidkii. Xadithkan waxaa soo wariyay Abuu Muusa. (F.S: 6aad).
 
( yaa, yaa, Amaa Saacadii Qiyaamuhu dhawdahay, Maalmahaan, ma maqasheen ama ma aragteen Qof dilay Diriskiisa, Gaalba ha ahaadee, Dilay walaalkii Muslim ah, ama Waalidkii iyo kuwii waalidkii uu xiriiri jiray, Waraa jiri doonee, wiishka lee a yeero Qiyaamuhu ma dheero)


Qore: Yahya Amir

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip