COSOBLE "Puntland waxay si aan gambasho laheyn u baadi jirtay Madaxweyneyaashii Hawiye ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamud"

1
Sunday April 18, 2021 - 21:58:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1416
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    COSOBLE "Puntland waxay si aan gambasho laheyn u baadi jirtay Madaxweyneyaashii Hawiye ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamud"

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Waa ayaandarro in la isku dirayo Hawiye iyo Farmaajo. Waa ayaandarro in la rabo inuu Muqdisho ka billowdo dagaal uu dhiig ku daato. Waa ayaandarro inaan intaa garan weyno. Waa ayaandarro inaan garan weyno cidda isku kaaya direysa oo dabka shideysa. Waxaa kaloo ayaan darro ah in la dhibsado runta.

Soomaalida wexey tiraahdaa baroortu orgiga ka weyn. Waxa buuqa iyo qaska faraha badan loo sameynayo ma aha inuu Mad Farmaajo diidan yahay doorasho ee waa in Mad Farmaajo sidii Mad C/Yusuf (AUN) la gaarsiiyo inuusan tartamin doorasha la filayo iney dhacdo oo uu weliba is casilo, waana sababeynayaa

Doorashadiisii kaddib Mad Farmaajo wuxuu magacaabay R/W Xasan Cali Kheyre. Kheyre iyo golihiisii wasiirrada waxaa laga rabay iney dalka ka hirgeliyaan doorasho qof iyo cod ah. R/wasaare Kheyre wuxuu saddex sano iyo bar kaddib qiray asagoo ku sugan Dhusamareeb inuu ku fashilay inuu dalka ka hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.

Baarlamaanka Federaalka, sida baarlamaannada adduunka kalsoonidii kala noqday PM Kheyre iyo golihiisii wasiirrada. Waxaa durbadiiba la marin habaabiyay shacabka Soomaaliyeed waxaa ridista laga dhigay inuu ka dambeeyo Madaxweyne Farmaajo oo doonaya doorasho qof iyo cod ah oo la micne ah muddo kororsi. Kheyre inuu fashilay marnaba lagama hadal ee waxaa lagu dacaayadeeyay khaladaad kale ay xukuumaddiisa galeysay.


Arrintaan waa been abuur tii u weyneyd.

Is jiidjiid badan kaddib dowlad goboleedyadii dalka wexey isla oggolaadeen in la qabto doorasho dadban, baarlamaanka waxaa hortagay Mad Farmaajo oo qanciyay. Sidaa looma dhigin ee waxaa la yiri muddo kororsi ayuu damacsanaa ee wuu ku dhici waayay.

Been number 2.

Markuu baarmankii aqbalay soo jeedintii dowlad goboleedyada ee la yiri ha loo dhaqaaqo doorasho dadban haddana waa la is hor taagay. Is hortaagga kamuusan iman dhanka Farmaajo ee waxaa diiday oo is hortaagay Jubbaland iyo Puntland, isla ayagii ayaa misana yiri waxaa doorashada diidan Farmaajo.

Been number 3.

Ugu dambeyn waxaa la isugu tagay xerada Afisione. Wada hadal kaddib dowladda dhexe waxaa u soo baxday waqti lumis mooyee inaan la rabin in hore loo socdo, shacabka ayeyna intaa u caddeysay. Waxaa loo dhigay inuu Farmaajo diiday in xal laga gaaro qaabka doorashada.

Been number 4.

Maadaama ay xukuumaddii ugu muddada dheereyd Soomaaliya suurta gelin weyday doorasho qof iyo cod ah, maadaama ay dowlad goboleedyadii dalka socodsiin waayeen doorashadii dadbaneyd ee ay ayagu ku heshiiyeen baarlamaankana ka aqbalay, maadaama ay muuqato laba ka mid ah shanta maamul goboleed inuusan ujeedkooda aheyn iney doorasho dhacdo, kana door bidayaan inuu dagaal ka dhaco Muqdiso, waxaa usha dhexda qabtay oo badbaadiyay dalka oo soo af jaray buuqii jiray Golaha Shacabka oo ah hey’adda u sarreysa dalka. Wexeyna go’aamiyeen in doorasho qof iyo cod ah lagu qabto muddo laba sano ah. Saa looma dhigin ee waxaa la yiri Mad Farmaajo ayaa dalbay in muddo kordhin laba sano ah loo sameeyo.

Been number 5.

Doorasho qof iyo cod ah ee uu Baarlamaanka go’aamiyey in dib loogu laabto maadaama ay dowlad goboleedyada ka hor yimaadeen qorshihii ay keeneen ee ahaa doorasho dadban, waxaa durbaba diiday labadii dowlad goboleed ee doonayay inuu Muqdisho dagaal ka billowdo.

Deni iyo Axmad Madoobe ma qanci doonaan ilaa ay dagaal geliyaan beesha Hawiye.

Haddaba maxey tahay faa’iidada ugu jirta Deni iyo Madoobe inuu Xamar ka dhaco dagaal? Maxeyse tahay sababta ay u rabaan iney dusha ugu saaraan Mad Farmaajo dagaalka ay geedfadhiga u yihiin?

Deni iyo Madoobe wexey ku beel yihiin Mad Farmaajaha ay diiddan yihiin, wexeyna rabaan madaxweyne Hawiye ah, maxey tahay sababta? Ma Hawiye ayey caashaqsan yihiin? Jaceylkooda ma daacad baa mase ujeeddo ka dambeysa ayaa jirta?

Puntland iyo Jubbaland Waxaan ku naqiinay iney mar walba ka helaan dhaqaale ka badan waxa la siiyo dowla goboleedyada kale ayagoo weliba si gaar ah u heysta dekedihii dalka. Dhaqaalahaa faraha badan wexey ku heli jireen baad ay ka qaadaan Madaxweyneyaasha Hawiye. Dowladda Puntland wexey si aan gambasho laheyn u baadi jirtay madaxweyneyaashii Hawiye ee Sharif Shekh Axmad iyo Xasan Shekh Maxamud, Jubbaland markey dhalatayna wexey durbaba gashay dugsigii tababarka Puntland dhinaceeda ayeyna ka billowday baadda. Madaxweyneyaasha Hawiye waxaa ku qasbaayay iney baad bixiyaan waa ayagoo ka mar walba ka cararaayay shacabka Puntland iyo Jubbaland la marin habaabiyo loona tuso madaxweyneyaasha Hawiye ineysan Daarood waxba u oggoleyn.

Masaxweyne Farmaajo ayaa la doortay, waa nin Daarood ah. Ma uusan noqon nin lagu biiqsan karo inuu Daarood cunaqabateynayo. Daarood isma baadi karo. Farmaajo waxaa laga waayay muddo afar sano ah baaddii ay bixin jireen Sharif Shekh Axmad iyo Xasan Shekh Maxamud, sababtaa darteed Farmaajo waa in lala dagaalo, colaad loo abuuro, lagu shaabadeeyo inuu dictator yahay, dagaal dhaco, la gaarsiiyo Farmaajo inuu iska tago oo uusan tartamin.

Waa ayaan darro in aan fahmi weyno cidda ka shaqeyneysa inuu Muqdisho ka dhaco dagaal uu dhiig ku daato.

Waan ogahay inaan si qaawan u hadlay, ee ma sidii Deni ee xishood la’aanta aheyd ayaan u hadlay mase anaaba ka daray?

Waxaa qoray Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Ali A. Osoble.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip