Labo arrimood oo uu ka shallaayay Cali Mahdi Maxamed

1
Friday March 12, 2021 - 22:09:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2054
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Labo arrimood oo uu ka shallaayay Cali Mahdi Maxamed

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Cali Mahdi madaxwaynihii hore ee Soomaaliya

Allah ha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho janaasada loogu tukaday meydka madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo Arbacdii ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sanadkii 1991-kii ayuu Cali Mahdi Maxamed noqday madaxweynihii Soomaaliya kaddib markii xilka laga tuuray Maxamed Siyaad Barre oo 21 so xukumayay dalka.

Waxaa uu Cali Mahdi dalka madaxwayne ka noqday xilli aad u adkaa oo uu dalka dagaal sokeeye ku jiray.

Mar uu dabayaaqadii sanadkii aanu soo dhaafnay wareysi siinayay telefishinka Somali Cable ayaa waxaa wax laga waydiiyay arrimihii ugu adkaa ee intii uu xukunka hayay soo maray.

Waxaa si gaar ah wax looga waydiiyay inay jiraan go'aanno uu qaatay intii uu madaxwaynaha ahaa oo uu imika ka qoomameynayo.

'Waan ka qoomameeyaa'

Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa farta ku fiiqay inay jiraan labo arrin oo uu mar walba ka qoomameeyo.

Waxaa uu sheegay in labadaasi go'aan ay ahaayeen kuwa aan mudnayn in la qaato xilligaasi.

"Labo qodob ayaa jirta waxaan ka shalaayo, qodob waa mid raii'sul wasaaraheygii Cumar Carte Qaalib uu ku dhawaaqay anigana aan ka daba tagin oo ahayd ciidamada ha kala tagaano aad ayaan uga qoomameeyaa," ayuu yiri Mr Cali Mahdi.

Waxaa uu intaa ku daray in go'aankaasi ciidamada lagu kala diray uu ahaa mid khalad ah oo ay haboonayd in ciidamada ay sii joogaan.

"Ma ahayn in amarkaasi la bixiyo taas waan ka qoomameeyaa," ayuu intaa ku daray.

Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya (AHU) Cali Mahdi Maxamed ayaa dhanka kale sheegay in uu aad uga qoomameeyo dagaalkii sokeeye ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

"Waxaan ka qoomameeyaa dagaalkii sokeeye ee xamar ka dhacay ee aan aniga u aqaanno dagaalkii doqomeed ee dhexmaray Mudulood iyo Habargidir waan ka qoomameeyaa aad ayaan uga qoomameeyaa ,"ayuu yiri Mr Cali Mahdi.

'Sanad gudihiis ayaan doorasho ku qaban rabay"

Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa sheegay in markii Jabuuti lagu soo doortay uu isagu doonayay in uu muddo kooban xilka hayo.

Waxaa uu xusay in shirkii Jabuuti ee isaga lagu soo doortay xitaa uusan ka qeyb galin, balse ergadii halkaasi ku shirtay ay isaga doorteen.

"Waxaa gogol noogu baaqay madaxwaynihii Jabuuti Xasan Guuleed Abtidoon halkaas ayaa la isugu tagay anigu kama qeyb galin Xamar ayaan joogay ka dib halkaas ayaa la igu soo doortay 2 sano,"ayuu yiri.

Waxaa uu intaa ku daray in qorshihiisu ahaa in doorasho muddo sanad gudihiis ah uu dalka kaga hirgaliyo.

"Labo sano haddii aniga la igu simi lahaa qorshaheygu wuxuu ahaa in muddo hal sano ah gudaheed inaan doorasho sameeyo xukunkana aan wareejiyo oo aan mar dambe isa soo sharraxin," ayuu yiri Mr Cali Mahdi.

Cali Mahdi (bidix) iyo Maxamed Faarax Caydiid

XIGASHADA SAWIRKA,ERIC FEFERBERG VIA GETTY IMAGES Qoraalka sawirka,

Cali Mahdi (midig) iyo Maxamed Faarax Caydiid

Taariikh kooban Cali Mahdi?

Cali Mahdi Maxamed waxa uu xilli lagu qiyaasay 1938-kii ilaa 1939-kii ku dhashay gobolka Shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya.

Waxbarashadiisii aasaasiga ahayd wuxuu ku qaatay magaalada Muqdisho, isagoo markii dmabena waxbarasho dheeraad ah u tagay dalka Masar.

Intii ay jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxa uu xubin ka soo noqday Aqalka Baarlamaanka. Markii ay burburtay dowladdii dhexe sanadkii 1991-kii ayuu noqday madaxweynaha Soomaaliya.

Xilkaas waxa uu hayay intii u dhaxeysay 26-kii bishii January, 1991-kii ilaa 3-dii January, 1997-kii. Mar kale ayaa heshiis ka dhacay magaalada Qaahira loogu cusbooneysiiyay xilka waxaana sanadkii 2000 baddalay Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Cali Mahdi waxa uu xukunka qabsaday kaddib markii isbahaysi mucaarad ah oo hubeysan, oo uu ku jiray xisbigiisii USC ay xilka ka tuureen madaxweynihii muddada dheer ka talinayay Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre.

Hase yeeshee Cali Mahdi uma aysan suuragalin in uu nidaamkiisa wada gaarsiiyo dalka oo dhan, xilli ay Soomaaliya lugaha la gashay dagaallo sokeeye oo baahsan.

Intii uu madaxweynaha ahaa waxaa jiray dagaal loo yaqaanno "afar biloodle" oo dhex maray ciidamadiisa iyo xoogag daacad u ahaa Maxamed Faarax Caydiid.

XIGASHO:BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip