Aqoonteeydii Xaaji Cali Mahdi. (Maalmihii ugu dabeeyay Nolosha Xaji Cali Mahdi)....

1
Friday March 12, 2021 - 12:19:32 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqoonteeydii Xaaji Cali Mahdi. (Maalmihii ugu dabeeyay Nolosha Xaji Cali Mahdi)....

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

1.Maalmihii ugu dabeeyay Nolosha Xaji Cali Mahdi.

Inkasta oo Maalmihii ka horeyay aan wada xiriirnay, hadana Usbuuci ugu dambeeyay Noloshiisa, ayuu Maalin i soo wacay isaga oo igu yiri: Nairobi ayaan Baaritaan caafimaad u aadaa, xoogaa Kaadida ayaa i dhibee, ii hubi in dhakhtarkeygii Dr. Silverstein oo Mareykan ah, in uu Nairobi joogo iyo in kale, usbuuc kadib ayaana Xamar ku soo noqonayaa.
Dhakhtarkii ayaan wacay, Waxa uu ii sheegay in uu joogo Nairobi, waxaana u balamiyay Maalin kadib.
 
Waa baxayay dhakhtarkiina waxa uu ugu tagay Nairobi Hospital, Dhakhtarka ayaan 3 Cisho geeridiisa ka hor weydiiyay xanuunkiisa waxa uuna igu yiri: weli iima muuqato Astaamihii Cudurka Covid 19, waanse arkaa Cudurka Namuniya oo Neefta ku xirayo.
 
Laba Maalin Geeridiisa ka hor ayaa dhakhtarkii igu yiri: Xaajigu waa roon yahay laakin Xaaska ayaa Kooma ku jirto. Xaajiga Namuniyada waxaa u culeeynayo Covid /Mamuniya, Cabirkiisu waa : Tiro ayuu ii sheegay ,waxaane waa 90% taaina 75, taa 80, laakin Annigu ma fahmin tirada dhakhaatiirta.
 
Maalin ka hor Geeridiisii ayuu igu yiri: Xaaska ayaa roon, Laakin isagaa daran in kasta oo Tartiiib tartiib uu u soo roonaanayo. Maqribkii markaan dukaday wax yar kadib ayuu i soo wacay Dhakhtarkii waxa uuna iguna yiri: "I have Bad news yahya”, 5 daqiiqo ka hor ayuu Saaxiibkaa geeriyooday, weli Dadka qolka banaankiisa joogo uma sheegin khabarka Geerida.
 
( Sabab kasta oo uu Dhakhtarku sheego ciddu waxa ey xaq u leeyihiin, in Baaritaan dheeri ah la sameeyo si loo ogolaado sababata dhabta ah, ottobsia legaale).
 
2. Muddadii aan is naqiin.
 
Xaaji Cali Mahdi, Waxaan aqiin wixii ka dambeeyay 1986dii. sodonkaa Sanno Fiiri Sawirada, Sanadihii 1990- 2000 Mogadishu (F.S: 1aad). Sannadhii 2000-2010 Kigali- Ruwanda, ( F.S: 2aad) Sannadihii 2010-2020, Mogadishu ( F.S: 3aad).
Waxa uu ahaa shakhsi dulqaad badan, weliba Dad shaqo aahaan ey aad isagu dhawaayeen oo aad u dhibayay. in badan ayaan isku khilaafnay sida dabacsan ee uu ula dhaqmayo.Xatta arrigtiyo kale ayaan si aad ah isagu khilaafnay, hadana weligii igama caroon, kumana kala tagin.
 
Wax badan oo been ahaa ayaa la iiga sheegay Xaajiga, mar wax wanaag ahaa ee uuna sameeyn ayaa laga badbaadiyay ilaa la gaarsiiyay Xadka beenta, Marna Been toosa ayaa aad looga sheegay, wax badan oo aan goob joog u ahaa ayaa si khaldan xatta Anigii ogaa Arrinta la isku dayay in la iiga been sheego, Badanaa waxa ey ahaayeen Dacaayada Siyaasiyiintu ey dhaxdooda isku isticmaalaan, Dad aan isagana aqoon oo aan weligood arag ayaa Dacaayadda lagu Marin habaabiyay.
 
waxyaabahaa qaar haddii ey run ahaan lahaayeen Aniguba Salaanta kama qaadeen, waanse ogaa in ey aheyd Dacaayadaha Siyaasiyiinta ee loogu tala galay Magac dilka.
 
waxa uu ahaa Nin Sadaqo Badan, inta aan ogahay, Waxa uu Xamar ku lahaa 3 Guri oo kaliya, Mid isagaa deganaa, Midna Dad kale ayuu ka kireystay, Midna Dad ayuu Shirko kula ahaa. Dagaaladii kadib Gurigiisii uu deganaa waxa uu Sadaqo ahaan u siiyay Nin Macallin dugsi ahaa oo ey Deris ahaayeen, isaguna waxa uu ku soo guursy Gurigiisii Kirada loogu jiray.
 
Fiiri khudabadihiisii waqtiyadii Dagaalada waxa ey u badnaayeen, Meel somali ka sokeeyso ima anfaco, qolo kaligeed qaran ma noqon karto. Difaaco Naftaada iyo sharftaada ha noqon doqon, laakin Dad kale ha dulmin.
 
Markii loo doortay Madaxweynaha iyada oo weli Dagaalkii uu ku socdo oo aan la is dhax mari karin ayuu Odayaal Nabad doon ahaa u diray Gobalada Dalka.
 
Waxa uu ahaa Xubin ka mid ahaa Dariiqadda Suufiyada aadna ugu xirnaa Culimadooda Suufiiyada.
 
Dagaalkii sukeeye isaga laftiisa ayaa waxaa ka soo gaaray Khasaare Badan, dhinaca khasaaraha Hantiyeed waxaan ka xasuustaa: ( Isaga laftiisa ayaaba la bililiqeystay, wax yar dagaalkii ka hor waxa u soo degay Markab siday qalabka Dayac tirka Gaadiidka oo qiimahiisa uu iigu sheegay Hal million Dollar oo waqtigaa joogaty 1990kii. waxa eyna yiileen Bakhaar ku yiil isgooyska Ceelgaabta. Hotelkii Maka Al mukarama oo Kiro uu kula jiray, wixii u yiilna waa la bililiqeystay).
 
Waxa aan ogaa in uu aad u jeclaa akhriska Qur’aanka oo Habeen kasta saacadaha dambe uu akhrin jiray, Sidaa daraadeed ayaan Safarkeeygii iigu dambeeysay ee Tukiga Feb. 2021 ayaan Hadiyad ahaan ugu keenay Kitaabka Qur’aanka oo aan ka soo xurmeeyay Istanbul.
 
Wixii ka dambeeyay 2010 kii dhowr jeer ayey Shirkado shidaal ku casuumeen Dalka Mareykanka, si uu ugala hadlo Madaxda Somalida, wuuna ka gaabsaday, waxa aan ku iri: Maxaad ku diiday? waxa uu igu yiri: Sida ey wax u rabaan Shirkadaha qaar ma ahan wax Dalkaan dani ugu jirto, mana rabo in aan Madaxda hadda joogto ku qalqaaliyo wax aanan Aniguba ogolaadeen. hore ayaa wasakheynta badda oo aanan shaqo ku leheyn la iigu eedeeyay oo ey noqotay Been fakatay Runi ma gaarto, haddana ma rabo in Shidaal aanan shaqo ku leheyn la igu eedeeyo, la iigana Been sheego.
 
Waxaan isku raacnay Dhowr wadan sida: Kenya, Ethiopia, Sudan, Sucuudiga iyo Ruwanda, Runtii Marna kama mid aheyn wafdigiisa Rasmiga ah. Dalka Ruwanda waxaa u raacay markuu ahaa Gudoomiyahii Gudiga nabadeynta isaga iyo ku xigeenkiisii Md. Maxamud Jirde Xussein, Anniguna waxaa u raacay "technical assistant” ahaan UN ayaana igu dartay, si aan wax uga soo ogaano , Casharana uga soo qaadano Habkii ey u heshiiyeen Reer Ruwanda Dagaaladii sokeeye kadib.
 
Masjid ayuu ka dhisay Xaafadda yaaqshiid meel u dhaw Hotel Toowfiiq ( F.S: 4aad) Masjidka ayuu badanaa aadi jiray Maalinta Jimcaha isaga ayaan inta badan Gacantiisa ku nadiifin jiray, Meel u dhow Masjidka oo dhinaciisa ah ayuu dhul banaan ka reebtay, Waxa uuna ka calaameeyay qeyb waxa uuna yiri: Labadaan meelood mid ha la igu aaso Anigu haddan Geeriyoodo, meeshaan kale ee dhinaceeda ahna, ha lagu aaso xaaskaaga haddii ey iyaduna geeriyooto.
 
3. Taaeiikhdiisii oo kooban.
waxa uu ku dhashay Tuulada Cadow Uul oo dhinaca Barri uga beegan Magaalada Jowhar, Sannadkii 1938 ama 1939, kadibna waxa uu bilaabay Wax barashaii dugsiga Hoose 1960 waxaa tababar loogu qaaday Dalka Masar ( F.S: 5aad) waxa uuna ka shaqeynayay laanta Duumada, Dalka ayuu dib ugu soo noqday, waxa uuna shaqada dowlada ku dhinac waday Ganacsi, Sannaskii 1969 waxa uu noqday Xildhibaankii ugu da’da yaraa Baarlamaanka, kacaankii ayaa ku daray Siyaasiyiintii la xiray, kadibna waxa uu u soo noqday shaqadiisii iyo Ganacsigii.
Sannadkii 1990 waxa uu ka mid ahaa odayaashii saxiixay Bayaankii Manafesto. kadib Dalka ayuu ka baxsaday markii uu dareemay khatar dhinaca amaankiisa ah, dib ayuuna ugu soo laabtay isla sannadkaa. Markii uu dhacay Kacaankii 1991 Shirkii Jabuuti 1 iyo 2 waxaa loo doortay Madaxweynihii Dalka. Sannadkii 2000 waxa uu wareejiyay Xilkii Madaxweyna nimada , kadibna waxa uu u wareegay Beertiisii ku tiil meel u dhaxeeyso Afgoi iyo Balcad ,Waxa uuna sii waday Gancsigiisii.
Dowladii Cabdulaahi Yusuf ayaa u magacaawday Gudoomiyihii Guddigii Dib u heshiisiinta Somalida. mudadaa wixii ka dambeeyay waxa uu sii waday in uu sii ahaado Oday Somaliyeed iyo Ganacsade aan ogoleeyn in uu Cidna dulmiyo ama isagana la dulmiyo.
Damiin Dacaayadeeyo iyo Dad u duceeyo la weyn maayo. Somalida ayaa ku maahmaahdaa (Dad yoowna ku wada Caaynin, ku wada Amaani maayee). Inta Amaanee Xaji Cali Mahdi ayaa badan.


Arragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii iga khaldan iga sax, wixii ka dhimanna ku dar.
Alla ha u naxariisto.
Qore: Yahya Amir

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip