
Barta Facebook ee bulshada caalamku ku xiriirto oo sheegay in ereyo Cusub ay soo Kordhinayaan
Sidoo kale waxaa lasoo kordhin doonaa ereyada ‘yay’ oo aad ku qeylin karto markaad wax si aad ah uga hesho ama ereyga ‘wow’ oo wixii ku layaab-geliyaa aad u Adeegsan kartaa.
Waxay kaloo Facebook-ga kusoo dari doontaa ereyga ‘love’ oo aad saari karto wixii aad jeclaato, sida faallo, sawir ama video.
Agaasimaha Facebook Mark Zuckerberg ayaa sheegay in erayada cusub ee ay Adeeggooda kusoo Kordhinayaan ay Bulshada Adeegsata awood u siiyaan inay Wadaagaan Dhammaan waxyaabaha macnaha u leh, uuna Rajeynayo in dadku jeclaan doonaan ereyadaan cusub ee lasoo kordhin doono.
Ugu dambeyn, Barta Facebook ayaa Tijaabinta fal-celinnadaan cusub waxay bishii October ee sannadkii lasoo dhaafay 2015-ka ka billowday Waddamada Chile, Philippines, Portugal, Ireland, Spain, Japan iyo Colombia.


0 



Barta Facebook ee bulshada caalamku ku xiriirto oo sheegay in ereyo Cusub ay soo Kordhinayaan
Barta Facebook-ga ee bulshada Dunidu ku xiriiraan ayaa dhawaan soo kordhin doonta Fal-celinno Cusub oo la mid ah ereyga 'Like' ee Qofku doorto marka wuxuu jeclaado uu ku arko barta Facebook-ga.