
Faah-faahinta Qarax shalay ka dhacay Muqdisho
Faahfaahin ayaa kasoo baxeysa qarax shalay galab ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa la sheegay ka dhacay meel u dhow guri uu degan yahay guddoomiyihii hore ee degmada Dharkeynley Macalin Cabdulle Cali Hillowle. Gaari laga soo buuxiyay
waxyaabaha qarxa ayaa waxaa lahaa askari ka tirsan milateriga Soomaaliya
oo xaafada deganaa, balse wuxuu qaraxu dhacay markii uu ka degay kadib.

Macalin Cabdulle ayaa shegay in qaraxa aanu wax qasaare ah geysan, ninkii askariga ahaa ee gaariga saarnaa markii uu ka degay uu baabuurku qarxay.
Xigasho:-Dulqaadka Media (Dulqaadka.com)


0 



Faah-faahinta Qarax shalay ka dhacay Muqdisho
Faahfaahin ayaa kasoo baxeysa qarax shalay galab ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa la sheegay ka dhacay meel u dhow guri uu degan yahay guddoomiyihii hore ee degmada Dharkeynley Macalin Cabdulle Cali Hillowle.