
Jubbaland Maxay ka Qabtaa Go'aankii ka soo baxay shirka Wadatashiga
Jubbaland iyo Puntland waxa ay isku aragti ka qabeen Doorashada dalka ka dhaceysa nooca ay noqonaysa, balse waxaa muuqata in Puntland kaliya ay ku adkeysanayso Doorashada in lagu saleeyo hab deegaan oo Jubbaland ay kaga baxday arintaasi.
Afhayeenka Maamulka Jubbaland C/naasir Seeraar, waxa uu tilmaamay muhiimada inay tahay dalka inuu ka dhaco isbedel, sidaasi awgeedna Maamulkooda ay taageersan yihiin go’aanadii Shirkaasi ka soo baxay.
"Jubbaland waxa ay taageeraysa waxyaabihii ka soo baxay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee ku soo dhamaaday magaalada Muqdisho.” Ayuu yiri Seeraar.
Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho ayaa la isku afgartay in Xildhibaanada Imaan doono lagu saleeyo nidaamka 4.5 halka Dhismaha Aqalka Sare ee dalka lagu saleyn doono Hab deegaan.
Muddo ayaa la sugaayay go’aankaan, kadib markii Maamulada qaar ay ka biyo diideen in Doorashada lagu saleeyo Hab Qabiil, balse ugu dambeyn ay natiijada noqotay 4.5.


0 



Jubbaland Maxay ka Qabtaa Go'aankii ka soo baxay shirka Wadatashiga
Jubbaland Maxay ka Qabtaa Go'aankii ka soo baxay shirka Wadatashiga2016 Maamulka Jubbaland ayaa si buuxda u taageeray go'aanadii ka soo baxay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee ku soo idlaaday Magaalada Muqdisho.