
Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Danjire Cabdullaahi Sacid Cusmaan
Muqdisho, January 28, 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Danjire Cabdullaahi Saciid Cusmaan oo ku geeriyooday dalka Mareykanka.
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so
©2016 Office of the President of Somalia | 1 Villa Somalia
"Inna Lillahi wa inaa Ileyhi Raajicuun. Allah u naxariisto Danjire Cabdullaahi Saciid Cusmaan. Waxaa uu ka mid ahaa tiirarka dhinaca sharciga iyo diblomaasiyadda ee Soomaaliya leedahay. Shacabka iyo dalka Soomaaliya waxay tebi doonaan khibraddiisa iyo waxqabadkiisa. Ilaahay waxaan uga baryayaa inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka tegeyna samir iyo iimaan ka siiyo’’, ayuu yiri Madaxweynaha.
Marxuum Danjire Cabdullaahi Saciid Cusmaan, waxaa uu muddo dheer ku soo jirey hawlaha diblomaasiyadda, waxaana uu xilal dhowr ah ka soo qabtey dalka iyo dibedda intaba.
------- DHAMMAAD------
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so
|


0 




Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Danjire Cabdullaahi Sacid Cusmaan
Muqdisho, January 28, 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Danjire Cabdullaahi Saciid Cus