Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtey, kadib markii uu ka soo qeybgaley baroor-diiq loo sameeyay ciidan Kenya u dhashey oo Soomaaliya lagu dilay

0
Thursday January 28, 2016 - 17:51:05 in Wararka by
  • Visits: 704
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtey, kadib markii uu ka soo qeybgaley baroor-diiq loo sameeyay ciidan Kenya u dhashey oo Soomaaliya lagu dilay

    Muqdisho, 28 January 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu magaalada Eldoret ee dalka Kenya kaga soo qeybgal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, 28 January 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu magaalada Eldoret ee dalka Kenya kaga soo qeybgaley baroor-diiq qaran oo loo sameeyay askartii dhowaan degaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo looga dilay Kenya.

Munaabadaasi oo sidoo kale ay ka soo qeybgaleen Madaxweyneyaasha Jamhuuriyadda Kenya, Uhuru Kenyatta, iyo Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, ayaa khudbad uu ka jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu xusey in Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay Kenya, dagaalka lagula jiro argagagaxisada.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha kulan gaar ah la yeeshay Madaxweyne Uhuru Kenyatta, oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole .

————————DHAMMAAD————————-

Daud Aweis


Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

IMG 2632

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Wiiliam Ruto, Madaxweyne Ku Xigeenka Kenya. Eldoret, 27-01/2016. Photo by Villa Somalia

IMG 2665

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wiiliam Ruto, Madaxweyne Ku Xigeenka Kenya. Eldoret, 27-01/2016. Photo by Villa Somalia

IMG 2717

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta. Eldoret, 27-01/2016. Photo by Villa Somalia

IMG 2648

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Eldoret, 27-01/2016. Photo by Villa Somalia

IMG 2750

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweyne Muhammadu Buhari iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta. Eldoret, 27-01/2016. Photo by Villa Somalia

IMG 2783
IMG 2755
IMG 2803

1px
©2016 Office of the President of Somalia | 1 Villa Somalia 1px


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip