Soomaaliya oo ka badisay Marocco tartanka African Chess Champion ee ka socda Seychelles

0
Monday January 04, 2016 - 12:10:39 in Wararka by
  • Visits: 855
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo ka badisay Marocco tartanka African Chess Champion ee ka socda Seychelles

    Jasiirada Mahe ee dalka Seychelles waxaa si habsami leh uga socda tartanka African Chess Champion 2015-ka, iyadoo ay ka qeyb galeen kooxaha Shataranjiga ee ka socda dalalka Afrika, waxaana tartankaasi ka qeyb galay wafdi iyo ciyaartoy ka socota xirii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jasiirada Mahe ee dalka Seychelles waxaa si habsami leh uga socda tartanka African Chess Champion 2015-ka, iyadoo ay ka qeyb galeen kooxaha Shataranjiga ee ka socda dalalka Afrika, waxaana tartankaasi ka qeyb galay wafdi iyo ciyaartoy ka socota xiriirka Shataranjiga Soomaaliya.

Tartanka African Chess Champion Ship 2015 oo bilowday 27-kii bishii Disembar 2015-ka ayaa iminka maraya meel xasaasi ah, iyadoo kooxaha ka qeyb galay tartanka ay soo bandhigeen ciyaaro kala duwan, waxaana ciyaartoyda ka socotay Soomaaliya ay ka badiyeen kooxo aan la maleysan karin.

DSCN0448

"Wareegii lixaad waxaan ka badinay kooxda Maroco, waxaana rajeynayaa in ka harsan tartanka inaan guulo kale gaarno” ayuu yiri Guddoomiyaha Xiriirka Shataranjiga Soomaaliya Axmed Xasan Cabdi (Wataac).

Xiriirka Shataranjiga Soomaaliya ayaa laba ciyaartoy uga qeyb galay tartanka ka socda dalka Seychelles, waxayna magacyadoodu kala yihiin:

1- Ali Abdullahi Farah


2-Mohamud Hussein Ali

Xulka Ciyaartoyda Chess-ka Soomaaliya oo iminka leh 3-dhibcood ayaa rajo weyn ka qaba inuu tiigsado kaalimaha hore ee tartankaasi oo sanadkiiba mar la qabto, iyadoo halkaasi lagu bixinayo abaal marino kala duwan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip