
Magaalada Sanca ee wadanka Yeman oo laga taagay boorar loogu mahad celinayo Soomaaliya (Waa maxay sababta?)
Magaalada Sanca ee caasimadda wadanka Yeman waxaa laga taagay boorar waaweyn oo loogu mahad celinayo Soomaaliya, iyadoo tallaabadaan ay siyaabo kala duwan uga hadleen shacabka dalkaasi degan oo qaarkood sheegay in arrintaani muujineyso xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.
Boorarkaan ayaa lagu dhejiyay dhammaanba isgoyska waaweyn ee magaalada Sanca, waxaana lagu qoray "Mahadsanid Soomaaliya”, iyadoo Dowladda dalka Yeman arrintaani uga jawaabeysa taageerada ay u fidisay Dowladda Soomaaliya markii ay dalkaasi qabsadeen maleeshiyada Xuutiyiinta.
Sarkaal ka tirsan madaxtooyada Yeman ayaa sheegay in Soomaaliya ay yihiin dal deris la ah isla markaana gurmad u fidiyay shacabka labada dal markii ay dalkaasi ka socdeen dagaalada isla markaana gargaaray dadkii dhibaateysnaa.
Dhinaca kale Dowladda Yemen ayaa la wareegtay dalka intiisa badan, hase yeeshee duqeyn dhinaca cirka ah ay uga saareen isbaheysiga uu hoggaaminayo dalka Sacuudiga maleeshiyaadka Xuutiyiinta ah ee qabsaday dalkaasi intiisa badan.


0 




Magaalada Sanca ee wadanka Yeman oo laga taagay boorar loogu mahad celinayo Soomaaliya (Waa maxay sababta?)
Magaalada Sanca ee caasimadda wadanka Yeman waxaa laga taagay boorar waaweyn oo loogu mahad celinayo Soomaaliya, iyadoo tallaabadaan ay siyaabo kala duwan uga hadleen shacabka dalkaasi degan oo qaarkood sheegay in arrintaani muujineyso xoojinta xirii