Muuqaalkan oo soo baxay maalintii Jimcaha, ayaa waxaa ujeedka Al Shabaab lagu sheegay, sidii ay taageero kaga heli lahaayen bulshada Muslimiinta ee caalamka ku nool. Shabaabku wuxuu ka dagaalamaa Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya.
Donald Trump oo Axadii la hadlay Barnaamijka Face The Nation oo ka baxa Telefishinka CBS, ayaa wax looga weydiiyay muuqaalka Shabaabka ay soo saareen, isla-markaana uu ka soo muuqday, isagoona isku difaacay in keligii aanu ka soo muuqan muuqaalkaasi.
"Waxaan sheegayaa wixii ay ila noqoto, waxaana sheegayaa in Al Shabaab ay sidoo kale dad kale u adeegsatay, markii muuqaalkaasi ay soo saareysay.” Ayuu yiri Donald Trump.
Xoghayihii hore Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Hillary Clinton, ayaa bishii hore sheegtay in ururada argagaxisada ay adeegsan doonnaa muuqaalkii Trump, uu ku baaqaayay in dalka Mareykanka laga mamnuuco inay Muslimiinta soo gallaan, si ay taageero ugu hellaan.
Trump, ayaa soo ifbixitaankii Ururka Daacish ku eedeeyay Madaxweynaha Mareykanka, Barack Hussein Obama iyo Hillary Clinton, in ay ka dambeeyeen.
Siyaasiyiinta Xisbiyada Dimoqraatiga & Jamhuuriga, ayaa si kulul u cambaareeyay baaqii uu Siyaasiga Donald Trump ku weeraraayay Muslimiinta.



0 



Donald Trump oo aan waxba ka soo qaadin muuqaalkii uu ka soo muuqday ee Shabaabku soo saareen
Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Mareykanka, Donald Trump, ayaan waxba ka soo qaadin in uu ka soo muuqdo muuqaal video ahaa, oo Ururka Al Shabaab uu soo saaray. Waxaana muuqaalka ka soo muuqday Musharaxan oo olole ka waday Gobolka South Carolina, bishii