Wasiirka, ayaa waxaa uu Iran ku eedeeyay in si aan wanaagsanayn ay kaga hadleyso siyaasadda Sacuudiga, taasina ay dhibsatay Xukuumadda Riyadh.
Xiisadda labada dal, ayaa cirka isu shareertay, tan iyo markii maalintii Sabtida uu Sacuudigu daldalay Sheikh Nimr al-Nimr, oo ka mid ahaa Wadaadada Shiicada Sacuudiga.
Sheikh Nimr al-Nimr, ayaa ka mid ahaa 47 qof oo Sacuudigu uu ku fuliyay xukun daldalaad ah, ka gadaal markii uu ku eedeeyay argagaxisnimo. Wadaadkan oo ka mid ahaa Shiicada Sacuudiga, ayaa ku baaqaayay in Shiicada Bariga Sacuudiga degan ay ka go’aan qaybaha kale dalkaasi.
Hogaamiyaha ugu sareeya dalka Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa wuxuu maalintii Axada uu sheegay in burbur uu ku imaan doono qoyska talada Sacuudiga haaya ee Al-Saud, bacdamaa sida uu sheegay ay ku xadgudbeen nolosha Nimr al-Nimr.



0 


Sacuudiga oo si rasmi ah xiriirka ugu jaray Iran
Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa si rasmi ah xiriirka ugu jartay dalka Iran, maalin ka dib markii dad careysan ay xoog ku galeen Dhismaha Xarunta Safaaradda Sacuudigu uu ku leeyahay Magaalada Tehran. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda