Warar lagu qoray baraha Internet ee taageera Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalka ay ku qabsadeen gaadiid dagaal iyo sanaad milateri, ayna ku dileen askar ka tirsan ciidanka dowladda.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Xuseen Shiino oo goor dhow la hadlayay warbaahinta Muqdisho ayaa beeniyay in Al-Shabaab la wareegeen, waxaana uu xusay in Ciidamada Nabadsugida ay gacan ku siiyeen in la iska caabiyo Al-Shabaab.
Deegaanka War-Maxan ayaa u dhaxeeya Afgooye iyo Wanlaweyn, waxaana dhowr jeer oo hore Al-Shabaab ku soo qaaday weerar.
Xigasho:-Jowhar.com



0 



Al-Shabaab oo saaka dagaal kula wareegay deegaanka War-Maxan
Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa saaka waabarigii dagaal culus ku qaaday deegaanka War-Maxan ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo fariisin ku lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.