Arsene Wenger ayaa qorsheynaya inuu lacag badan qarashgareeyo xagaagan marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda si uu u dejiyo cabashada tirada badan ee ka imaaneysa jamaahiirta kooxda Arsenal, sida ay qortay jariirada The Sun
Gareth Barry ayaa noqday ciyaaryahanka Premier League ee kulamada ugu badan ku soo bilowday ka dib markii uu ku soo bilowday kulankiisii 572aad xalayto.
Kooxaha Newcastle United iyo Norwich City ayaa heerka labaad u laabtay kadib markii ay ku fashilmeen in ay baaqi ku si ahaadaan the Premier League kadib guul wayn oo ay kooxda Sunderlnad ka gaadhay Eveton. Sunderland ayaa 3-0 ku garaacday kooxda Everton kulan ka dhacay Stadium of Light.
Jamaahiirta Tottenham ayaa hubaal ay tahay inay walwal qabaan ka dib markii tababare Mauricio Pochettino lagu sawiray isagoo halyeeyga Man United Sir Alex Ferguson kula kulmaya qado sir ah.
Louis van Gaal ayaa ka baxay heshiis uu kula soo wareegi lahaa xiddiga Benfica Renato Sanches ka dib markii uu go'aansaday inuu ceyrsado xiddigo kale oo diirada u saarnaa, sida ay qortay Daily Mail.
Muuqaalo foolxumo ah ayaa hareeyay kulankii ugu danbeeyay ee West Ham ee garoonka Upton Park iyadoo weerar lagu qaaday baskii kooxda Manchester United ka hor inta aysan ciyaarya bilaabanin.
Arsenal ayaa xaqiijisatay u soo bixitaankeeda Champions League ee xilli ciyaareedka danbe ka dib markii Manchester United ay guuldarro xalayto ka soo gaartay West Ham United.
Luis Enrique ayaa aaminsan in Barcelona ay u qalanto horyaalka La Liga ka dib markii talaabo fiican u qaadeen hanasha horyaalka, waxaau harsanyahay hal kulan xilli ciyaareedkan.
Laacibka ku guulaystay abaalmarinta PFA ee sanadka ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu ka dhaqaaqayo naadiga Leicester, iyadoo Arsenal xiiso weyn u qabto.
Jamaahiirta Manchester City ayaa dhabarka xijiyay tababarahooda ka tagaya Manuel Pellegrini isagoo macsalaameeyay Etihad Stadium ka dib seddex sanno uu joogay kooxda.
Thierry Henry ayaa ku dhaleeceeyay goolhaye Joe Hart inuu qosol ka dhigtay qalad difaac oo ay kooxdiisa sameysay taasoo keentay in Manchester gool laga dhaliyo.