Wararka

Qaar ka mid ah magaalooyinka Sacudi Carabiya oo laga waayay sigaarka

0 Visits: 331 | Monday March 14, 2016 - 20:17:39
Qaar kamid ah goobaha ganacsiga magaalooyin ku yaal Boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa laga waayay sigaarka, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in dowlada ay qorsheynayso in ay kordhiso sicirka lagu iibsado sigaarkaiyo badeecooyinka kale ee caafimaadka u daran.

Read More »

War Saxaafadeed ( Faafin degdeg ah) 'Nuqul Af- Soomaali'

0 Visits: 385 | Monday March 14, 2016 - 19:45:44
Mogadishu, March 14, 2016 - Xukuumadda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag ay u cambaareynayaan weerarka argagaxiso ee ka dhacay caasimadda Ankara shalay galab , kaasoo sababay geerida 34 ruux oo dad rayid ah oo aan waxba galabsan , halka tira intaa ka badan ay ku waxyeeloobeen.

Read More »

Gabar bare ah oo Falastiini ah oo ku guuleysatay abaalmarinta macalimka caalamka

0 Visits: 357 | Monday March 14, 2016 - 16:58:23
Hanan Al Hroub, ayaa ku barbaartay xero qaxooti iyadoo u ololeyn jirtay waxbarashada carruurta kuwaas oo dhibaato ka soo gaartay rabshadaha hubeysan oo ka jira deegaanka ay ku noolaayeen.

Read More »

Haween Qamri waday oo lagu qabtay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo

0 Visits: 309 | Monday March 14, 2016 - 16:55:17
Wararka ka imaanaya Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Federalka Somaliya ay gacanta ku dhigeen haween waday Qamri sida la sheegay laga keenay dalka Ethiopia.

Read More »

Koofur galbeed oo UK ugu mahadcelisay taageerada Soomaaliya

0 Visits: 223 | Monday March 14, 2016 - 16:54:10
Munaasibaddan oo loogu mahadcelinayay dowladda UK oo lagu qabtay magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka qeybgalay sii hayaha xilka madaxweynaha dowlad goboleedka koofur galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed, saraakiil ka tirsan ciidanka qalabka Soomaaliya,mas'uul ka tirsan dowladda Britain iyo mas'uuliyiin…

Read More »

Xukuumadda Soomaaliya oo tacsi u dirtay Turkiga

0 Visits: 287 | Monday March 14, 2016 - 16:36:31
Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalkxiiska ee xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa tacsi u direy dadkii ku geeriyooday weeraradii argagaxisinimo oo ka dhacay xalay magaalada caasimadda u ah dalka Turkiga ee Ankara.

Read More »

Turkiga oo duqeeyay saldhigyo ay leeyihiin PKK

0 Visits: 240 | Monday March 14, 2016 - 15:17:30
Milatariga Turkiga ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay Isniinta maanta ah fuliyeen 18 duqeymo oo ay ku bartilmaameedsanayaan mintidiinta Kurdish-ka ee Woqooyiga Ciraq.

Read More »

Zambia oo Kenya ku wareejisay Rag la sheegay inay ka dambeeyeen Weerar ka dhacay Mandera.

0 Visits: 243 | Monday March 14, 2016 - 15:15:05
Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa lagu qoray in Dowladda Zambia ku soo wareejiyeen Dowladda Kenya Rag ka kooban 4 Soomaali Kenyan lala xiriirinayo weerar bishii November 22-dii ee sannadkii 2014-kii lagu qaaday Bas marayey duleedka magaalladda Mandera ee W/bari Kenya.

Read More »

Kulan Kudhexmaray Booliska Iyo Dhallinyaro Soomaali ah Xaafada Eastleigh

0 Visits: 303 | Monday March 14, 2016 - 15:12:40
Shalay ayaa xaafada Eastleigh ee magaalada Nairobi uu kulan ku dhexmaray booliska iyo dhallinyaro Soomaali ah. Kulanka ayaa waxaa uu ku saabsanaa sidii isfaham loogu soo dabbaali lahaa labada dhinac iyo weliba bulshada xaafada ku nool.

Read More »

Madaxweynaha Turkiga oo ku hanjabay inuu aar gudayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii xalay.

0 Visits: 270 | Monday March 14, 2016 - 15:05:42
Madaxweynaha dalka Turkiga Rajjap Dayip Ordegan ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah wax uu ugu yeeray ururada argagixisada ah ee qaraxyada wadankiisa ka geysta.

Read More »

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo rajo kamuujiyay shirka maamul sameynta labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe

0 Visits: 231 | Monday March 14, 2016 - 14:59:58
Guddomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar 'Dabaged' oo ka hadlay arrimaha dhismaha Maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabelaha dhexe isagoo rajo kamuujiyay in dib loo bilaabo shirka dhismaha maamulka labada gobol.

Read More »

Madaxweynaha iyo Wakiilka Midowga Afrika oo ka wadahadley fulinta baaqii Djibouti ee xoojinta AMISOM iyo ciidanka Soomaaliya

0 Visits: 207 | Monday March 14, 2016 - 14:57:32
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Jose Madeira.

Read More »

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Australia

0 Visits: 237 | Monday March 14, 2016 - 14:39:44
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kaga guddoomay warqadihi aqoonsiga, Danjiraha Australia, wakiilka uga noqon doona Soomaaliya, Mr John Feakes.

Read More »

Alqaacidada Waqoyiga Afrika oo sheegatay weerar lagu qaaday hotelo ku yaal Ivory Coast

0 Visits: 219 | Monday March 14, 2016 - 14:34:33
Ururka Islaamiyiinta ee Al-qaacidada Waqooyiga Afrika ayaa sheegtay mas'uuliyada weerar lagu qaaday hotelo ay dad dalxiisayaal ah degenaayeen meel ku dhow caasimada Ivory Coast.

Read More »

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Keating oo gaaray magaalada Beledweyne

0 Visits: 242 | Monday March 14, 2016 - 14:31:37
Wakiilka Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Michael Keating ayaa gaaray magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland,iyadoo halkaasi ay ku soo dhoweeyeen mas'uuliyiin ka tirsan Somaliland.

Read More »

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Amiirka Kuwait, gudbiyay fariin uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda .

0 Visits: 205 | Monday March 14, 2016 - 14:28:04
Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa socdaal shaqo ku jooga dalka Kuwait kadib cazuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa H.E Sheikh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah.

Read More »

Askar Ciraqiyiin ah oo lagu dilay weerar dalkaasi ka dhacay.

0 Visits: 213 | Monday March 14, 2016 - 14:24:29
Ugu yaraan 22 askari oo ka tirsan ciidamada dawlada Ciraaq ayaa ku geeriyooday kadib markii dagaalamayaal ka tirsan ururka Daacish ay weerareen xero ay ciidamadaasi ka degen yihiin magaalada Ramadi oo ku taala koofur galbeed wadanka Ciraaq.

Read More »

Jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka Virginia oo soo dhaweyn u sameeyay gudoomiyaha Jaamacada SIMAD

0 Visits: 345 | Monday March 14, 2016 - 14:10:25
Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha jaamacada SIMAD ee magaalada Muqdisho Md. Dahir Xasan Cabdi (Dahir Carab) oo maalmahanba ku sugnaa gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa xalay la kulmay qaar ka mid ah jaaliyada Soomalaiyeed ee ku nool gobolada Virginia,Washindgton DC iyo Maryland.

Read More »

Qarax xoogan oo ka dhacay Caasimada Turkiga ee Ankara(Sawiro)

0 Visits: 240 | Monday March 14, 2016 - 14:07:28
Qarax xoogan ayaa daqiiqado ka hor ka dhacay Caasimada Turkiga ee Ankara, iyadoo qaraxa uu ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay. Warbaahinta gudaha Turkiga ayaa ku waramaya in qaraxa uu ka dhacay xarunta basaska, waxaana ay ku dhow dahay xarumo wasaaradeed.

Read More »

WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 14-KA MAARSO 2016-KA

0 Visits: 333 | Monday March 14, 2016 - 13:50:11
CARUUR HARAAD UGU GEERIYOOTAY GOBOLKA HIIRAAN Iyadoo Abaaro Xoogan ay ka jiraan qaar kamid ah Gobolada Dalka Soomaaliyeed ayaa Abaar ka jirta Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya waxaa ay Sababtay in ay Dadku u dhintaan Gaajo iyo haraad.

Read More »