Xildhibaano Gabadhii Lagu Fara-Xumeeyey Goldogob Daaweyn Caafimaad ugu Qaadi Lahaayeen Turkiga.

0
Tuesday January 24, 2017 - 14:21:55 in Wararka by
  • Visits: 459
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaano Gabadhii Lagu Fara-Xumeeyey Goldogob Daaweyn Caafimaad ugu Qaadi Lahaayeen Turkiga.

    Xildhibaano dadaal ugu jira sidii Gabadhii lagu fara-xumeeyey Goldogob daaweyn caafimaad loogu qaadi lahaa Turkiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaano dadaal ugu jira sidii Gabadhii lagu fara-xumeeyey Goldogob daaweyn caafimaad loogu qaadi lahaa Turkiga.

Xildhibaan Saadaq Xersi Salaad "Saadaq Warfaaā€¯ oo ka tirsan Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka iyo xubno kale ayaa maanta ku wajahan magaalladda Gaalkacayo.

Xildhibaan Saadaq Warfaa oo la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay inay isaga iyo Xildhibaan Zakariya Xaaji Maxamuud tegi doonaa Degmadda Goldogob, si ay gacan uga geystaan sidii ay Maamulka Deegaanka iyo Dadka Deegaanka kala hadli doonaan xaalladda gabar ay rag dhallinyaro ah dhawaan ku kufsadeen Deegaankaasi.

Xildhibaanka ayaa sheegay inuu qorshahoodu yahay sidii ay gabadhaasi u soo kaxayn lahaayeen, isla markaana daaweyn caafimaad loogu qaadi lahaa dalka Turkiga.

Safarka Xildhibaanadaasi ka soo jeeda Godob maanta ugu ambabaxeen Deegaankaasi ayaa ku soo beegantay, iyadoo uu Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud dhawaan sheegay inay Gargaar Daaweyn ah u fidin doonaan Gabadha lagu dhibaateeyey Deegaanka Goldogob.

Falka Kufsiga ee lagula kacay gabadhaasi ayaa gaagixiyey Dareenka Bulsho-weynta, gaar aahan Waalidiinta, Culumadda iyo Waxgaradka, kuwaasi oo ku baaqay in Sharciga la soo taago Dhallinyaradii Tacadigaasi geystay ee misna Muuqaalak Anshax-xumidaasi ku baahiyey Baraha Bulshadda, siiba YouTube iyo Facebook.

Si kastaba ha ahaatee, Dhaqanka soo-jireenka ee dadka Soomaalida waxa uu xushmad gaar ah huwiyey Sharafta Gabdhaha, Haweenka iyo dhamaan Dadka Birri-ma-geydada leeyihiin, waana arrin laga uur-xumaado inay so noqnoqdaan Falalka xadgudubka ee lagula kaco Gabdhaha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip