Maraykanka Oo Ansixiyey Diyaarado Dagaal Oo Lagu Xoojinayo Hawlgalka Milliteriga Kenya Ee La-Dagaalanka Alshabaab.

0
Tuesday January 24, 2017 - 13:56:58 in Wararka by
  • Visits: 462
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka Oo Ansixiyey Diyaarado Dagaal Oo Lagu Xoojinayo Hawlgalka Milliteriga Kenya Ee La-Dagaalanka Alshabaab.

    Share Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa ansixiyey Heshiis Diyaaradaha Dagaalka loogu iibinayo Milliteriga Kenya, kaasi oo qiimihiisu ku kacayo lacag dhan 418-million oo Dollar. Codsiga Taageeradaas Milliteri ayaa loo gudbiyey Kongareeska Ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Share Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa ansixiyey Heshiis Diyaaradaha Dagaalka loogu iibinayo Milliteriga Kenya, kaasi oo qiimihiisu ku kacayo lacag dhan 418-million oo Dollar. Codsiga Taageeradaas Milliteri ayaa loo gudbiyey Kongareeska Maraykanka si loo ansixiyo Heshiiskaasi bishan January 19-dii.

Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxay sheegtay inkastoo la ansixiyey Iibinta Hubkaasi, haddana waxay xustay inaan weli la dhamaystirin Heshiiska hubka lagu siinayo Ciiddanka Kenya.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Hay’adda Iskaashiga Difaaca Ammaanka ayaa lagu sheegay in Ciiddanka Kenya la siin doono ilaa 12 Diyaaradaha Dagaalka ee AT 802L iyo 2 Diyaaradaha Tababarka Milliteriga ee AT-504 Trainer Aircrafts, kuwaasi oo awood u leh inay ku degaan meelaha aadka ugu dhow Aaggaga Dagaalka.

Diyaaradahan cusub waxaa looga dan leeyahay in lagu bedelo Diyaaradaha Milliteriga Kenya ee F 5, kuwaasi oo haatan duugoobay.

Waxaa kaloo Yabooha Hubka ka mid ah Xirmo Hub ah iyo Taageeradda Farsamo iyo Maaraynta Barnaamijiyadda Milliteri.

Hadalka Qoraalka ee ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa lagu xusay inay Kenya tahay quwad xooggan oo ka tirsan dalalka Gobalka ee aagga hore kaga jira Hawlgalladda Khatarta ee ka dhanka ah Dagaalamayaasha Alshabaab, waa sida hadalka loo dhigay.

Waa Deeqdii 2-aad ee ay Dowladda Maraykanka u fidiyaan Milliteriga Kenya, iyadoo bishii hore, Ciiddanka Kenya la soo gaarsiiyey 8 Diyaaradaha Helikopterka ee Bell Huey II Helicopters, taasi oo qeyb ka ah taageeradda Maraykanka ee Dagaalka Alshabaab.

Bilowgii isbuucan, Madaxweynaha cusub ee Maraykanka, Donald Trump waxa uu su’aalo ka keenay Kaalinta Maraykanka ee Dagaalka lagu jiro Xarakadda Alshabaab iyo sababaha uu Maraykanka ugu guuleysan la’ yahay Dagaalkaasi oo 10-gu’ jirsaday.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip