Musharax MC Farmaajo muxuu ka yiri dalab kaga yimid Shiikh Shariif.?

0
Tuesday January 24, 2017 - 13:07:33 in Wararka by
  • Visits: 429
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharax MC Farmaajo muxuu ka yiri dalab kaga yimid Shiikh Shariif.?

    Warar naga soo gaaray ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ka mid ah musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynenimada Soomaaliya, in xiriir uu la sameeyey musharax Maxamed Cabdullaahi [Farmaajo] kaga dalbaday inuu ta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar naga soo gaaray ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ka mid ah musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynenimada Soomaaliya, in xiriir uu la sameeyey musharax Maxamed Cabdullaahi [Farmaajo] kaga dalbaday inuu taageero isbaheysi siyaasadeed ay ku bahoobeen musharixiin dhowr ah, waxaanna heshiis is-afgarad ah oo ay gaareen musharixiintaasi gundhig u ah in marka doorashada la gaaro musharaxa ka mid ah musharixiintaas ee ugu codad bata in la taageero.

Ergooyin ka kala socda 2-da musharax ayaa maalmihii ugu dambeeyey kulamo gaar ah ku yeeshay Muqdisho, waxaanna la is weyaarsaday fikrado kala duwan.

"Farmaajo qolada Shiikh Shariif ayaa u yeertay, waxeey ka dalbadeen inuu taageero musharaxnimada Shiikh Shariif, wuxuu taageeradiisa shuruud kaga dhigay in haddii uu Shiikh Shariif guuleysto in loo magacaabo xilka R/wasaaraha, Shiikh Shariif waa ku adkaatay inuu aqbalo dalabka Farmaajo, wuxuuna ku yiri: xil kasta oo kale oo aan aheyn R/wasaare dalbo” ayuu yiri mid ka mid ah siyaasiyiintii kulankaasi ka qeybgashay, oo dalbaday inaan magaciisa la xusin, wuxuuna intaa ku daray in Shiikh soo jeediyey in haddii uu tartanka ku guuleysto in Farmaajo u magacaabi doono safiirka UNka u fadhiya Soomaaliya.

"Farmaajo ma haysto dhaqaale buuran, xittaa ma ahan musharax ku xiran musharixiinta kale ee tartamaya, ragga doorashada saameynta ku leh ee codadka badan haysta sida Shariif Xassan xittaa isma salaamaan waxaa isugu dambeysay 2011-kii, waxaa adkaaneysa qaabka uu ku soo bixi karo” Ayuu yiri mas’uulkaasi, wuxuuna tilmaamay in marka loo eego doorashooyinkii hore ee Soomaalida loo qabtay in doorashadani aysan waxba ka duwanaan doonin, oo musharixiinta intooda badan ay bixin doonaan lacago laaluush ah.

Maxamed Axmed Jimcaale: Muqdisho-Soomaaliya

Xigashjo:-dayniile.com





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip