Qarax khasaare geystay oo Ka dhacay Degmada Afgooye
Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Qarax khasaare geystay uuka dhacay degmadaasi.
Qaraxa ayaa ahaa Miinada dhulka lagu Aaso waxaana la sheegaya in la geliyay goob fariisin u ah ciidanka dowladda Soomaaliya.
Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay 4 ruux oo ay ku jiraan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, waxaana ku dhawaacmay tiro intaasi ka badan.
Degmada Afgooye ayaa shalay gelinkii dambe waxaa ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Sidoo kale dagaalyahanada Al-Shabaab.
Xaalada degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Saaka degan , waxaana la sheegaya in ciidanka dowladda Soomaaliya ay halkaasi ay ka wadaan howlgallo kala duwan.
Qarax khasaare geystay oo Ka dhacay Degmada Afgooye
Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Qarax khasaare geystay uuka dhacay degmadaasi.