Markab hub waday oo lagu qabtay Dekeda Magaalada Kismaayo

0
Tuesday January 24, 2017 - 11:00:23 in Wararka by
  • Visits: 500
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markab hub waday oo lagu qabtay Dekeda Magaalada Kismaayo

    Maamulka Jubbaland, ayaa gacanta ku dhigay markab bagaash ganacsi siday, balse lagu soo dhex qariyay hub, iyadoo markabkan uu u kireysnaa ganacsade lagu magacaabo Cabdi Jamaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Jubbaland, ayaa gacanta ku dhigay markab bagaash ganacsi siday, balse lagu soo dhex qariyay hub, iyadoo markabkan uu u kireysnaa ganacsade lagu magacaabo Cabdi Jamaal.

Markabkan oo ka diiwaan-gishan Magaalada Pretoria ee Caasimadda Wadanka South Africa, ayaa gelinkii dambe ee Axadii ku soo xirtay Dekeda Magaalada Kismaayo, xilli Maamulka Jubbaland loo sheegay in ganacsi uu sido.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Magaalada Kismaayo, ayaa xaqiijiyay in markabkan uu u rarnaa ganacsadaha lagu magacaabo Cabdi Jamaal.

Sarkaalkan, ayaa Dhacdo.com u sheegay in Jubbaland ay ogaatay hubka saaran markabkaasi, ka dib markii ay ku soo wargeliyeen shaqaale markabka ka dejinaayay rarka ganacsi.

Sarkaalkan oo ka gaabsaday in magaciisa loo adeegsado Warbaahinta, ayaa yiri "Markabkan wuxuu ka diiwaan-gishan yahay Magaalada Pretoria. 22-kii bishan ayuuna ku soo xirtay Magaalada Kismaayo. Markabka ayaa ku yimid Dekeda Kismaayo badeeco inuu wado.”

"Ganacsade Cabdi Jamaal oo ganacsade caan ah ayuuna u raran yahay markabka. Ganacsadahan wuxuu ka soo jeedaa dadka reer Puntland ee degan Magaalada Kismaayo.”

"Rarka markabka oo raashiin bariis, bur, sonkor iyo saliid isugu jira ayaana lagu soo qariyay hubkan. Isniintii shalay oo raashiinka la rabay in laga soo dejiyo markabka, ayaa waxaa hubka arkay shaqaalihii raashiinka ka soo dejinaayay, waxayna ku soo wargeliyeen Maareeyaha Dekeda Kismaayo.”

"Madaxda Jubbaland shir deg deg ah ayay ka yeesheen hubkaasi, waxayna amar ku bixiyeen in la soo xir xiro shaqaalihii markabka la socday iyo shaqaalihii kale ee rarka ka dejinaayay, si aysan u bixinta xogta hubka saaran markabka.”

"Ciidamada Jubbaland ayaa xalay bilaabay inay hubka ka soo dejiyan markabka. Hubka la qabtay waxaa ku jira jiib gacmeydyo, qoriga daba-jeexa, baasuukaha garabka laga tuuro iyo bistoolado fara-badan.”

"Ma garanayno ujeedada iyo sababta hubka loogu soo qariyay badeecada ganacsi, laakiin Maamulka Jubbaland aad buu arrintan u baarayaa.”

Jubbaland, ayaan weli ka hadlin hubka ay ku qabatay Dekeda Kismaayo iyo waxa ay ka yeeli doonto, waana markii ugu horeysay oo ay gacanta ku dhigto hub lagu soo qariyay raashiin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip